Sondag 14 Desember 2014

SAWIRKA MAANTIYO SOOMAALIDA

CABDIFATAAX XASAN CIRGUJE
Hordhac
Bulshada soomaaliyeed waxay soomareen waqtiyo aad u adag oo waayahooda lahaa, waxaa laga joogaa 24 sano markay jabhadihii mucaaradka ahaa ee yoolkoodu koobnaa, ay qori caaradii ku fashiliyeen xukuumadii militariga ahayd ee Madaxwayne Mohamed Siyaad Barre, sidoo kale xilligaas jabhadu kahor intaysan dagaalka bilaabin waxay bulshada Soomaaliyeed inteeda badan ku qanciyeen in Siyaad Barre yahay kaligii talis aan dhib mooyee wax dheef ah uhaynin dalka iyo dadkaba, sidaa darteedna uu mudan yahay in la iska hor dhaqaajiyo si hormar loogaaro, balse jabhadihii Mucaaradka ahaa inay hogaankii dalka fashiliyeen marka laga tago kumaysan guulaysan inay badalkiis keenaan amaba iska dhexdoortaan hogaamiye umada soomaaliyeed guul horseeda, isku duubnidoodana ilaaliya, dalkana kusoo celiya xasiloonidii iyo kala dambayntii.
Dhacdadaasi waxay Soomaaliya uhorseeday: dagaalo sokeeye oo aan dhamaad lahayn, barakac aan jid iyo jihatoona lahayn, qax aan qiil loohayn, mijo aan madax lahayn oo jihadii kaluntay, xabad aan cidna reebayn iyo qalalaase siyaasadeesan oo wali socda hadana madaxa lagalay sanadii 24aad. Dhanka kale waxay soomaalidu isugu timid amaba la isugu keenay shiarar badan oo dib uheshiisiineedoo caalami ah, walina waxaa muuqata inaan xal laga gaarin masiibadaan dalka lahartay.

Soomaalida Maanta 


Hadaba kadib burburkii dawladda soomaaliya iyo musiibadii dadkeena asiibtay waxay bulshada Soomaaliyeed kadhaxleen dhibaatooyin badan, oo inay sii kordhaan mooyee aan wax kasoo rayn ahi wali muuqan. Marka maadama ay soo dhawdahay doorashadii dalku, cidda wax loo qabanayaana tahay bulshadaan daalka iyo diiftu kamuuqato, waxaan rabaa inaan sawir yar kabixiyo xaaladda ay ku suganyihiin ummada Soomaaliyeed ee maanta joogta, wax uqabadkana u ooman maxaa yeelaya markii boogta lahelo ayaa la daweeyaa, hadaba bulshadda Soomaaliyeed ee maanta jirta waa sidaan:-Rajo kunool aan cidi umaqnayn:
Waxay usoo joogeen dhibaatooyin badan, dagaalo aan waxba reebayn, gaajo iyo haraad lagu qur baxay, dadka oo naxariistii ka dhamaatoon isku turayn oo dabka la isugu dhiibay, dadkaan qaarkood waa isaga qaxeen dalka, waxayna ka doorbideen inay qaxooti amaba magan ku ahaadaan dalalka shisheeye, qaarna waxay ku hareen dalkii oo wali ay ku suganyihiin, waxa kaliya oo ay wehshadaan dhamaantood maanta waa rajo, waxayna naftooda usheegaan markasta in dhibtaan laga baxayo, dowlad dadka u cadaalad samaysana ay heli, sharafkii, maamuuskii iyo magacii ay dunida kulahaayeena soo noqon, balse taas wali uma
romoobin, walina isma dhiibin ee way aaminsanyihiin riyadooda, wayna sugayaan waqtigay ahaataba! Hadaba su’aashu waxay tahay;-

