Woensdag 27 Augustus 2014

Jahwareerka Soomaalida iyo Jiha La,aanta qabyaaladda.



Hordhac

Soomalidu waa dad halqoomiyad ah, isku luuqad kuhadla, dhaqan mid ahna leh, isku diina ah, hadana waaba wada suni. Waxay min Raas kaambooni ilaa Raas Casayr ilaa Obokh meel kastoo ay dagaanba lahaayeen dhaqan suuban oo diinta Islaamka waa faqsan, waxay ahaayeen dad diinta kudhaqma oo markastoo ay timaado arin la isleeyahay waxay horseedi kartaa colaad iyo cawaaqib xumo, waxay kukala bixi jireen kitaabka alle, waxay ahaayeen dad isjecel oo isu arkayay inay hal qabiil yihiin “waaba yihiinee” oo aan iskala qoqobin, dhib mid kamida soo gaarta waxay ahayd dhibaato loosiman yahay, hadase waxaad moodaa in arintaasi meesha ka baxday.

Xaga qabka waxaa lasheegay oo qoraayaa badanoo kamida dawladaha hormaray ka qoreen soomaalida, inay soomaalidu ahaayeen dad isla qab wayn oo aaminsan inay ka caqli badan yihiin inbadan oo kamida bulshooyinka kunool caalamka amaba dawladaha hormaray. Hadaan mid kamida idiin soo qabto: Qoraa reer ingiriis ah oo hada magaciisa aanan xasuusan, Soomaaliyana yimid xilligii gumaystayaasha reer yurub sahankoodu soo gaaray geeska Africa, oo asagu ahaa cilmi baare wax ka qorayay dhaqanka Soomaalida ayaa bug uu leeyahay kuqoray: Inuu saddex meelood oo soomaaliya ah uu wax ka qoray, waxayna kala ahaayeen gobolada koonfurta, Bariga iyo waqooyiga Soomaaliya. Waxuu sheegay in saddexdaas meelod uu mid kasta kusoo hoyday qoys reer miyi ah oo xoolo dhaqato ah, waxaa lasocday turjumaano soomaali ah, waxuu sidoo kale sheegay in reer kastaa uu sifiican umartiqaaday, dhanka kalena waxuu sheegay inuu mid kasta Biraha ama Gaawaha caanaha loogu keeno uu wax kureebayay, asagoo wax ka qorayay bal waxay ku sameeyaan caanaha uusoo reebay ee hanbada ah. Waxuu hadaba kudheeraaday mid kamid Saddexdaas meelood ee uu kusoo hoyday iyo reerkuu kusoo hoyday say ugaleen caanuhuu soo reebay, waxuu yiri: markay qaadeen birahaan caanaha kusoo reebay, markii koobaad way daadiyeen hambadaydii oo maysan cabin, markii labaadna ciid bayba kudhaqeen birihii aan caanaha ku cabay. Waan waydiiyay ayuu yiri waxa keenay inay biraha ciid kudhaqaan haba daadiyaan hambadayda haday rabaanee, waxayna iisheegeen inay kabaqayaan inaan cudur kudaaro, sidaa darteedna ay taxadar usamaynayaan! waxuu intaas kudaray inuusan filayn in dad Afrikaan ah oo saas ufakaraya ay xilligaas jireen.

Iskala qoqobka Soomalida

Hadaba soomalida maanta joogta maahan soomaalidii hore ee caafimaadka qabtay oo is jeclayd oo aan kor ku xusayee waa soomaali dabiib ubaahan, waxaa  kudhashay cudur aysan waligood ku fakarin kana digtoonaan, cudurkaas kahortag laguma samayn oo ka feejig la,aan buu kusoo galay soomaalida, lamana takoorin oo laguma xadidin meeshuu kasoo galay ee waxuu ahaa mid intaas ka xawaara dheer, sidoo kale lama daawayn intuu dalka ku cusbaa oo daawadiisaan lahelin, taas ayaana keentay inuu si fudud ugu fido dalkoo idil, ugu danbayntiina cudurkii caynkaas ahaa waxuu ugudbay ilaa lafaha oo soomaalidii waxay unoqotay bukaan jiif u itaal daran cudurkaas oo aan ilaa manta lahayn daawadiisa, hase yeeshee dadaal dheer baa loogu jiraa baadi goobkiisa qofkii soo helana Abaal marin baa lasiinayaa Hadii Alle Idmo.

