Woensdag 27 Augustus 2014

QIIMAHA WAQTIGA WAA QIIMAHA NOLOSHA


Hordhac
Waqtigu waxuu kamid yahay nimcooyinka dabiiciga ah oo ilaahay umadiisa ugu deeqay, balse in badan oo inaga mida aysan ogayn ama aragba muhiimaddiisa, Noloshu waxay ku tiirsantahay waayaha iyo waqtiga is bad badalaya oo maalinba waji cusub bay la kulantaa lana macaamishaa, hadaba waa inaan is waydiinaa su’aalahaan: Maxaad unooshahay? Maxaa ku sugaya adiga? Maxaad sugaysaa adigu?  Maxaad tabcatay aduun iyo aakhiraba? Maxaad hiigsanaysaa? Qof walba wuu ordayaa oo hami iyo himiluu hiigsanayaa, mid baa ukalahaya salaada oo cibaadidiisa ilaashanaya, mid baa shaqo ukalahaya oo lacag raadinaya, mid baa waxbarasho ukalahaya oo qalinka iyo buugu isu saaranyahay, mid baa intaasba isku wata oo mid walbana guul ka keena, hadaba intooduba waxay haystaan isku waqti oo majiro mid waqti dheeriya haysta.
Dhanka kale halka xubnahaas aan kor ku xusnay ay ordayaan oo midba meel u kalahayo ayagoo ka faa’idaysanaya waqtigooda, qaar baa ayagu hurda oo aad moodaa inuusan waqtiba ku socon, kuwaasoo kale waxay kudanbeeyaan shalayto iyo calaacal, waxayna mutaan in asaagood dhaafo oo yoolkiisa gaaro ayagoon wali baraarugin, laakiin xubnahaas qaarkood way isdaba qabataan  waqti kadib oo waxay unoqotaa cibro qaadasho, halka kuwa kale ay kudanbeeyaan inay asaagood shaxaadaan oo dadkuba naco, waayo soomaalibaa ka maah maahday arintaanoo tiri “Baryada badan, Bugtada badan iyo Baahida badanba waa la isku nacaa.
Qaar kamida Nimcooyinka Ilaahay baxsho
Nimcooyinka Ilaahay SW kaliya baxsho maahan wax qoraal mid iyo laba toona lagu soo koobi karo, laakiin qodabada aan halkan ku xusayo waa qaar kamida waxyaabaha ama fursadaha aan la iibsan Karin hadaadan ka faa’idaysan, laakiin uu Ilaahay SW oo kaliya uu baxsho, una baahan  ama adiga kaaga baahan oo kaliya dadaal badan si aad uga faa’idaysato markaad hesho, waxaana kamida:-
1.     Buug waad gadan kartaa.
                            Laakiin cilmi maya.
Cilmiga waa mid aynu ubaahanay laakiin isagu nooma baahna, waana midka hadaan helno aynu ku gaarayno farxad, guul iyo nolol raaxo leh aduun iyo aakhiraba, hadaba si aynu u helno cilmi waxay ubaahantahay dadaal badan iyo in waqtigu qiimo noo leeyahay oo aan ka faa’idaysano intaan haysano, sidoo kalena aan uhurno waqtiga si’aan uhelno cilmi na anfaca.
2.     Dhakhtar waad ku heli kartaa lacag.
                           Laakiin caafimaad maya.
Caafimaadku waxuu kamid yahay nimcooyinka ilaahay baxsho una baahan taxadar dheeri ah, waayo waxaa caafimaadka faa’idadiisa sheegi kara oo kaliya midka aan haysan ama xanuusan, maxaa yeelay hadaad xanuusato lacag kastoo aad haysatid caafimaad kuuma goyso adoo gurigaaga jooga ama shaqadaada kujira inaad soo gadato sidaad shaqadaada usii wadato, laakiin waa inaad hurtaa oo bixisaa lacag, sidoo kale waa inaad waqti u hurtaa oo shaqo kastoo aad haysid hakisaa, waana inaad diyaar utahay inaad jiifsato isbitaalka hadii laga maarmi waayo. Laakiin ma dhihi kartid shaqo muhiimaad iitaalee bartayda caafimaadku ha iigu yimaado anoon intaas midna hurin.