Goormay rajadoodu u rumoobi? Qaabkee bayse ugu rumoobi kartaa? Yaase umaqan oo laga rabaa inuu ku hogaamiyo bulshada wadada guusha?
Maquustayaal aan talo hayn:
Waa taan tuducda hore kusheegay ummadeenu inay Rajo kunool yihiin, hase yeeshee hadana waa Maquustayaal aan talo hayn, waayo qofku markuu xanuusado, ugu horeyn waxuu iswaydiiyaa: maxaa kuhelay? xageese lagaa hayaa? Waxuu ka fakaraa oo naftiisa waydiiyaa meeshuu xanuunkaan kasoo qaaday iyo waxa sababay, kadib markuu helo ayuu daawayntiisa guda galaa, Hadaba umadda Soomaaliyeed marka laga tago inay rajo qabaan, ma maraan wadaday riyadoodu ugu rumoobi lahayd amaba xal ugu heli lahaayeen “Aaafadaan ku 24 jirsatay” wali isma waydiin, xagee lagaa raacay? Maxaan ku mutaystay ciqaabta intaa leeg? Waayo su’aalahaas oo aan jawaab loohelin, daawadeedu way adkaanaysaa! Hadaba iswaydiintu waxay tahay:-
Goormay tashan oo iswaydiin meeshay sartu ka quruntay? Goormayse garawsan aafadaan kadibna daawadeeda raadsan? Yaase mudan inuu ka caawiyo xal uhelida su’aalashaas?
Bulshada soomaaliyeed waa hal qowmiyad oo isku luuqad kuhadla dhaqan mid ahna leh, hadana waa wada Islaam misna wada suni ah, dhaqankoodun waa mid diinta Islaamka waa faqsan, waana bulsho xurmayn jirtay culumadooda waxay faraana qaata, sidoo kale arintii ay xal uhelidoodu adkaato waxaa looga dambayn jiray loona celin jiray culumada diinta. Marka sifooyinkaas dartood ayayn ugu suurtoobi wayday xilligii dawladda iyo kahorba inay inbadanoo kamida dawladaha reer galbeedka iyo isbahaysiyadooda iyo kuwo kaloo badanba far ku darsadaan ummaddeena oo fikirkooda kahirgaliyaan dhulkeena, haday diin ahaan lahayd, haday dhaqan ahaan lahayd iyo haday fikradooda siyaasadeed ahaan lahaydba. Hadaba burburkii xukuumadda iyo boholyawgii ummaddeena, waxay unoqotay fursad wayn oo dahabi ah, waxayna ugusoo qamaameen si aan hagrasho lahayn: Qaar waxay usoo raaceen bulshadeena raashin ama cawimo, Qaar waxay ugu yimaadeen qaxootiyada, Qaar waxay isusoo magacaabeen Hayado samo fal ah oo daawooyinkay ku gabanayeen, Qaar waxay dhaheen xuquuqda bini’aadamkaa ilaalina oo waxay latageen maatadii oo ah meesha ugu nugul ee ay wax kabadali karaan waxna ku shuban karaan, Qaar way soo dalbadeen ayagoo jeega ujiifa oo bartoodaa loogu geeyay, dhamaantoodna yoolkoodu waa inay helaan bulsho dhaqankooda haysata, waxay aaminsanyihiina la aaminsan oo Soomaali ah, kuna nool geeska Afrika, “Sida uu daqsigu labadiisa garab midna sunta ugu wato mida daawada” si lamida ayaa waxay natarayaan uu barkood yahay sun daawayntiisu adagtahay, taasna waxay keentay inay dalkii isugu yimaadeen bulshadeenii oo mid walba isagu isla qumanyahay fikir ugooniyana wato, waayo shiinuhu kay qaateen shuuci buu layimid, kii maraykanku qaatayna dimuqraadi buu layimid, kay iiran qaadatayna inkastoo ay dhawaan bilawday fikir shiici ah buu layimid iyo kuwa kaloo badanba. Hadaba Iswaydiintu waxay tahay:
Goormay umadaydu is garan? Goormay ogaan in fikradahaan ay wadaan yihiin kuwo loosoo dhiibay? Goormay xalka udaba fariisan culumada diinta taqaan iyo xeer beegitideenii? Yaase mudan inuu wax fahansiiyo?
Bulsho iswada diidanoo la isku diray:
Dhamaan dhaqamadaas iyo fikradahaas aan kor kuxusay, waxay soo kordhiyeen dhibaato hor leh, waxayna isku direen dadkeenii, waxay kala fogeeyeen laba hooyo wada dhashay oo midba fikirkiisu ugooni yahay, waa sababtii kuuriya labada loogu kala qaybiyay! hase yeeshee fiidnaam ay kadirirtay, waatay dhalinyaradii Jarmalkuna taariikhda baalka dahabkaa ka galeen kadib markay jabiyeen darbigii lakala dhex dhigay intay fikirkoodii mideeyeen, waana tan maanta mar horeba dalkaygii laga bilaabay. Allaw dadkayga wax fahansii! Hadaba Su,aashu waxay tahay:
Cudurka noocaan ah maxaa lagu daweeyaa? Yaase laga sugayaa inuu dadka isu keeno?
Dad wada bukoo aan dabiib lahayn:
Waa bulsho wada bogtoo aan dabiib haysan, Midbaa dagaaladii sokeeye ku jiraday oo rasaastu madax martay, haduusan maqalna aan seexanayn oo nabaduna cudurkiisa tahay!! Midbaa xoolihii dadwaynuhu kaqaxay isa siiyoo ka tabcaday, kuna carruuro dhalay, oo isu arka inuu nasiib badan yahay, waxayna kunoqdeen cudur xaaraantii xalaal uga dhigay! Caruurtii ku dhalatayna maanta waxaa adag in la marsiiyo gurigaan dad kalaa iska leh! Reerkaasna nabadda dani uguma jirto! Midbaa reer dabkoodu isu muuqdo waagi baryaba colaadooda lagu abuuraa oo ladhahaa awawyaashaa ayagaa laayay! Wuu is xanaajiyaa markuu qof ayagaa arkaba, reerka kalena mid ujooga baa markuu dhowr jeer arkay inankaan cabursan geestiisa ka xanaaqay oo difaac ka galay, labadaa nin waa isku cabursanyihiin oo mid walba kan kaluu iska ilaalinayaa, garana maayaan sababta ay iskugu caraysanyihiin, waase la isku diray. Hadaba su’aashu waxay tahay:-
See la isku fahan siiyaa labadaan nin? Yaase mudan inay usheegaan in la isku diray, laakiin aysan colaadi kadhexeen ee ay walaalo yihiin?
Bulsho wada dulmanoo garab wayday:
 sida aad kawar haysaan in badan oo kamida dawladaha caalamka burbur wuu soo maray, hase yeeshee waxaa badbaadiyay dawlado kale oo saaxiibadood ah ama ay isku mawqif yihiin, amaba ay diin kadhaxayso, una diiday inuu dhinacooda dhulka taabto, hase yeeshee soomaalidu mahelin garab walaal iyo mid sxb toona, kadib burburkiina mid danihiisa kafushada oo cuno ay eedeen ukeenay mooyee mid ayaga wax taray oo garab ay ka heleen majirin, cawimo la iikeeno iyo qaxooti la iga qaado dhib mooyee dheef kuma qabo laakiin garabkaan ka hadlayo waa mid la iga caawiyo inaan dib cagahayga isugu toosiyo. Hadaba Iswaydiintu waxay tahay:
Goormay garan in Ilaahay Swt mooyee aan cid kale u maqnayn? Goormayse isu kalsoonaan oo awoodooda aaminin? Yaase Mudan inuu runta usheego?
Hogaan Aan Kala Sarayn


