Saterdag 12 Maart 2016

Dib udhalashadii Gorgorka

W.Q, Cabdifataax Xasan Cirguje
Dhacdo
ku dayasho mudan
Gorgorku waa shimbir kamida shimbiraha, waxaana lagu tiriyaa inuu yahay Shimbirka ugu cimriga dheer marka loo eego noocyada shimbiraha, waayo waxaa la sheegaa inuu noolaan kara mudo dhan ilaa todobaatan sano(70), laakiin suu ugaaro heerkaas waxuu u maraa marxalado adag oo waayahooda leh, dhibaatooyin badan oo ubaahan in lala tacaalo iyo xanuuno aad u daran oo in loo samro looga gudbi karo. Gorgorku waxuu leeyahay sifooyin gaar ah oo uu kaga tilmaaman yahay shimbiraha kale, sida noola kasta oo dunida guudkeeda saran Ilaahay SW usiiyay tilmaan u gaar ah oo uu caan ku yahay gaarna u ah, waxa uu si fudud udiloodaa  xawaanka dhirta daaqa, bahaladda hilibka quuta iyo Masaska halista ah ee fajaasta iyo suntan wax ku dila, waxaana u fududeeya ugaarsigooda cidiyihiisa xooga badan misna waxay qabtaan aysan suurtagal ahayn inay sinna uga baxsadaan iyo xirfadahiisa gaarkaa, afkiisan isna xooga badan sida cajiibka usamaysan, baalashiisaan sida uu rabo u adeegsan karo, meeshuu damcana durbadiiba sifudud ugusoo hoobanayo, waxaad mararka qaarkood arkaysaa isagoo hawada dhexe iska damaashaadaya oo sida diyaaradaha miiga oo kale is rogrogaya, mararka qaarkoodna xayawaan uusoo qabsaday ku ciyaaraya, oo hadba intuu hawada sare geeyo soo daynaya misna intuusan dhulka gaarin dhexda ka laacaya, waxaa intaa udheer fogaan aragga Ilaahay Swt awoodda usiiyay ee ili ku wareedhayda uu wax ka arkayo.shimbirkaan Gorgorkaa shimbiraha kale wax muuqda ma dheera aan ka ahayn ku dhiiranaansho iyo kalsooni oranaysaa “Haa waad qaban kartaa, waad dili kartaa, waadna ku ku guulaysan kartaa”.

Hadaba sida noola kastaba uleeyahay mudo uu awood gabo oo ku gaboobo isna Marka uu gaaro da’da 40aad waxaa noloshiisa kusoo biira waji cusub oo gabaw ah, waxuu dareemaa awood yari, waxaana dhamaan xubnihiisa soo gaara shaqo gab, Haduu lahaan jiray cidiyo af badan ugaarsigana ku wanaagsan oo waxuu doono si fudud ugu soo qabsado noloshiisuna ku tiirsanayd hadba waxay u keenaan, hada waa kuwaan gaamuray misna af beelay oo hawshoodii gabay, waxay is dhahaan qaadba waan kuwaan tabar yari uga siibtay, hawl inay soo korodhay markaan ma shakaa ku jira?

Sidoo kale haduu lahaan jiray af dhuubanoo xoog badan oo uu wax ku cuni jiray, ugaartuu cidiyuha kusoo qabtana sifudud ugu diloon jiray, sidoo kalena masaska halista ah xididka suntaa sahal uga siibi jiray isna waa ku daayay, oo wakaas afbeelay misna soo laabmay, hadda waxuu isagu diloodo iska daayee xataa kuwa loo dilo waa kan aan  quudan Karin. Waa marxalad kale oo noloshiisa saamayn ku yeelatay halisteedana leh, hadduu caqabaddii hore si un loo maarayn lahaa bal tanna si dheh, markaan soo kuma qasbana inuu waayaha isku dhiibo oo iska quusto mise wali raja jirtaa haduu mar cadawga ka carari karo? kawaran baalashii iyagana xaaladooda, majiraa wax isbbadal ah oo ku yimid? Haa waliba mid wayn baa ku yimid, muda Afartan sano ah oo ay soo shaqeeyeen kadib baalashiisu maahan maanta sidii hore, fir fircoonidii iyo xaragadii lagu yaqaanayna dhamaatay, ciyaartii ay hawada dhexe tobonaanka jeer isu gad gadin jireenna way ku daysay oo hada haduu halmar ka gudbo buu buro sidaa, waxaa ku dhacay gabawgii layaqaanay, waxayna ku soo kordhiyeen Gorgorkii culays mararka qaarkood ku dhaliya inuu boodiddii qudheeda tahli waayo, mar walba oo uu duulo waxaa maankiisa ku soo dhaca talaw ma tii u dambaysay baa?! Mana quusan rajaduna waa xuntahay! Haatan waxa kaliya oo u haray waa bootintaa oo iyana dhib badan ka qabsado.

Hadaba maxaad samayn lahayd hadaad adiga tahay? Ma waqtiga iyo waayaha ayaad isku dhiibi lahayd? Mise waad iska harjadi lahayd intay taadii kaaga imaan oo geeri sug baad noqon lahayd? Mise labadaas midna maadan yeesheenee waad ka dhiidhiiyi lahayd oo waxaad halgan u gali lahayd sidaad aafadaan uga bixi lahayd? Jawaabtiina dhagaysigeeda uma baahni oo way iska cadahay, waayo waxaan la socdaa dalkiina burbursan ku dhawaad 30 ka sano iyo sidaad ka yeesheen Soomaalay! Aan usoo noqono Gorgorkii isagu maxuu sameeyay? Bal si fiican u dhuuxa waa intaas oo uu caqli idinku soo kor dhiyaa oo hurdada dheer ee aad ku jirtaan ka kacdaanee.

