Dinsdag 01 Desember 2015

Ha ismoodin kaligii dhibane!!

Dhakhtarku waa ordaya
Waa 
Sheeko wax badan
aynu ka baran doono

Waa barqo dheer, goor sheegtaduna ay sheegayso tobankii subaxnimo “10:00am” Goobtuna waa isbitaalka wayn ee magaalada, Saaka waxaa hor tuban dad badan oo duruufo kala duwani keentay isbitaalka, mid murugo la aamusan, mid kacaa fariisanaya iyo mid cabanaya intaba waa isugu jiraan, oday baase aad uqaylinaya oo dadku afkiisa wada dhawrayaan, kalkaaliyaasha ayaa dhowr jeer isku dayay inay qanciyaan, hase yeeshee waxay usheegeen ma noqon waxuu ku qancay balse wuuba kasii daray, waa kan hadba gees isku majiiraya.
Mudo daqiiqadaa kadib ayaa hal mar la dareemay isbadal la garan-waayay in cabbaar ah halka uu ka yimid, odaygiina qayladii iyo balawgii uu isku waday waa kan yara hakiyay oo inta  uu luuday dhanka galbeed wakaas sii himbiriirsanaya, talaw maxaa dhacay oo odayga aamusiyay ayuu qof walba naftiisa ku siraystay, oo halmar lawada hanqaloocsaday meeshaan odaygu ku dhaygagay?
Mise waaba Dhakhtarkii Qaliinka oo ordaya, oo jirkiisoo dhan dhidid qooyay, daqiiqado ka hor ayaa loo sheegay in uu jiro wiil ubaahan qaliin degdeg ah, hadaan sida ugu dhakhsiyaha badan howshiisa loo galinna xaaladiisu halis tahay! Isna waxuu hayayba inta qubay waa kan isbitaalka mirir ku yimid si uu wiilkaa yar ee miskiinka ah ubad baadiyo waalidkiisna murugada uga biiyo, hase yeeshee waxaa dhacay waxuusan filanayn dadkii meesha dhoobnaana fajiciso ku reebtay balse uu si degan u maareeyay, waa ninkii qaylinayay ee daqiiqadaha yaree uu aamusnaa la yara nafisay, inta hor istaagay dhakhtarkii ayuu mar qura waxaan la arag oo cataw iyo eedayn ah kala duldhacay, waxuuna ku cataabayaa “Maxaad usoo daahday oo waqtiga intaa leeg sugitaankaagu noogu qaatay? Miyaadan ogayn in wiilkayga xaaladiisu halis tahay? Miyaadan dareemayn masuuliyadda intaa leeg?
Dhakhtarkii inta dhoolo cadeeyay ayuu si degan odaygii wax ugu sheegay, waxuuna yiri, “Adeer waan ka xumahay waxa dhacay oo  majoogin isbitaalka markii wiilkaaga la keenay, hadana markii la iisheegay waa anigan soo degdegay ee imid, marka adeer isdaji waxba naga xumaan maayaanee, anna waxba ka hagran mayo intaan uqaban karo, Ilaahayna SW wuu nala garab galayaa ee aan talo saarano kadibna dhakhtarku waxuu ugud-bay qaybtii qaliinka.
Waydiimaha maankiina ku soo dhacaya ee aad iswaydiineesaan markaan intiina lasocota sheekadaan waxaa kamida, talaw maku qancay odaygu waanadii dhakhtarka? Jawaabtuse waxay tahay may ee dakhtarkii oo sii socda waa kan odaygu markale furkiiba tuuray, oo misna isagoo xanaaqsan ka daba yiri. “Is daji kulahaa? maxaan isdajiyaa? Kawaran haduu wiilkaagu xaaladaan ku jiri lahaa, oo waliba adoo arkaya udhiman lahaa, Maxaad sameen lahayd? Wey!
Dhakhtarkii wuu maqlay waydiimaha odaygu ka daba tuuray, mar labaad intuu dib u soo jaleecay isagoo dhoola cadeenaya ayuu ugu jawaab celiyay erayo xikmad badan xambaarsan, waxuuna yiri “waxba ma sameeyeen balse waxaan maankayga xasuusin lahaa oo usheegi lahaa kaliya In ciida na laka abuuray iyadana dib naloogu celin doono Ilaahay sw amarkiis” marka adeer maankaaga gali dhakhtar naf waqtigeedii dhamaaday masoo celin karo, balse Ilaahay oo kaliya ayaa awooda ee ubari wiilkaaga! Anaguna waan udadaalaynaa inta karaan kayaa Ilaahay idankiis.