Umaddii soomaaliyeed waxay kujiraan waqti aad u adag oo ay ubaahay garab ama geesi kasoo dhex baxa oo kasaara xaaladaan adage e ay ku suganyihiin, maahan xilli ay xamili karaan khilaaf iyo buuq hor leh oo lagu dulfuro, hadaba markaad eegto xaaladda ay kujiraan, amase jaleecdo diifta iyo daalka kamuuqda ummadaan jiilaalku ku dheeraaday, dhanka kalena eegto hogaankaan ay udoorteen inuu kasaaro waqtigaan adag iyo abaarta “Dabadheer” una raro meel baad iyo biyo leh, waxaad arkaysaa inay yihiin kaaf iyo kala dheeri, waayo hogaan lasugayo waa kuwo iyagu isku muuqda oo midba midka kale iska eegayo “Ma xilli la is xiniya qaloocsadaa lagu jiraaba?”
Hadaba markaan qiimeeyay xaaladaan sidoo kalena iswaydiiyay meesha salaadu iska qaban la,dahay, waxaan iisoo baxaday inuu dhacay qalad dastuuri ah, iyadoo magaca “Qabiil Laqincinayana qarankii lagu tuntay! Waayo markaad eegto qaabdhismeedka dawladaha caalamka sidoo kalena aad taariikhda dib uraacdo waxaa kuusoo baxaya, Madaxwayne awood buuxda haysta iyo kuxigeenkiis, sida Maraykanka, Kenya iwm, Raysul wasaare awood buuxda leh iyo Madaxwayne magac sharafeed un haysta sida: Ruushka, Turkiga, iwm. Laakiin majirto dawlad leh Madaxwayne iyo Raysul wasaare isku awood ah Soomaalida mooyee, waa halkay Soomaalidu ka lahayd doon laba naakhuuda leh waa dagtaa.
Marka soomaalidu intay islahayd dhamaan qabiiladoo laqinciyo buu xalku kujiraa, baa xaaladdii ku xumaatay, oo waxaa dhacday “Hagaaji baan lahaayee Mahooji baa udambeesay” waayo meeshii horusocod laga sugayay baa waxay la kulmeen khilaaf aan dhamaad lahayn, halkii dabiib laga sugayay bay boogihii naga danqiyeen, dhaawaciina nagu fogeeyeen, halkii ;aga sugayay inay dhiiri galiyaan ciidanka qaranka say hiigsi uyeeshaan, bay jihadii ka khaldeen jahwareerna kurideen, taasna waxay dhalisay in nabadiidku heleen dhiiri galin ay madaxtooyadii iyo xaruntii golaha shacabka gudaha ugaleen. Waxay keentay xukuumad aan dhamaystir lahayn oo had iyo goor labadalo iyo hawshoodoon qabyo dhaafin. Waxuuna waxqabadkii xukuumaddu noqday “ Xukuumad cusub baa la ansixiyay iyo mid baa kalsoonidii lagala noqday”.
Waxaanse iswaydiiyay in badan dawladihii burburka laga soo bilaabo Dawladdii Carta ee Mad.C/qaasim Ma sharci kaligood loodhiibaa dhigaya inuusan midna xilka ka dagin ilaa uu Saddex Raysulwasaaro soo magacaabo?
Talo iyo Toosin
Dawladda Soomaaliya iyo dawladaha daneeya arimaha soomaaliya waxay carabaabeen in Soomaaliya ay ka dhici doonto doorasho xor ah, hase yeeshee iyadoo markii horeba aan lamarin wadadii lagu gaari lahaa amaba hanaankii loogusii gogol xaari lahaa doorasho xor ah oo dalka ka dhacda, hadane dhanka kale waxaad arkaysaa in rajadii laga qabay ay sii lumayso kadib is jiidjiid dheer iyo khilaaf lagusoo dhisay qaar kamida maamuladii dalka halka qaar kalena hogaan saree dalku xal uwaayay soo dhisidooda, taas ayaana hada umuuqata mid ku dambayn doonto in lagu qasbanaado hanaankii wax lagu dooran jiray ee baarlamaaniga ahaa.
Hadaba Isimadu waa ergayda soo xusha golaha wakiilada amaba baarlamaanka ee matala bulsho waynta Soomaaliyeed, kuwaasoo iyaguna soo doorta hogaanka dalka ugu sareeya, marka maadaama Isimadu yihiin halka ay kasoo dhismato dawladdu, waxaan kula talinayaa inay aad uga taxadaraan soo xulida golaha wakiilada, ayna kusoo doortaan astaamahaan xubnaha ay usoo dirayaan inay ka talinayaan masiirka umadda Soomaaliyeed:-
Waa inay noqdaan xubnaasi kuwo leh aqoon diimeed iyo maadi. Waa inay noqdaan xubnahaasi kuwo wadaniyad iyo dal jacayl leh, ayna ka go’antahay xal uhelida dalkooda iyo samata bixinta umaddoda.Waa inay noqdaan kuwo ilaaliya kana taliya danta qaranka balse aysan noqon kuwo u adeega dano shisheeye iyo mid qabiil toona.
F.G. Marka aad soo xulaysaan ergada kamid noqonaysa golaha wakiilada ee matalaya bulshada Soomaaliyeed, waxaa ini saaran masuuliyad aad uwayn maalin maalmaha kamidana la idin kala xisaabtami doono.
Xal/Gunaanad