3.     Saacad waad gadan kartaa.
                            Laakiin waqti maya
Waqtigu waa muhiim waana lagama maarmaan inaad ilaashato kana faa’idaysato ilbiriqsi kastoo kusoo mara, waayo maahan mid kuusoo noqonaya hadii uu kudhaafo adoon ka faa’idaysan lacag kastoo aad kubixiso, laakiin waad gadan kartaa saacad si’aad ugu ilaashato waqtigagaaga.
Hadab shay yaashan aan la iibsan Karin micnaheedu maahan hadaanan lacag kuheli karin maba heli karo, laakiin jawaabtu waxay tahay waad heli kartaa oo kuwaan aad malaayiinta lacagtaa kugadato ayagaa ka qaalisan, sababtuna waxaa weeye kuwaas lacag baaba ka xigta oo kaliya laakiin kuwaan markaad fursad uhesho hadaadan ka faa’idaysan lacagta aduuyada taaloo idil hadii meel la isugu keeno kuheli maysid.
Si kooban: Qodobadaan aan kor ku xusay iyo kuwo kaloo badan oo aan kasoo gaabsaday “Waxaad ku heli kartaa lacag la,aan laakiin haday kudhaafaan lacag kasta hadaad ku raadiso kuma heli kartid” Taas Micnaheedu waxaa weeye waxay kaaga baahan yihiin, dadaal badan, taxadar iyo inaa ilaashato, sidoo kalena inaad uga faa’idaysato waqtiga ugu haboon si aad uga guul gaarto.
YAA FAHMI KARA MUHIIMADA WAQTIGA
1)    Si aad u ogaato qiimaha uu hal sana ku fadhiyo.
                   Waydii arday kudhacay imtixaankii uu ugu gudbi lahaa fasal kale.
Waa arday hal sano wax soo dhiganayay, ardaygaas waxaa looga baahan yahay dadaal dheer iyo akhris badan oo imtixaan kasta oo la hor keeno kaga gaashaanto ugana gudbo, si uusan raadkiisa dib ugu qaadin, asagiina uga harin. Waayo haduu kudhaco imtixaanka sanadlahaa waxuu lumiyay fursad qaali ah oo dhamayd halsano kana koobnay Laba iyo Toban Bilood, waxuu dib ugu noqonayaa ama ku harayaa fasalkuu halka sano soo fadhiyay, waxuu lafariisanayaa arday dadaashay oo uu hal sano ka horeeyay, waxuuna ka harayaa oo halkaas kaga tagaya ama kudhaafaya asagiisii ay waxbarashada isla bilaabeen oo waxa kala reebay waa dadaal. Hadaba ardaygaas ayaa fahmi kara qiimaha halsano uu ku fadhiyo.
2)    Si aad u ogaato qiimaha ay hal bil ku fadhido.
                                 Waydii hooyo dhashay ilmo aan sadkiisu dhamaan.
Hooyadu waxay ilmaha uurka kusidaa sida qaalibka ah ama badan mudo Sagaal bilood ah, inta ilmahaas uurka kujiro waxay ubaahantahay xanaanayn iyo in loo muujiyo taxadar badan iyo waliba in laga ilaaliyo wax kasta oo dhibaato ukeenaya uur jiifkaas, sida dagaalka, daawooyinka qaarkood oo waxay ubaahantahay markasta inay latashato dhakhtarkeeda ama umulisadeeda waa haday umulisadeedu tahay mid cilmi uleh, waayo hadaan laga ilaalin waxyeelooyinkaas aan kor ku xusay waxay u keeni karaan inuusan ilmuhu sadkiisa dhameesan, haduusan sadkiisa dhamaysanna maaha mid nolol ku imaanaya aduunyada. Hadaba kawaran hooyo dhashay ilmo sadkiisii ay uga harsantahay hal bil waxyeelo soo gaartay darteed, hooyadaas ayaa garanaysa qiimaha hal bil ay ku fadhido.