Dhanka kale waxaa jira dad aan badnayn oo cudurkaas halista ah ka badbaaday hase yeeshee aan ayaga laftoodu caafimaad qabin: Dadkaas qaarkood waxaa kudhacay cudur jeclaysiiyay tastuurada ama shuruucda lagu saleeyay dhaqamada shisheeye waxaana laga indhasaabay xeer dhaqmeedkeenii suubaanaa ee aan ab iyo isir lahaynoo diinta waafaqsanaa, qaarkood waxay noqdeen raja gab oo maskaxdooda wayba kasaareen wax soomaali ladhaho, qaarna markay waayeen Soomaali soosocota ayay aayahooda utashadeen magaca soomaalina wayba ka xanaaqaan. Waxaa ayaguna jira qaar kabadbaaday cudurkaas, balse iyagana waxuu uyeelay Boog hadii ay isku dayaan inay dadka badbaadiyaan ay qasab tahay in la arko, kaaga siidaranoo dadkii bukay hadayba arkaan Boogtaas xanaaq bayba ladhacayaan oo naftiisuuba khatar ugalayaa haduusan faraha ka qaadin, kii Boogta lahaana hadii laga arko waxayba ku keenaysaa dhiikar iyo inuu ka niyad jabo hankii sare ee ahaa inuu dadkiisa badbaadiyo, Boogtaasna magaceeda waxaa ladhahaa Looma ooyaan! (0.5) ama Dadka laga tiroda badanyahay! inta soo hartay ee ayaguna ka badbaaday cudurkaas iyo waliba boogtaan, ayagana waxaa kudhacay jahwareeroo waxay waayeen cid lagarata waxay wadaan.

Hadaba Soomaalay cudurkaas dadkii qaarna ay lajiifaan, qaarna uyeelay boogta danqashada dhaw leh, aan idiin bayaamiyee waa QABIIL!!!! Waxuu Soomaalida lasoo maray heerar kala duwan, markii koobaad waxuu dalka kusoo galay tuhun loo qaaday dawladihii udambeeyay ee dalka kasoo taliyay ugu dambaytiina hadalhayntii qabyaaladu markay badatay waa tii dhalisay in ay dalkii kadilaaceen Mucaarado hubaysan oo ku dhisan hab qabiileed kuna heshiiyay oo kaliya inay dawlada dalka utalisa fashiliyaan, waxayna mucaaradadii hubaysnaa dalkii uhorseedeen, dawlad la’aan, qaran jab, bililiqo, dagaal beeleedyo aan dhamaad lahayn iyo barakac oo joogsi iyo jihatoona lahayn. Dhanka kale dawladii shaqaynaysay ee ay dadku eeganayeen markay qoonsadeen mucaaradadii dabadeedna ay rideen maysan keenin waxuun dawlad ah oo nadaamka iyo kala dambaynta dalka ilaalisa doorasho xor ahna dalka gaarsiiya, sababtuna waxay ahayd “Ilaahaw dawladaan kaligii taliskaa naga rid mooyee, Ilaahaw mid dhaanta noogu badal cid tiriba majirin.”

Mirihii Qabyaalada!

Sidaan horay kusoo sheegay waxaa dadaal dheer loogu jiraa sidii loo heli lahaa daawadii cudurkaan halista ah oo ay soomaali badan ilaa lafaha kasaaqay, Calaamadahiisa ilaa iyo Hadda aan aragnayna waxaa kamid ah:-

1)    Awoodii qabiilkoo la aaminay iyo awooddii qaranimada dalka oo wali maqan.

2)     Buufis bulshadeenii kala dhex galay oo kalsoonidii iyo isfahankii meesha kasaaray.

3)     xal uhilidii dalkoo adkaatay.

4)     iskudayadii xal uhelida dalka oo ugu dambayntii shaca kaqaaday in qabiil mooyee aysan maanta soomaali wax kale kuheshiin Karin.

F.G

1)    Lama oran doorasho xor oo loodhanyahay aan qabsano.

2)    Lama oran Kitaabka Alle aan unoqono asagaa qofkasta xaqiisa siinayee.

3)    Lama oran Geed hoostiis sidii dhaqanku ahaa aan isugu imaano.

4)    Lama oran Wadaniyad iyo dal jacayl aan kubadalno reerkayagu xil mahelin.

5)     sidoo kale  Lama oran ilaahay aan unoqono xal waan helaynaaye. laakiin waxaa la yiri “Xalku dalku waa Qabiil!”

 

 

 

Dawladihii Burburka iyo Doorkoodii

Hadaba dawladii burburka lasoo dhisay ayaa mid kasta waxuu lashir yimid wax uu kusheegay inay tahay daawadii ama xalkii masiibadaan umadii soomaaliyeed kuhabsatay oo cid kasamata bixisa ay waayeen, midkastana ugu horeyn soomaalidu aad bay u soodhawaynaysay uguna riyaaqaysay hadaladiisii wadaniyada leh, hase yeeshe mid walba waqti yar gudihiis baalagu arkayay inuuba kalkaalinayo cudurkuu lahaa daawadiisa anaa hayaa, oo hadalkiisa iyo ficilkiisuba isma lahan, sidoo kale mid kastaa waxuu markiiba bilaabayay inuu lasoo baxo waxuu ku qarinayay kalmadahii quruxda badnaa ee uu dadka soomaaliyeed ku khaldayay kuna soo jiidanayay, mid baa lahaa xalku waxuu kujiraa inaan gobol wax kuqaybsano waayo waa arinta kaliya oo ay soomaalidu isku raaci karto oo aan wax qabyaalad ah kusaabsanayn, saa waxaaba bilabanayay dagaalo hor leh oo kusaabsan deegaanka qabiilo badana madaxa iskula galeen.