Hadaba waxaan maanta qalinka uqaatay si aan wax uga iraahdo arintaan sii murgaysa ee Dalkayga ku habsatay, Qarankaygii dumisay, Dakaygana ka dhigtay magan aan ehel lahayn, sidoo kale waxaan rabaa inaan wax katibaaxo amaba ka tilmaamo qodobo aan u arko hadaynu raacno inaan xal uhelayno dhibkeena, anoo kusalaynaya fikirkayga iyo khibradaan kahelay baaritaano aan ku sameeyay wadamo soomaray xaaladda aan maanta kujirnoo kale iyo siday uga baxeen, waxaana kubilaabayaa sidatan:-
Si guud
Waxaan usoo jeedinayaa bulshada Soomaaliyeed si guud mijo iyo madaxba inay sameeyaan dhowrkaan qodob xal waan helaynaa Ilaahay idankiisee: Marka hore aan unoqono Iaahay swt, si wada jir ahna inta isu soo baxno aan barino inuu naga dulqaado musiibadaan 24 jirsarsatay ee nala hartay wuu na ajiibiyee. Marka xiga waxaan bulshadeena ugu baaqayaa inay 24 sano kadib xalay dhalay kanoqdaan waxii dhacay oo ay is cafiyaan, isuguna yimaadaan geed hoostiis iyagoon lagu dhex jirin, kana wada xaajoodaan dib udhiska dalkooda iyo samata bixinta dadkooda. Dagaalkii sokeeye ee Ruwaandha ka dhacayna waa inaan ka baranaa cashar, waxaa kudhintay kala bar/badh dadkii dalkaasi kudhaqnaa, dhamaantoodna waxay ahaayeen hal qoys/qabiil, waana qabiilka layiraahdo Tuutsi, waxaana xasuuqa gaystay qabiilkii talada hayay xilligaa ee ahaa Huutuuga, Bal eeg wadaday kusoo afjareen ugana hortageen inuu dagaalkii sokeeye ee dalkoodu siisocdo. Waxay si looga gudbo xaaladaan adag horumarna loo tiigsado isku raaceen, Inay is Cafiyaan, natiijaday kadhaxleena waa mid aan maanta cidna ka qarsoonayn, waayo Ruwaandha waxay kamid tahay maanta wadamada Africa Hogaanka uhaya, Horumar dhan kasta ahna ku talaabsaday, Koonfur Africa iyo Siiraliyoon waa lamid oo dagaalkii sokeeye ee soomaray dalalkaas iyaguna waxay ku xaliyeen in la is Cafiyo waxii dhacayna xalay dhalay laga noqdo.
Ugu dambayn Umadi hogaan kama maaranto, hogaankuna kama maarmo qof ugu sareeya oo talada ugu dambay isagu leh, Hadaba hogaan wanaagsan oo hiigsi leh umadiisana u adeega ee aan u adeegin dano shisheeye, sidoo kalena kashaqeeya horumarinta dalkiisa iyo dadkiisa ee aan kashaqaysan iyo Bulsho hogaansan oo garab istaagta hogaanooda waxaa isku hela dad iyo dal nasiib leh, inagana hadaan Soomaali nahay farqi wayn baa inoo dhaxeeya wqtigaan lajoogo astaamahaas aan kor ku xusay. Muhiimadda uu hogaanku uleeyahay bulshada waxaa ka fahmaysaa qawlkii rasuulka NNH ee ahaa “Saddex meeshaad kujoogtaan midkiin hogaamiye udoorta.
Waxaan qalinka kusoo xirayaa: Allaw Dalkoo nabada, Dadkoo isjec Iyo Hogaan Daacad ah.W.Q. 
W.Q. Cabdifitaax Xasan Cirguje

Dinsdag 21 Oktober 2014

QAAR KAMIDA MADAXWAYNAYAASHA AFRIKA UGU TAAJIRSAN


HOGAAMIYAASHA JIRAN EE MUSUQMAASUQA IYO CADAALAD DARRADA KU TAAJIRAY
W/Q: Abdifataax Xasan Cirguje
 