Odaygii markaan waa yara degay waxuuna bilaabay inuu hoos u gunuunaco sidii qof quus taaganoo kale, waa kan isagoo hoos iskula hadlaya yiri “Waano aan waqtigeeda lahayni afka u fududaa” waa halkay maahmaahda soomaaliyeed ka lahayd “Meel hoo ubaahan hadal wax kama taro.
Muddo saacada ah ayay dhakhtarkii ku qaadatay inuu kusoo gabagabeeyo qaliinkii uu wiilka ku sameenayay, hadda wuu soo gabagabeeyay, in Ilaahay SW ku guuleeyay badbaadintii wiilka yar waxaa cadeenaya kalmadda cajiibkaa ee afkiisa ka soo baxday “Alxamdu Lillahi” durbadiiba  aabihii wiilka dhalay uyuu ku wargaliyay in wiilkiisii badbaaday, misna uraaciyay isagoo sii ordaya haddaad wax waydiin ah qabto waxaad waydiin kartaa kalkaalisada wiilka.
Odaygu ma jeclaysan qaabka dhakhtarku ula dhaqmay aad ayuuna u la yaabay habdhaqankiisa, welwelkii uu ka qabay cunigiisa waxaaba ugasii darnaaday dhakhtarkaan aan fursaddaba u siinayn inuu dhagaysto su,aalaha badan ee maankiisa ka guuxaya ee uu islahaa dhakhtarku hakaa qanciyo, halkuu warka fiican ee wiilkiisa looga soo sheegay ku farxi lahaa, Ilaahayna SW ku xamdi naqi lahaa sidoo kalena dhakhtarka umahad celin lahaa waxuu isku furay welwel, madaxiisana waxaan jirin ayuu ku mashquuliyay oo waxuu hadda u caraysanyahay dhakhtarkii wiilkiisa qaliinka ku sameeyay.!
Waa kan misna xanaaquu u qabay dhakhtarka kala dul dhacay kalkaalisadii oo isagoo qaylinaya ku yiri, “Waa maxay dhakhtarka caynkaan ah ee xirxiran? xitaa fursad nasiin maayo aan su,aalo ku waydiino.
Kalkaalisadii ayaa ugu jawaabtay iyadoo Ilmaynaysa: “Ninkaan aad eedda uhaysato shalay ayuu wiilkiisii shil gaari ku geeriyooday, saakana asagoo jooga aaska wiilkiisa ayaan ugu yeernay si uu ubadbaadiyo wiilkaaga! hadda wakaas ku guulaystay qalinkii uu wiilkaaga ku sameeyay oo kuu badbaadiyay, waxuuna u deg degayaa dhamaystirka aaska wiilkiisa adiguna wali eed baad uhaysataa”!
Jawaabtii ay gabadha kalkaalisadu siisay ayaa ku noqotay filanwaa! Haduu isla qumanaa hadda waxaa maankiisa ka guuxaya waydiimo ay kamid yihiin, maxaad samaysay?! Haduu is caburinayayna hadda waa kan dhafoorada haysta oo labada gacmood madaxa isugu geeyay.
Waxaan sheekadaan ka baranaynaa muhiimada dulqaadka iyo samirku bulshada uleeyihiin, diinteenna suubanna in badan ayay inoo sheegtay, imisaad aragtay qof u caraysan qof kale oo xataa haddaad waysdiiso aan kuu sheegi Karin sabab sax ah oo lagu qanci karo, imisaad maqashay mid ku haya hebel kas buu teleefonka iiga qaban la’yahay oo xataa aan garanayn xaaladduu ku suganyahay, (inuu  noolyahay, inu caafimaad qabo, inuu howl ku jiro iyo inkale toona) waxaa laga yaabaa xataa inuusan dib ula hadlin arintaas darteed. Mida kale inta badan dadka qof kasta waxaa haysta dhibaato ugooniya oo uu la tacaalo una qarsoon, hadaba haddii dhibaato ku haysato ha ugu caroon dadka saa garanba maysid iyagu waxay ku suganyihiine.
F.G. Qodobadaan aan kusoo gunaanaday waxay qayb ka yihiin is faham waaga manta bulshadeena ka dhex taaagan, waxayna Soomalidu ula baxday magacyo ay kamid yihiin “Buufis buu qabaa iyo Jinkiisaa neceb iwm”
Waxaan qalinka kusoo xirayaa cinwaanka sheekada
“Ha ismoodin kaligii dhibane”
W.Q. Cabdifataax Xasan Cirguje (Qarandoon)
Cirguje1986@gmail.com