3)    Si aad u ogaato qiimaha uu hal todobaad ku fadhiyo.
                                      Waydii qoraaga joornaalka asbuuclaha ah qora.
Qoraaga soosaara joornaalka ama jaraa’idka tobaadlahaa, waxuu muujiyaa todobaad kasta dadaal dheer oo ku aadan, suu usoo saari lahaa todobaadka soo socda joornaal tayo leh oo bulshada qancin kara, waayo waxaa tartan kula jira qoraayaal kale oo ayaguna soo saara jaraa’ida, waxaana aalaaba lagu kala haraa oo bulshada ku kala xulataa amaba ku qiimaysaa qodobo ay kamid yihiin: runta ama sugnaanta, ilaha lagasoo xigtay, tayada iyo waliba Joogtaynta, hadaba koooxda sida joogtada ah usoo saarta bulsho badan ayaa ku xiranta oo kii tobaad lafilayay lawaayo halmar ayuu lumiyaa bulsho badan oo ku xirnayd. Hadaba hadii uu qoraaga joornaalka todobaadlaha ah soosaari jiray oo ay bulshada intooda badani ku xirnayd kuna xisaabtami jirtay oo xataa ayagoo ku sugayaa goobta lagu iibiyo inta badan lakeeni jiray, kawaran hadii todobaad uu dib udhac kuyimaado cilad kastoo haleeshayba, bulshadiina say utaagnayd goobtii lakeeni jiray saacado kadib loos heegay maanta inaan la keenayn? Bal bulshadaas dareenkooda ka sheekee? Saameen intee leeg ayayse kuyeelan lahayd qoraaga jaraa’id kaas? Qoraagaas ayaa garan kara qiimaha halka todobaad uu leeyahay.
4)    Si aad u ogaato qiimaha uu halka daqiiqa ku fadhiyo.
                       Waydii qof diyaaraduu ku qornaa ka kacday asagoon soogaarin.
Diyaaradaha iyo tareenadu waa ka duwan yihiin gaadiidka intiisa kale, waayo labadaan waxay ku xisaabtamaan waqtiga, waxaa laga yaabaa mararka qaarkood in diyaaradu ay ka rakaabsanayso ilaa Shan wadan oo kala duwan, shantaas wadanna ay uqorsheesantahay inay marto shan saacadood oo isku xiga oo mid walba saacdiisa leh, marka diyaaradu waxay garoomada caalamiga kadagtaa saacad qorheesan oo horey loo qorsheeyay, oo xataa way qorsheesantahay waqtiga ay ku sugnaanayso garoonka iyo waliba waqtigay ka duulaysaba, qorshaheedana kuma jiro waqtigii loogu talo galay rakaabka inay hal ilbiriqsi ku darto xataa hadii rakaabkii qaar maqanyahay, sababtuna waxay tahay waqtigay kudarto waxuu kajaranyahay rakaab kaloo sugayay, tareenaduna waa sidaasoo kale. Hadaba kawaran qof waqtigii uu diyaarada kuqorna ilaaway oo kubaraarugay ayadoo daqiiqado yar ka harsanyihiin, kadibna halkaas orod kasoo bilaabay asagoo markuu garoonkii soo galay isha kudhaftay diyaaradii oo wali fadhida, hase yeeshee markuu (checking-kii) amaba baaritaankii maray oo hal daqiiqo ay ka xigto inuu ku gaaro diyaarada uu waqtigii ka dhamaaday diyaaradiina kakacday, oo uu bilaabay inuu u gacan haadiyo sidii baabuurta oo kale,?! Qofkaas ayaa garan kara micnaha halka daqiiqo kufadhido.
5)    Si aad u ogaato qiimaha uu halka ilbiriqsi ku fadhiyo.
                                Waydii qof ka badbaaday shil noocuu doonaba ha ahaadee.
Baqdintu way noocya badan tahay qofkastana wuu baqaa, lagase yaabo in waxyaalaha lag baqo lagu kala duwan yahay, hadaba qofkasta waxuu leeyahay nooc kamida baqdinta, Soomaali baa ayadoo ka maahmaahaysa baqdinta dadka tiri “qof aan baqin waa loo baqaa”. Hadaan wax ka xuso noocyada baqdinta: Midi dadka waxay kagashaa cagaha, oo haduu baqaba waxuu bilaabaa orod, waxaana lasheegaa inay tahay tan ugu fiican,  oo waana ayada soomaalidu tiri “Naftu waxay kugu aamintaa orod”  meesha tan uu qofku ordayo waxaa jirta mid lid ku ah oo kasoo horjeedaa taas,  midaan waxay qofka kagashaa bawdyaha, oo qofku haduu baqo bawdyahaa gariira tilaabana ma rogi karo, hadaba kawaran inan ama wiil asagoo goynaya wado yar oo hal dhinac ah, uu ku yimid gaari aad uxawaareenaya, kadibna intuu baqdin gareeray dhaqaaqi kari waayay, ugu dambayntiina asagoo gaarigu kudhufan rabo laga badbaadiyay ilbiriqsigii ugu dambeeyay. Qofkaas ayaa garan kara qiimaha hal il biriqsi kufadhiyo.
Si kooban
Ø Shalay waa maalin qoran oo taariikhda gashay waxaad shaqaysatayba.
Ø Bari waxay noqon Ilaahay unbaa sheegi kara oo qorshe mala awaala mooyee xukunkeeda Allaa leh oo inagu ma ogin waxay noqon.
Ø Maanta waa maalin qaali ah oo qiimo badan noogu fadhida, waana hanti aan haysano inaan ka faa’idaysanana mudan, waayo haday mar qoraxdu dhacdo qiimahay lahayd way la tagtay.