Afrika waa qaaradda labaad ee ugu wayn dunida, hadana waan qaaradda labaad ee dunida ugu dadka badan, sidoo kale waa qaaradda ugu kheyraadka badan oo wali kheyraadkeedu dihinyahayay marka loo eego qaaradaha aduunka, misana waa qaaradda dadkeedu ugu faqiirsanyihiin caalamka. Qaaraddaan ayaa waxaa ragaadiyay oo caalamka intiisa kale ka reebay dhibaatooyin badan oo ay kamid yihiin, kaligood taliyayaal aan xilka ka dagin inay kadhintaan ama laga fara maroojiyo mooyee, waxaana hada jira qaar kamida wadamada Africa oo ay Hogaamiyaashoodu waqti badan ama in mudaaba sidii boqortooyadii oo kale iska xukumayaan, iska haystaan amaba iska maamulayaan, hadana dhanka kale dhibaatooyinka dadkooda haysata sida: gaajada, maamul xumada iyo horumar la,aanta ka indha xiran oo aan ka danqanayn balse taa badalkeeda ayaga iyo reerahoodu ay hanti ka tabcadeen.
Waxaan halkaan idiin kusoo bandhigayaa qaar kamida madaxda hantida bilaa xadka ah ka tabcaday wadamada ay maamulaan, iyadoo dhanka kale dadkoodu gaajo iyo baahi kudhamaadeen, Hadaba waxay iskugu jiraan Madaxdaan: qaar kamida kuwa waqtiyada badan iska xukumayay wadamadooda walina ayagu maamula iyo kuwo kale oo waqti kooban talada hayay balse aad ushaqaystay, waxaana lagu tilmaamaa madaxda caynkaas ah, Hogaamiyaasha Jiran ee musuqmaasuqa iyo cadaalad darrada ku Taajiray “Leaders with Ill-gotten wealth”.
Hantidaas meel kale kama tabcan si kalena uma soo galiin, ee waa hantidii dadwaynaha, waxayna ka tabcadeen xoolahaas kheyraadkii lawada lahaayee dadka udhaxeeyay ee dalkooda, oo ay sigaara u maamusheen. Hogaamiyaashaan jiran, meeshii ay dadkooda wax uga qaban lahaayeen, dhibaatada haysatana uga saari lahaayeen, shaqo abuurna ugu sameen lahaayeen, waxay si gooniya usamaysteen shirkado ganacsiyoodoo kala duwan, waxayna dhamaan shirkadahaas udhiibeen oo ay hoos geeyeen dad ay ehel wadaagaan.
Hadaba waa kuwaan Sagaalka Hogaamiye ee sanadkaan 2014-ka ugu qanisan/hantida badan amaba ugu taajirsan qaaradeenaan Afrika cilmi baaris dheer kadib:-

1)   Jose Eduardo Dos
 
Madaxwaynaha Koobaad waa Jose Eduardo Dos
Waa madaxwaynaha wadanka Angola
Waxuu talada hayay 34 Sano.
Waxuu haystaa celcelis ahaan Hanti dhan $20 Billion
Jose Eduardo waa Madaxwaynaha hada talada haya ee Dalka Angoola, hantida uu gaarka uleeyahay waxaa lagu qiyaasaa in kabadan “$20 Billion”Labaatan Bilyanoo doolar, sidoo kale gabadha uu dhalay Madaxwaynuhu ee magaceeda ladhaho “Isabel Dos Santos” Iyana waa Bilyaneerad, waxayna haysataa lacag celcelis ahaan dhan “$3.8 Billion” Saddex Bilyan iyo sided boqoloo milyan oo doolar. Hada gabadhaasi waa gabadha  haweenka Afrikoo dhan ugu taajirsan, sidoo kale waa gabadha haweenka madaw oo dhan ugu qanisan amaba ugu hodansan. Dhanka kale Madaxwaynaha hantidaas xad dhaafka ah leh, dadkiisu 70% Boqolkiiba todobaatan waxay maalintii kunoolyahiin wax ka yar laba doolar.
2) Mohamed VI
Hogaamiyaha Labaad waa Boqor Mohamed VI
Waa Boqorka wadanka Marocco
Waxuu talada hayay 15 Sano.
Waxuu haystaa celcelis ahaan Hanti dhan $2.5 Billion
Boqor Maxamad waa Boqorka Dalka Marooko, sidoo kale waa ninka ugu hantida badan ganacsatada dalka, hantida uu sida gaarkaa uleeyahayna waxaa lagu qiyaasaa “$2.5 Billion” laba Bilyan iyo Shan Boqoloo Milyan oo doolar.
3)    Teodoro Obiang Nguema Mbasogo
  Madaxwaynaha Saddexaad waa Teodoro Obiang
Waa madaxwaynaha wadanka Equatorial Guinea
Waxuu talada hayay 34 Sano.
Waxuu haystaa celcelis ahaan Hanti dhan $600 Million
Teodoro Obiang waa madaxwaynaha dalka Igwatooriyaal Gini “Equatorial Guinea”, waxuu talada dalkaas kulawareegay Afgambi Militari, waxuuna kala wareegay adeerkiis “Francisco Macias Nguema”.
Sida uu qoray wargayskaan “Fobres Magazine” Madaxwaynaha iyo reerkiisuba waxay dalkaas katabcadeen dhaqaala aad u buuran, Marka laqiyaaso Hantida Madaxwaynuhu sida gaarkaa uleeyahay celcelis ahaan waxaa lagu qiyaasaa “$600 Million” Lix boqoloo milyan oo doolar. Hadaba inkastoo dalka Iqwatooriyaal Gini “Equatorial Guinea” uu yahay wadanka labaad ee Afrika ugu hodansan, hadana dadkiisu inta badan waxay kunoolyihiin nolol ka hoosaysa fakhriga.
4)  Uhuru Muigai Kenyatta
 
Madaxwaynaha Afaraad waa Uhuru Kenyatta
Waa madaxwaynaha wadanka Kenya
Waxuu talada hayay 1 Sano oo kaliya.
Waxuu haystaa celcelis ahaan Hanti dhan $500 Million
Uhuuru kiiinyaata waa madaxwaynaha dalka Kiinya, sidoo kalena waa wiil uu dhalay Madaxwaynihii ugu horeeyay ee dalkaasi Kiinya ee la oran jiray Joomo Kiinyaata “Jomo Kenyatta”. Hantida gaarka uu uleeyahayna celcelis ahaan waxay dhantahay “$500 Million” Shan boqoloo Milyan oo doolar.
Madaxwayne Uhuru iyo reerkiisa ayaa sida uu wargayka “Fobres Magazine” qoray waxay dalka Kiinya kuleeyihiin hanta aad ubadan, oo isugu jirta: Shirkado ganacsi, goobo dalxiis, dhul, beero iyo bangiyo.
5)    Poul Piya
 