Hadaba isku dayo badan kadib, wax marba wax lamaldahoo dadka loo keeno wax xal u eg hoosna qabyaalad cad lagu qarinayayba, ugu danbayntii fashilo badan kadib waxaa laga badin waayay in dadka runta loosheego oo waxii laqarinayay banaanka lasoo dhigo, waxaana ay ka fursan wayday in bulshadii soomaaliyeed ee la ogaa inay tuhun qabiil ay ka qabaan kurideen dawladoodii manta loosheego, in waxii hada kadanbeeya qaab dhismeedka dawlada lagu salayn doono qaab qabiili ah, sababtuna ay tahay bay dhaheen, in aysan jirin wax kaloo umada Soomaaliyeed la isugu keeni karo.

Kadaroo dibi dhal qof walba calyadiisii buu dib uliqay, waxaa sidoo kale bulshadii soomaaliyeed ee xalka doonaysay intaas loo raaciyay oo cudur horleh kunoqday, in qabiilada soomaaliyeed aysan isku xuquuq ahayn sababtuna waxay tahay baa layiri qaar waa nus ama badh xisaab ahaana (0.5) qaarna waa dhamaytiranyihiin, sidaa darteedna loo tixgalin doono arintaas. Umadii soomaaliyeed waxaa kudhacay niyad jab hor leh, waxayna gaareen quus ay aamineen in xalkii dalku uu ceel kudhacay, waxayna taasi keentay in qabiil walba asagu aayihiisa ka tashado oo uusan soomaali danbe warkeed dhagaysan, taasina waata dhalisay in dawlad goboleedyo badan soomaaliya looga dhawaaqay, calamo badana laga taagay dalkii lagu yaqaanay Calankii qiimaha Badnaa ee buluuga ahaa xidigta cadna dhexda kulahaa kababan jiray.

Xal/Gunaanad

Waxaan bulshada soomaaliyeed ee ku kala baylahsan daafaha dunida ugu baaqayaa qodobadaan hoos ku qoran oo aan xal u arkay:-

Aan marka koobaad unoqono ilaahay SW, dambi dhaafna waydiisano, kadibna aan barino Ilaahay SW inuu masiibadaan nagu habsatay naga dulqaado, waayo waynu dambaabnay sida kucad qawlka Ilaahay SW ee lahaa “Ilaahay qoom ma badalo inay ayagu isbadalaan mooyee” arintaasna xalkeedu waa Ilaahay SW oo loo noqdo dambi dhaafna lawaydiisto.

Aan isku tanaasulno oo danta bulshada aan kahormarino danaheena gaarkaa, inagoo eegayna dhibaatada iyo rafaadka dadkeena kuhaysata xeryaha qaxootiga ee daafaha dunida!

Ma sharaf bay noo tahay in dadkeenii qaar ay gaajo iyo haraad ugu dhamaadeen dacalada dunida oo aysan jirin cid umaqan samata bixintooda, qaar ay badaha kuhaftaan ayagoo kacararay colaada dalka kajirta, qaarkoodna ay maxkamad la,aan  xabsiyada caalamka isaga jiraan oo aan haysan cid xaqooda udoodaysa,  Inaguna aan wali qabiil qabiil isku laynayno.

 

Aan kudadaalno dal iyo dibadba saan usoo ceshan lahayn magacii, Maamuuskii iyo qiimihii aan dunida kulahayn  iyo waliba sidii calankaan tol la,aantu kudhacday uu dib uga baban lahaa dhamaan dacalada dunida.

Aan si wada jir ah uga fakarno sidaan udabar goyn lahayn masiibadaan “Qabyaalada” oo dhibaato mooyee aynaan dheefba kuhayn, inagoo dib ujaleecayna ama umilicsanayna waxay noo gaysatay iyo raadkay nagu reebtay.

Sidoo kalena dib u eegayna casharkay kabarteen wadamo badan oo Afrikaan ah sida: Ruwaandha, Laybeeriya iyo sidoo kale Siiraliyoon, oo ah dawlado dhamaantood tusaalo fiican aad kahelaysid waxay tahay qabyaaladu, balse dhamaantood dadaal dheer oo ay ugaleen iyo aragti wanaagsan oo ay aamineen inay kabixi karaan kadib ay ka guul gaareen.

Wax kasta waxay kabilawdaan aasaaska ee qof walbaw isku day inaad kasoo bilawdid qoyskiina, oo aad tustid sawirka runta ah oo ay leedahay qabyaaladu, hana rumaysan dadka wax xun sheega ah ee hanka yar hadaladooda, haka quusan raxmada Ilaahay oo yaysan kula noqon qabyaaladu waxaan xal lahayn,  waayo Ilaahayna SW waatuu quraankiisa kulahaa “Haka quusanina naxariista Ilaahay..

Ilaahaw Soomaali adaa umaqan ee Wadada xaqaa ee guushu kujirot tus!!

W/Q: Cabdifataax Xasan Cirguje.

Geen opmerkings nie:

Plaas 'n opmerking

Waad kumahadsantahay Inaad soo booqato Baloogayga

Tolow Yaa Furay?! Qaybtii 16aad.

                                                                                            W.Q. Cabdifataax Xassan Cirguje Waa She...