XAL/GUNAANAD
Tusaale waxaa kuugu filan fursadahaad shalay haysanay manta ma haysano, bal dib ujaleec “Soomaaliya” waa dalka kaliya ee loo aqoonsaday amaba loogu yeero “Failed State” macnaheeduna yahay “Dal fashilmay” shalay waxuu ahaa wadan xor ah oo qiimo wayn kudhex leh bulshada caalamka, dadkiisana lagu tixgaliyo, maantana waad aragtaa markii dadkiisii iska qubay caanihii u xarfanayay waxa ku dhacay, bal eeg waxa haysta soomalida kubaylahsan daafaha dunida, dhamaan xeryaha qaxootiga caalamka dadka ugu badan waa Soomaali! oo waa laga helayaa wadankasta, waxaan layaabay markii lamaqlo amaba soomaalidu maqlaan: “qof soomaali ah oo qaxooti ah baa wadan hebel lagu dilay” halmar ayay muujiyaan siday uga xunyihiin iyo waliba dareenkooda, laakiin talada kumaysan darsan, inuu kan yahay mid kaliya ee ay u suurtawday in warkiisa lahelo. Kaaga sii daranee soomaalidu kama hadlaan, say uga xunyihiina ma muujiyaan, kumanaanka soomaalida ah ee wali kusugan dalkoodii kuna dhibaateesan, maydkooduna wadooyinka iska yaalo, waliba kuwaan dalka kusugan wali, waxaa saa ugalay waa soomaali kale!
Ugu dambeen soomaalay ka kaca hurdada oo aamina awoodiin, kana faa’idaysta waqtigaad maanta haysataan, waayo bari waxay noqon ma ogidin oo Ilaahay SW kaliyaa xugunkeeda og.
Hadaad awoodiina aamin taan oo aad gacmaha isqabsataan, iskuna calool fayoobaataan, oo aad iska saartaan cuqdada iyo is nacaybka, waxa dalka kadhacayna shaydaanka inta u nisbaysaan aad xalay dhalay kanoqotaan, maalin gudaheed baad dalka ku xasilin kartaan, dadkiinana wax ugu qaban kartaan, idinkoon cid kale wax cawimaad ah waydiisan.
Ha noqonina kuwo ka hadla dhibaatada kadib marka ay maqlaan in waxyeeladu soo gaarto bulshada, laakiin noqda kuwo kadhiidhiiya oo ka hortaga dhibaatada bulshadeena Soomaaliyeed kudhici karta markasta iyo waqtiyada soo socdaba adoo sii odorosaya, taasna waxa kaliya ee lagu heli karaa waa idinkoo aayahiina katashada, nadaamkii iyo kala dambayntii dalkana soo celiya.
Waa inaan ka faa’idaysanaa waqtigaan inuu nasoo maro mooyee aan soo noqodka lahayn intaan ka awoodno, Waana inaan uga faa’idaysanaa aakhiro iyo aduunba waayo labadooduba waan uga faa’idaysan karnaa hadaynaan is yeelyeelayn.
Waqtigu waa is gurayaa ee aan ka faa’idaysano lana tarntano wadamada horumaray, oo yaynaan noqon kuwo uu waqtigu kafaa’idaysto oo raadkooda dib uqaada.
Waxaa kusoo gaba gabeenayaa maqaalkaan aan uga hadlayay muhiimada waqtiga, tuduc ama meeris kujiray gabay uu lahaa Xaaji Aadan Afqalooc oo uu kaga hadlayay muhiimada waqtiga:-
Axmaqnimo waqti kaaga tagay                     oohin kugu reebyee
Aayatiin kudhaaftaana                                    waa waxaan la eegayne.
Wabilahi tawfiiq wasalaamu calaykum waraxmatulahi wabarakaatuhuu.
W/Q: Cabdifataax Xasan Cirguje

Geen opmerkings nie:

Plaas 'n opmerking

Waad kumahadsantahay Inaad soo booqato Baloogayga

Tolow Yaa Furay?! Qaybtii 16aad.

                                                                                            W.Q. Cabdifataax Xassan Cirguje Waa She...