Madaxwaynaha Shanaad waa Poul Piya
Waa madaxwaynaha wadanka Cameroon
Waxuu talada hayay 31 Sano.
Waxuu haystaa celcelis ahaan Hanti dhan $200 Million
Poul Piya waxuu dalka Kaamiruun ka talinayay 31 Sano, Hantida uu haystana celcelis ahaan waxaa lagu qiyaasaa “$200 Million” Laba Boqoloo Milyan oo doolar. Dhanka kale dadka Reer Kaamiruun Boqolkiiba Afartan iyo Sideed 48% waxay kunool yihiin nolol ka hoosaysa fakhriga, oo waxaa maalintii soogasha amaba ay kunoolyihiin wax kayar $1 Hal doolar.
Sanadkii 2009-kii bay ahayd markuu warsidaha dalka faransiiska laga leeyahay ee lagu magacaabo “French Online News paper” uu shaaca ka qaaday in fasaxyada amaba safarada “Vocation” Madaxwaynaha dalka Kaamiruum ay kamid yihiin kuwa ugu qarashka badan dunida, marka loo eego madaxda caalamka, waxuu warsiduhu raaciyay in xataa uu ka qarash badanyahay madaxwaynaha Maraykanka.
6)    Goodluck Jonathan
 
Madaxwaynaha Lixaad waa Goodluck Jonathan
Waa madaxwaynaha wadanka Nigeria
Waxuu talada hayay 4 Sano oo kaliya.
Waxuu haystaa celcelis ahaan Hanti dhan $100 Million
Goodlick waa madaxwaynaha dalka Nigeria, lacagtuu haystana celceliss ahaan waa “$100 Million” Boqol Milyan oo Doolar, dhan waxaa lagu tilmaamaa hogaamiye bulshadiisa waxyaalo badan kusoo kordhiyay marka la eego mudadii yarayd ee uu xilka hayay, dhanka kalena waxuu kamid yahay hogaamiyaasha ku tagrifilay xoolihii dadwaynaha udhaxeeyay ee loo igmaday, hantina ka tabcaday intuu talda dalka hayay.
7) King Mswati III
 
 
Hogaamiyaha Todobaad waa Boqor Mswati
Waa Boqorka wadanka Swaziland
Waxuu talada hayay 28 Sano.
Waxuu haystaa celcelis ahaan Hanti dhan $100 Million
Sida uu qoray wargayska “Forbes Magazine” ee kasoo baxa dalka Maraykanka, Marka la barbar dhigo dunida, qoyska Boqorka Miswaatiga 3-aad “Mswati III” waa qoyska ama reerka 15-aad ee dunida ugu taajirsan. Boqor Miswaati waa boqorka hada xukuma dalka Iswaazilaan, waxuuna gaar uleeyahay waqtiga lajoogo hanti kabadan amaba kor udhaafaysa “$100 Million” Boqol miliyan oo doolar, Balse laba sano kahor sanadkii 2012-kii waxuu haystay hanti celcelis ahaan gaaraysay “$200 Million” Laba Boqoloo Milyan oo doolar, taa macnaheedu waxaa weeye waxuu lumiyay labadii sanoo lasoo dhaafay boqol milyanoo doolar.
Boqor Miswaati waxaa lagu eedeeyaa inuu hantida qaranka kulumiyo waxaan dalka iyo dadkaba dani ugu jirin, xagaaga sanadkii 2009-kii ayay ahayd markuu boqorku lacag “$6 Million” Lix milyan oo doolar ahayd uu ku qarash gareeyay, qaar kamida Sadddex iyo tobankiisa xaas adeegoodii oo kaliya. Sanadkaan 2014-Ka waxay baarlamaaanku u ansixiyeen sanad miisaaniyadeedka Boqorka Lacag dhan “$61 Million” Lixdan iyo Hal milyan oo doolar, Sidoo kale mid kamida Baabuurtiisa Raaxada ayaa qiimihiisu dhanyahay $500,000 Shan boqoloo kun oo doolar. Hadaba dhanka kale Boqorkaan raaxada kujira ayay dadkiisu boqolkiiba lixdan iyo saddex “63%” calaa qof Maalintii waxay kunoolyihiin $2 Laba doolar oo qura.
8)    Idiris Deby

  Madaxwaynaha Sideedaad waa Idiris Deby
Waa madaxwaynaha wadanka Chad
Waxuu talada hayay 23 Sano.
Waxuu haystaa celcelis ahaan Hanti dhan $50 Million
Idiris Deby waxuu dalka Jaad utalinayay 23 sano, lacagtuu haystana celceliss ahaan waa “$50 Milliom” Konton milyan oo Doolar. Sidoo kalen waxuu kamid yahay hogaamiyaasha xoolo tabcashada kujira halka dadkooduna baahanyihiin.
9)    Robert Mugabe
 