Donderdag 22 Oktober 2015

Doorka dhalinta iyo Dib u dhiska Dalka


Cabdifataax Xassan Cirguje
Dhalinyartu waa mid ka mid ah tiirarka ay bulsho ku tiirsan tahay, waana halka laga qiimeeyo marka la eegayo jiritaanka umadeed, sidoo kale marka wadan la saadaalinayo suu noqon karo mustaqbalkiisu, waxaa laga eegaa dhalinyartiisa heerka aqooneed, dhaqankooda, hab dhaqankooda bulshooyinka kale, himiladoodu intay gaarsiisan tahay iyo heerka feejignaantooda.
Sidoo kale dhalinyartu waa difaaca qaran walba looga baqo, waana mid qori ku difaaca, mid qowl ku difaaca iyo mid qalin ku difaaca. kan askarigaa furintuu joogaa oo dig buu ka dhahaa hadba bahalada kusoo qamaama, kan aqoonyahankaana hadba xaaladu say tahay buu qalin ku bayaanshaa, isagoo tilmaan ka bixinaya hadba meesha dabinku yaal iyo qaabka looga fashilin karo aragtidiisa, kaan labadaas ahayna qowl buu cuskadaa, dhawaaqana ma daayo ilaa dhulku xasilo.
Hada hadaad eegto dhalinteena, waxaa moodaa in xaalku noqday “juuqla jaaqla” oo waxaaba la kala garan layahay. Maxaa inoo dan ah maxaase inoo daran? Ceelku ma nabad baa mise nabaraa nagu yaal? Mise wali la ismaba gaarin, ee xaalku waa sheekadii laga sheegay ninkii fulayga ahaa ee markuu ninka tuugu maryaha ka furtay ee buumaaha lamarayay marwadiisa ku yiri “sug buumaha ha igala baxee anaa wax la maaganee” ileen wax kale ma harinee.
Hadaba aaway dhalinyartii soomaaliyeed? Mudadii dhowr iyo labaatankii sano ee burburka lagu jiray maxay ahayd kaalintoodii ay ka gaysteen samata bixinta bulshadooda? Waxaan qiyaasayaa in jawaabtu iska cadahay, dhalinyartii wax noqdeen kuwo tahriibay oo wadanka iskaga qaxay, kuwa qorsheenaya inay kadaba tagaan,  kuwa maqane jooga ah oo koomo wax u eg isaga jira, kuwo iska xamaasha oo danba ka lahayn waxa dalka ka socda(Ismalurayaal) oo hadal uu kaga haray “Dalka waa lahaystaa” aanse iswaydiinayn maxaa xal ah marka? iyo kuwo had iyo goor ku Dhaka faaray waxa dalkooda ka socda hase yeeshee garanayn qaabkii looga bixi lahaa wax laggartana waayay.
Waxaase ugu badan inta socdaalkaa ee dalkaba ka socoto, waxaa la yaab leh inay waayadaan danbe ku biireen intii qalinka wadatay iyo intuu jeebku ubuurnaa, soo marka ma cadda in lawada socdo oo wadada lawada qaaday, marka yuu weheshan dalkaan haduu jiilkuu weheshan lahaa ilaaween oo ka qulquleen xilli uu aad ugu baahanyahay, soo cadawgu markaan cidla ka heli maayo, way socotaa dhalintii oo waa mid tagiyo mid daba socda oo qalbi ka dhoofsan, wadamada dariskaa goobaha Soomaalidu isugu timaado hadaa tagto sheekada lagu hayaa waa Dhoof iyo Tahriib, waxaana hormuud ka ah waa dhalintii gaar ahaan ardaydii jaamacadaha dhiganayay ama dhameysey.
Mararka qaarkood waxaan iswaydiiyaa, walaalayaalaw dalkaan dadkii lahaa ka socdo yaa loogu talo galay? Saa waxaa iisoo baxda jawaab oranaysa: Waa aduunyo gadoonoo malaha duul kalaa soo daba maraya. Misna waxaan iswaydiiyaa: Duul dhalintiisii tahay tahriibeen yaa umiciina, yaa dalkaan dib uxorayn doona oo dowladnimaduu bari ahaa dib ugu soo celin, yaa u halgamin suu dhibta uga saaro, yaa dadkiisa baraarujiya oo wax fahamsiin? Saa waxaan isku qanciyaa iska sug goor dhaw way baraaruguyee, waxaa la gaaray waqtigay wax fahmi lahaayeenee, hadana ma arko saan saantood, walise waan sugayaa.
