Maandag 22 September 2014

Nin iga yaabshay!


Axmed Ismaaciil Maxamuud (Axmed Deeq)
Email: awliyo177@hotmail.com


Duunyo uma foofto, daarrana uma dhisna, dukaamana uma furna. Haddana dabnihiisa dhoola cadayni kama dul dhaqaaqdo. Dadka kuma tix galiyo maal, muuq iyo magac ee wuxuu ku tix galiyaa banii Aadanimo, Islaanimo iyo Soomaalinimo. Faan iyo fatooshnimo inta wax baratay lagu xanto isaga habeenna looma tirin, maalina laguma tilmaamin.  La kulankiisu ma adka oo kadeed iyo kalifaadi kaagama baxayaan. Mana xallad yara oo hamaamsi iyo caajis kuguma qabanayaan. Qalbigiisa waxa ka soo burqanaya muxabo iyo kalgacal uu u hayo Soomaalida kala irdhawday, sidaa darteed fagta horeba wuxuu kugu qaabilayaa kal furnaan iyo kalgacayl. Adiga oo murugoonaya haddii aad u tagto waxaad ka soo noqonaysaa adiga oo muusoonaya. Adiga oo quusi qanjaha ku taagan tahay haddii aad u tagtana waxaad ka soo laabmaysaa adiga oo yididiilo kob iyo kalax ku buuxisay. Haddii aad rabto inaad dadkaaga wax u qabato wuxuu kugu ladhayaa boorin iyo bogaadin, haddii kalena wuxuu kugu dhalinayaa inaad tamarta kugu kaydsan  ka faaiidaysato, ummadaadana uga faaiidayso.

Waxyaabaha aan kula yaabay waxa ka mida, ma aaminsana in Soomaalidu caydh tahay, caqli yar tahay, wuxuuse yaqiinsan yahay inay cilmi yar tahay, wax badanse haysato. Isaga oo arrintaa ka hadlayana wuxuu  yidhi: Wax badan baan haysanaa, wax yarina waa inaga  dhiman yihiin. Waxaa badani waxay inooga baahan yihiin horumarin iyo hagaajin, halka waxa dhimanina inooga baahan yihiin dhidid iyo dhabar adayg. Waxa kale oo uu aaminsan yahay in Soomaalidu asal ahaan wanaagsan tahay, laakiin duruufaha iyo dagaaladu laabahooda xiqdi iyo xanaf kaga tageen. Isaga oo arrintaa ka hadlayana wuxuu yidhi: Soomaalida in kasta oo burburka iyo barakacu laabahooda daxal iyo damqasho ku beereen, haddana waxa ku jira dad badan oo dahabka ka qaalisan oo aan xumaantu laabtooda saamayn, hadh iyo habeena jecel sidii ay dadkooda ugu hagar bixi lahaayeen.

Waxa kale oo iga yaabshay Soomaalida qabiiladeeda kala duwan iyo dawladaheeda kala tagsan sida uu u wada jecel yahay, arrintaasi sida ay ugu suurta gashay markii aan waydiiyayna wuxuu ii sheegay: Inuu Soomaalida ula dhaqmo sida qof buka loola dhaqmo, waayo in badan oo ka midi waa jiran tahay. Qofka bukana in loo dhibir sanaado oo aan xanuunka lagu nicin ayay dadnimadu ku jirtaa.

Haddaba waxa ii suurta gashay inaan waraysi gaaban la yeesho ninkan isaga ah oo ka cudur daartay inaan magaciisa baahiyo, waxaanu u dhacay sidan:

Marka hore waxaan kaaga mahad celinayaa soo dhawaynta iyo waqtiga qaaliga ah ee aad noogu deeqday anniga iyo akhristayaasha.
Idinkaa mudan.

Waxaad nooga warantaa falsafadaada ku aaddan nolosha?
Horta noloshu maaha inaad wax cunto waxna cabto oo aad seexato, ee waa inaad wax ku soo kordhiso, horumarisana. Haddii aan tayda kaaga waramana saacad kaliya oo aan fikiro ama wax qabto, ayaa sanad aanan fikirin waxna qaban iiga qiima badan.

Fikirka miyaan lagu waalan maxaad ku jeclaatay?
Laguma waasho ee waa lagu wacnaadaa, midda kale caqliga qofku haddii uu fikirka iyo khiyaalka ka caajiso wuu dhintay.