Madaxwaynaha Sagaalaad waa Robert Mugabe
Waa madaxwaynaha wadanka Zimbabwe
Waxuu talada hayay 26 Sano.
Waxuu haystaa celcelis ahaan Hanti dhan $10 Million.
Mugabe waa madaxwaynaha dalka Zimbaawi, lacagtuu haystana celceliss ahaan waa “$10 Million” Toban Milyan oo Doolar, hadaba Kaligii taliskaan ayaa ah hantiile lacag badan haysta, doorashooyin badan oo dalkiisa kadhacay oo isbadal lagu doonayayna ku guulaystay, inkastoo ay jireen dhaleecayno kala duwanoo uga imaanayay dacalada dunida, waxaana lagu eedeeyaa inuu musuqmaasuqo dooorashooyinka.
GUNAANAD
Hogaamiyaasha jiran ayaa ah hogaamiyaal markasta naftooda ka hormariya dalka iyo dadkaba, waana kuwa marka talada loo dhiibo amaba loo igmado u arka nasiib ay dadka dheeryihii iyo waliba fursadii ay xoolo ku tabcan lahaayeen ee aan dib ujaleecin talooyinkay bulshadu usoo jeedisay markii ladoortay.
Hogaamiyaashaan sifooyinkooda waxaa kamida in markay ololaha doorashada kujiraan dadka had iyo goor ugu qudbeeyaan hadalo aad qurux badan iyo balan qaadyo dadka rajo ku abuura, balse marka ladoorto lasoo baxa sawirkooda runta aha ee ay kaqariyeen bulshada, waxayna meesha uga tagaan balan qaadyadii loo wada riyaaqay ee fulintooda loo doortay.
Hadaba akhristayaal dawladahaan aan kor ku xusay waa dawlado dhisan oo nidaam kala dambayn leh, sidoo kalena dadkoodu waxay ku seexdaan nabad oo ah tiirka ugu muhiimsan dawladda. Marka bal qiimeeya dalkeena Soomaaliya oo aad ogtihiin xaaladu kusuganyahay! Iyo Dadkeena oo aad ogtihiin nolosha ay kunoolyihiin!
Waa tay Soomaali horay utiri “Dameeraley dad laxer maahee” Bal kawarama haddii Hogaanka talada haya ee dalka ee loo doortay inay aafada ku habsatay dadkeeda ka samata bixiso, ay udhaqanto sida hogaamiyaashaas aan kor kusoo xusay?! Xaqiiqdii waan qiiroodaa markastoo aan maqlo dawladda Soomaaliya waxbay musuqmaasuqday!
Waxaan Hadalka uga baxayaa oraahdii Soomaaliyeed ee caan ka ahaydee oranaysay “Ninkii Timir beeriyo Ninkii Tiin talaalaba Taariikhdu way qori”.
F.G. Xogtaan kusaabsan Hogaamiyaasha Afrika waxaan kasoo xigtay, warsida kasoo baxa dalka Marayka ee Layiraahdo “Fobres Magazine” sidoo kale waxaan iyagana wax kasoo qaatay “Foreignpolicy.com, iyo French online News paper”
W/Q: Abdifataax Xasan Cirguje
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

 
 
 

Maandag 22 September 2014

Nin iga yaabshay!


Axmed Ismaaciil Maxamuud (Axmed Deeq)
Email: awliyo177@hotmail.com


Duunyo uma foofto, daarrana uma dhisna, dukaamana uma furna. Haddana dabnihiisa dhoola cadayni kama dul dhaqaaqdo. Dadka kuma tix galiyo maal, muuq iyo magac ee wuxuu ku tix galiyaa banii Aadanimo, Islaanimo iyo Soomaalinimo. Faan iyo fatooshnimo inta wax baratay lagu xanto isaga habeenna looma tirin, maalina laguma tilmaamin.  La kulankiisu ma adka oo kadeed iyo kalifaadi kaagama baxayaan. Mana xallad yara oo hamaamsi iyo caajis kuguma qabanayaan. Qalbigiisa waxa ka soo burqanaya muxabo iyo kalgacal uu u hayo Soomaalida kala irdhawday, sidaa darteed fagta horeba wuxuu kugu qaabilayaa kal furnaan iyo kalgacayl. Adiga oo murugoonaya haddii aad u tagto waxaad ka soo noqonaysaa adiga oo muusoonaya. Adiga oo quusi qanjaha ku taagan tahay haddii aad u tagtana waxaad ka soo laabmaysaa adiga oo yididiilo kob iyo kalax ku buuxisay. Haddii aad rabto inaad dadkaaga wax u qabato wuxuu kugu ladhayaa boorin iyo bogaadin, haddii kalena wuxuu kugu dhalinayaa inaad tamarta kugu kaydsan  ka faaiidaysato, ummadaadana uga faaiidayso.

Waxyaabaha aan kula yaabay waxa ka mida, ma aaminsana in Soomaalidu caydh tahay, caqli yar tahay, wuxuuse yaqiinsan yahay inay cilmi yar tahay, wax badanse haysato. Isaga oo arrintaa ka hadlayana wuxuu  yidhi: Wax badan baan haysanaa, wax yarina waa inaga  dhiman yihiin. Waxaa badani waxay inooga baahan yihiin horumarin iyo hagaajin, halka waxa dhimanina inooga baahan yihiin dhidid iyo dhabar adayg. Waxa kale oo uu aaminsan yahay in Soomaalidu asal ahaan wanaagsan tahay, laakiin duruufaha iyo dagaaladu laabahooda xiqdi iyo xanaf kaga tageen. Isaga oo arrintaa ka hadlayana wuxuu yidhi: Soomaalida in kasta oo burburka iyo barakacu laabahooda daxal iyo damqasho ku beereen, haddana waxa ku jira dad badan oo dahabka ka qaalisan oo aan xumaantu laabtooda saamayn, hadh iyo habeena jecel sidii ay dadkooda ugu hagar bixi lahaayeen.

Waxa kale oo iga yaabshay Soomaalida qabiiladeeda kala duwan iyo dawladaheeda kala tagsan sida uu u wada jecel yahay, arrintaasi sida ay ugu suurta gashay markii aan waydiiyayna wuxuu ii sheegay: Inuu Soomaalida ula dhaqmo sida qof buka loola dhaqmo, waayo in badan oo ka midi waa jiran tahay. Qofka bukana in loo dhibir sanaado oo aan xanuunka lagu nicin ayay dadnimadu ku jirtaa.