Maxaa keenay in dhalintu ka baqoosho dalka? Waxaa keenay sababo badan: waxaa kow ka ah dhalintii oon garanayn masuuliyada dalka ka saran, kan ugu roon baa mararka qaar idaaha ka dhaha war dalka xal haloo raadsho isna shaqadiisuu iska wataa, isagoo tilaabo qaadi mayo ciduu ka sugayana garan mayo. Waxaa kaloo keenay siyaasadii dalka oo qurba jog ugacan gashay iyo qolyo caruurtoodii fogaystay, iyadoo aqoonyahanadii dalka ku harayna tixgalin lasiin waayay, taasina waxay keentay in qofkii han siyaasadeed galaba dibada qabto si uu qurba joog unoqdo dabadeedna halkaa siyaasadda ugasoo galo.
Layaab! dadka qaar baa ku oran dhalintii dibadaha ku kortay aragtiyo cusub(New Ideology) bay soo kordhiyeen, oo mid walba dalkuu ka yimid buu tusaale walboo wanaagsan usoo qaadan xataa askartii, kawaran hadaan arkay kuwo dalka jooga oo aragtidoodii la badalay? Waxaan la kulmay dhalinyaro: waxay ku oran “nolol mahaysano oo waxaa nahay mayd soconaya(Walking dead), dal kale ma aadi karno oo dal kugalkeena(Passport) lama aqoonsana, aragtideenu waa argagax oo dunida kale markaan tagno waxaan dareenaa feejignaan nala ka qabo oo la is leeyahay goormuu talow qarxin!” Marka maxaa ka wanaagsan inaan wadamada dariskaa ku kala biirno aan nolol helnee?! Waa dhalintii, waa kuwa uu dalku dhankooda ka dheeliyay, waa kuwaan is lahaa dalka ha samata bixiyaan. Is maysan waydiin see uga baxnaa waan ka bixi karnaayee, balse taa badalkeed way is dhiibeen!
Xal/Gunaanad
Xaalka hada dalku ku jiro maahan mid indhaha laga qarsan karo, mana ahan mid lagu dhawran karo balse waa mid mudan in laga dhiidhiyo, ka dhalinyaro ahaan waxaa inoo yaala halgan adag oo ujeedkiisu yahay samata bixinta dalka iyo dadkeena duruuftu ka muuqato.
Waxaa lagaaray waqtigaad hurdada ka kici lahaydeen dhalinyaro, oo uu ka gudaha joogaana ka dhiidhiyi lahaa waxa socda, kan dibadda jiraana ogaan lahaa runta dibna ugu soo noqon lahaa dalka, suu uga qaybqaato halganka dib uxoraynta dalka, isagoo khibradiisa iyo aqoontiisa ku biirinaya.
Waxaa lagaaray waqtigaad aamini lahaydeen awoodiina, midayn lahaydeen maankiina iyo muruqiina, buuxin lahaydeen kaalintiina banaan sanadaha badan, kana dhiidhin lahaydeen dhibaatada ku habsatay dalkiina iyo dadkiina.
Waxaa la gaaray waqtigaad dhihi lahaydeen waxaan idiin qalmin, dalkana ku haboonayn “May magaynaa lagaa yiri” ee ii naanan isha ka gulucsiin.
Waxaan ugu baaqayaa dhalinyarta Soomaaliyeed daljoog iyo dibad jooba(Qurba joog iyo Qaran lajoogba) inaan bilawdaan ololaha midaynta xoogeena isagoo qof walba ka bilaabayo gurigiisa, magaaladuu joogo iyo dalkuu ku nool yahoo idil si ay ufududaato inaan iska kaashano samata bixinta dadkeenu. Waxaa lagaaray waqtigii hogaanka dalkuna fahmi lahaa muhiimada kaalinta dhalinyarada ee maqan.
Waxaan hadalka uga baxayaa: Dhalinyaro dalka aynu uga xisaabtano siduu Kontomeeyadii xaalkiisu ahaa, halgankii waqtigaa lagu jiray mid ka adagna aan galno, hadaad isleedihiin howshu waa ka fududahay waqtigii xoriyad doonka oo hada dal la aqoonyahay baa nahay, anigu waxaan isleeyahay tan maanta taagan baa ka daran, waayo aawal muruqaa nalaka haystay, markaan maankeenii midaynay oo wada jir uga dhiidhiinayna waan xorownay, maantase maankaa nalaka qabsaday, muruqeeniina waa lakala qaybshay.
FG: Ogaada dalkaan xoriyadiisii hore waxaa halgan dheer iyo dhiig badan kadib soo dhiciyay oo Alle SW ku guuleeyay waxay ahaayeen dhalinyaro, hadana waxuu sugayaa waa idinka. Hadaad ka seexataanna dulli kamabaxaysaan iyo inaad dalkiina marti ku ahaataan, hadaad ka dhiidhidaana Alle SW wuu idinku garab siin, nolol farxad leh baadna ku noolaan doontaa Ilaahay SW idankiis. Waxaadna ogaan doontaan inii naan baahi danbe uqabin dal shisheeye.
Allow dalkoo nabada, dadkoo isjecel iyo dawlad caadil ah.
W.Q. Abdifataax Xassan Cirguje
+252617798439  