Maxaa keena inuu ka caajiso?
Waxa keena inaan waxba lagu shubin ama lagu shubay oo aan la adeegsan.

Inaan la adeegsana maxaa keena?
Waxa keena inaan lagu baraarugsanayn qiimiga uu leeyahay.

Oo fikirku ma qiimi buu leeyahay?
Qiimi aan la qiyaasi karin buu leeyahay, oo waxa aad maanta adduunka horumar la yaaban tahay isaga ayaa keenay, Qofka caqli la siiyayna wax ka dhimaniba ma jiraan, qofka aan la siina waxbaba lama siin.

Qofka caqliga la siiyay maxaa lagu garan karaa?
Kuma kalsoonaado wax walba oo uu maqlay ee wuu tijaabiyaa, mana dhaleeceeyo wax walba illaa uu guntooda ogaado.

Goorma ayuu caqligu wax soo saaraa?
Marka darka aqoonta laga waraabsho dabarkana laga daayo.

Haddii taa la sameeyo in Soomaalidu horumarayso miyaad hubtaa?
Nin walba oo fikirayaa waa hubaa.

Waa tahay, ee waxaad ka warantaa falsafadaada ku aadan dadka?
Dadka haddii aanad farxad galinayn ha murug galin, haddii aanad dheef siinayna ha dhibin, waa taa falsafadaydu. 

Dadku haddii  ay runta kugu dhibsanayaan ka waran?
Waxa ka daran inay beenta kugu dhibsadaan.

Markaa miyaa la iska aamusayaa?
Maya, ee si xikmadaysan  wax ugu sheeg.

Waa maxay horta xikmadu?
Waa inaad hagaajiso hadalkaaga iyo hawshaada.

Waxaad ka warantaa aragtidaada ku aaddan siyaasada?
Siyaasadu waa wax wanaagsan oo aan nolosha looga maarmi karin. Waxbarashadu waxay u baahan tahay siyaasad, Dhaqaaluhu wuxuu u baahan yahay siyaasad, Caafimaadku wuxuu u baahan yahay siyaasad, Qaranku wuxuu u baahan yahay siyaasad, qoysku wuxuu u baahan yahay siyaasad, qofku wuxuu u baahan yahay siyaasad.

Haddaa maxaa siyaasadan Soomaalida eber ka dhigay?
Dad aan aqoonteeda  lahayn oo majaraha u haya iyo Soomaalida oo si dad-ban u fahantay inay siyaasadu tahay khiyaamo iyo xeelad.

Soomaalidana maxaa wada siyaasiga ka dhigay?
Camal la'aan, wax kale oo ay ku maaweeshaan baan jirin ama dantaa moogi.

Arrintaa ma laga bixi karaa baad aaminsan tahay?
Haa, haddii aqoonta hadda la hayo la kobciyo, maskaxdana laga shaqaysiiyo, xirfadlayda kalena la hawl galiyo.

Horta Soomaalidu aqoon yahan ma leedahay?
Haa, way leedahay haba yaraadeene.

Haddaa maxay dalka hallaaga uga saari waayeen dadkana wax u bari waayeen?
Waxaanay lahayn himilo durugsan, aqoontuna kuma dhibqin malahayga.

Maxaad ka wadaa waxaanay lahayn himilo?
Waxaan ka wadaa aqoonta ayay hadaf ka dhigteen.

Oo haddaa maxay samayn lahaayeen?
Aqoontu sida uu Hitler sheegay  waa dariiqo lagu gaadho hadaf.

Oo muxuu yahay hadafkaasi? 
Waa dhibtaa inagu habsatay sidii looga bixi lahaa, horumarna loo gaadhi lahaa.

Waan gartay, ee ugu danbayn maxaad igula talin lahayd?
Waxaan kugula talin lahaa inaad laba mid noqoto: Wanaagsane ama wanaajiye ama aad labadaba wada noqoto.

Oo maxay kala yihiin labadu?
Wanaagsane: Waa qofka dhisaya naftiisa, Wanaajiyana: Waa qofka dhisaya bulshadiisa.

Waayahay ee aad baad ugu mahadsan tahay waqtiga qaaliga ah  iyo waanada wax ku oolka ee aad iigu deeqday.


Axmed Ismaaciil Maxamuud (Axmed Deeq)
Email: awliyo177@hotmail.com

Tolow Yaa Furay?! Qaybtii 16aad.

                                                                                            W.Q. Cabdifataax Xassan Cirguje Waa She...