Bilawgii Halganka
Waxaa markaan Gorgorka horyaala laba un midkood inuu sameeyo, inuu is dhiibo oo saa ku dhinto iyo inuu galo halgan aad u adagoo xanuunkiisana leh oo aafadaan uga bixi karo, dibna ugu dhalan karo markale, waa halgan xanuunkiisa leh mirihiisuna yahay nolol cusub iyo firfircoonidii oo usoo noqota, halgankaas waxuu soconayaa mudo dhan 150 maalmood oo xiriir ah.
Hadaba Gorgorku waxuu doortaa tan dambe waxuuna gala halgankaas dhibtiisana wuxuu ugu dulqaataa rajada dambe, halgankiisu waxuu udhacaa sidaan, ugu horeen waxuu galaa socdaal dheer oo saacado qaata, waxuuna koraa buur dheer fiiqa ugu koreeya oo ah meesha uu ugxanta dhigto, deedna meeshaas ayuu fariistaa halkaas ayuuna halgankiisu ka bilaabmaa, mudo 150 maalmood ah buu halkaas fadhiyaa, meelnana uma dhaqaaqo mudada intaa leeg cuntana hasheegin, wuu ka soomaa naftiisana ilawsiiyaa illaa uu mar labaad dib ugu soo dhasho. mudadaas isma fadhiyo ee shaqaa barbar socota, marka koobaad waxuu ku bilaabaa suu afkiisaan qaloocday xal ugu heli lahaa, deedna dhagax ayuu ku garaacaa illaa uu ka jabiyo, kadib markuu jabbiyana muddo cayiman ayuu sugaa illaa uu mid cusub ugasoo baxo, markuu taas ku guulaysto oo afka curdankaa usoo baxo. waxuu ku xijiyaa inuu afkaas cusub ku garaaco cidiyihiisii gaamuray illaa iyagana uu jajabiyo, deedna sidoo kale mudo cayiman ayuu sugaa inta ay ugu soo baxayaan cidiyo cusub oo xoog badan, iyagana markuu ku guulaysto oo ay usoo dhashaan waxuu cidiyahaas iyo afkiisa curdankaa si wadajir ah rifaa baalashiisii gaboobay ee culayska ugu badan iyagu ku hayay kuna soo jabay laabtiisa, kadib si lamida kuwii hore mudo cayiman ayuu misna sugaa illaa baalal cusub kana fudud kuwii hore ugasoo dhashaan. Shan bilood kadib galayrku dib ayuu usoo dhashaa, waxaana la arkaa isagoo dib u usoo bilaabay duulimaadyadiisii caanka ahaa ee lagu aqoon jiray, markaan waxuu dib ugu noolaan karaa Soddon sano oo hor leh.

Hadaba bulshoy waxaad ognaataan inaan waxaan loo dhibtoon dheeftooda la helin, waxaan loo halgamina mirahooda la guran, waxaa laga dhiidhiyina dhibtooda abid laga bixin, waxaan sheekadaan usoo qaatay markaan arkay xaalada Dalkaygu ku suganyahay iyo hurdada dheer ee dadkaygu ku jiraan. Kuwa dalka joogo (Qaran Lajoogta) inta badan waa shaqeeyaan waxay ushaqeeyaanse ma yaqaanaan kaliya waxay ogyihiin inay mushaar fiican qaataan, waxaad moodaa inay ugu dhantahay marba haday mushaar haystaan, ismana waydiiyaan ninkaan mushaarka ku siinaya illaa intee buu ku wadi karaa?. Kuwii dibadda jirana (Qurbo Joogta) ma moodo inay dal leeyihiin oo dad iyo dal kasoo tageen aan cid kale sugayn, waxay wali ku jiraan mala awaal oo waxay ku mashquulsanyihiin mudaba dhaldhalaalka dhul asaagood dhistay oo ay qaxooti ku yihiin, iyagoo is moodsiiyay inuu yahay dal ay leeyihiin. Iyana isma waydiin war dalkaani illaa muddo intee leeg buu ku xamili karaa? Miyaysan wanaagsanayn intaana la i cayrin inaan ubadkayga dhaxal usii abuuro iyo dhul ay ku noolaadaan.

Hadaba waxaan Bulshada Soomaaliyeed ugu baaqayaa inay ka kacaan hurdada baas oo ay indhaha kala qaadaan, Qurbo joogta waxaan leeyaha war ubadka iyo haweenka kasoo taga oo kaalaya dalku halgan wada jir ah buu ubaahanyahee ololahana dibadda kasoo bilaaba, Qaran Lajoogtana waxaan leeyahay ku baraaruga wax dalka ka socda oo wax iska waydiiya waxay yihiin, cad aad eedi doonto lama cunee iska hubiya ciddaa ushaqaynayso waxay yihiin iyo waxay dalka ka qabanayaan.

Allaw                                                                                                                                
Dalkoo Nabada
Dadkoo isjecel iyo 
Dawlad Caadil ah
W.Q. Cabdifataax Xasan Cirguje (Qarandoon)


Tolow Yaa Furay?! Qaybtii 16aad.

                                                                                            W.Q. Cabdifataax Xassan Cirguje Waa She...