Haddaba waxa ii suurta gashay inaan waraysi gaaban la yeesho ninkan isaga ah oo ka cudur daartay inaan magaciisa baahiyo, waxaanu u dhacay sidan:

Marka hore waxaan kaaga mahad celinayaa soo dhawaynta iyo waqtiga qaaliga ah ee aad noogu deeqday anniga iyo akhristayaasha.
Idinkaa mudan.

Waxaad nooga warantaa falsafadaada ku aaddan nolosha?
Horta noloshu maaha inaad wax cunto waxna cabto oo aad seexato, ee waa inaad wax ku soo kordhiso, horumarisana. Haddii aan tayda kaaga waramana saacad kaliya oo aan fikiro ama wax qabto, ayaa sanad aanan fikirin waxna qaban iiga qiima badan.

Fikirka miyaan lagu waalan maxaad ku jeclaatay?
Laguma waasho ee waa lagu wacnaadaa, midda kale caqliga qofku haddii uu fikirka iyo khiyaalka ka caajiso wuu dhintay.

Maxaa keena inuu ka caajiso?
Waxa keena inaan waxba lagu shubin ama lagu shubay oo aan la adeegsan.

Inaan la adeegsana maxaa keena?
Waxa keena inaan lagu baraarugsanayn qiimiga uu leeyahay.

Oo fikirku ma qiimi buu leeyahay?
Qiimi aan la qiyaasi karin buu leeyahay, oo waxa aad maanta adduunka horumar la yaaban tahay isaga ayaa keenay, Qofka caqli la siiyayna wax ka dhimaniba ma jiraan, qofka aan la siina waxbaba lama siin.

Qofka caqliga la siiyay maxaa lagu garan karaa?
Kuma kalsoonaado wax walba oo uu maqlay ee wuu tijaabiyaa, mana dhaleeceeyo wax walba illaa uu guntooda ogaado.

Goorma ayuu caqligu wax soo saaraa?
Marka darka aqoonta laga waraabsho dabarkana laga daayo.

Haddii taa la sameeyo in Soomaalidu horumarayso miyaad hubtaa?
Nin walba oo fikirayaa waa hubaa.

Waa tahay, ee waxaad ka warantaa falsafadaada ku aadan dadka?
Dadka haddii aanad farxad galinayn ha murug galin, haddii aanad dheef siinayna ha dhibin, waa taa falsafadaydu. 

Dadku haddii  ay runta kugu dhibsanayaan ka waran?
Waxa ka daran inay beenta kugu dhibsadaan.

Markaa miyaa la iska aamusayaa?
Maya, ee si xikmadaysan  wax ugu sheeg.

Waa maxay horta xikmadu?
Waa inaad hagaajiso hadalkaaga iyo hawshaada.

Waxaad ka warantaa aragtidaada ku aaddan siyaasada?
Siyaasadu waa wax wanaagsan oo aan nolosha looga maarmi karin. Waxbarashadu waxay u baahan tahay siyaasad, Dhaqaaluhu wuxuu u baahan yahay siyaasad, Caafimaadku wuxuu u baahan yahay siyaasad, Qaranku wuxuu u baahan yahay siyaasad, qoysku wuxuu u baahan yahay siyaasad, qofku wuxuu u baahan yahay siyaasad.

Haddaa maxaa siyaasadan Soomaalida eber ka dhigay?
Dad aan aqoonteeda  lahayn oo majaraha u haya iyo Soomaalida oo si dad-ban u fahantay inay siyaasadu tahay khiyaamo iyo xeelad.

Soomaalidana maxaa wada siyaasiga ka dhigay?
Camal la'aan, wax kale oo ay ku maaweeshaan baan jirin ama dantaa moogi.

Arrintaa ma laga bixi karaa baad aaminsan tahay?
Haa, haddii aqoonta hadda la hayo la kobciyo, maskaxdana laga shaqaysiiyo, xirfadlayda kalena la hawl galiyo.

Horta Soomaalidu aqoon yahan ma leedahay?
Haa, way leedahay haba yaraadeene.

Haddaa maxay dalka hallaaga uga saari waayeen dadkana wax u bari waayeen?
Waxaanay lahayn himilo durugsan, aqoontuna kuma dhibqin malahayga.

Maxaad ka wadaa waxaanay lahayn himilo?
Waxaan ka wadaa aqoonta ayay hadaf ka dhigteen.

Oo haddaa maxay samayn lahaayeen?
Aqoontu sida uu Hitler sheegay  waa dariiqo lagu gaadho hadaf.

Oo muxuu yahay hadafkaasi? 
Waa dhibtaa inagu habsatay sidii looga bixi lahaa, horumarna loo gaadhi lahaa.

Waan gartay, ee ugu danbayn maxaad igula talin lahayd?
Waxaan kugula talin lahaa inaad laba mid noqoto: Wanaagsane ama wanaajiye ama aad labadaba wada noqoto.

Oo maxay kala yihiin labadu?
Wanaagsane: Waa qofka dhisaya naftiisa, Wanaajiyana: Waa qofka dhisaya bulshadiisa.

Waayahay ee aad baad ugu mahadsan tahay waqtiga qaaliga ah  iyo waanada wax ku oolka ee aad iigu deeqday.


Axmed Ismaaciil Maxamuud (Axmed Deeq)
Email: awliyo177@hotmail.com

Tolow Yaa Furay?! Qaybtii 16aad.

                                                                                            W.Q. Cabdifataax Xassan Cirguje Waa She...