Dinsdag 06 Januarie 2015

Hamdi iyo Aayadeed

“DHACDO XAQIIQAA OO XANUUN BADAN”

                                        Cabdifataax Xasan Cirguje                                        
TAHRIIB IYO TIIRAANYO
Tahriibka iyo Addis Ababa
Waanadii Sh.Mursal
Hamdi iyo Aayadeed
Hordhac
Waxaa Marka koobaad Mahad oo dhami usugnaatay Ilaahay SWT, Marka xiga waxaan manta qalin ka uqaatay si aan bulshadayda ugu soo gudbiyo dhacdadii tahriibka ee murugada badnayd kana kala dhacday Addis Ababa iyo Badda dhexe, si’ay ugu waano qaataan umadeenu uguna dhigtaan cashar aysan ilaawin. Bishii Febraayo sanadkii 2010-kii tirsiga Miilaadiga ayaa waxaan waxbarasho utagay xarunta dalka Itoobiya ahna xarunta Midawga Afrika ee Magaalada Addis Ababa.
Itoobiya waa wadan dhaca amaba kuyaala bariga qaaradaan Afrika, waana wadan leh taariikh guun ah, sidoo kalena kamida dawladaha caalamka ugu qadiimisan. Wadamada xuduuda laleh waxaa kamid ah: Soomaaliya, Kenya, Jabuuti, Eratariya, Suudaan iyo waddanka dunida ugu da’da yare ee Koonfurta Suudaan. Xilliyadii dambe ee tahriibka caalamku kor ukaca sameeyay ayaa waxaa aad looga dareemay tahriibka Geeska Afrika gaar ahaan deegaanada Soomaalida, Addis Ababa waxay noqotay marin/wado ay mareen inbadan oo soomaali ah  una haajirayay Yurub. Taasna waxay sababtay inay Addis ababa isugu yimaadeen oo ay kulmisay soomaali aad ubadan, oo qaarna ahaa dad tahriib ah qaarna dilaaliinta wax tahriibiya ee Mukhalisiinta loo yaqaano ah.
waxay bilaabeen Mukhalisiintii kadib markay gudbiyeen intii tahriib doonka ahayd inay tashkiiliyaan Soomaalidii kale si ay uga dhaadhiciyaan inay tahriibaan, iyagoo u maray wada kastoo ay islahaayeen waad ku dabi kartaan amaba waad uga dhaadhicin kartaan, ugu dambayntiina waxay galaafteen Arday badan oo jaamacadeed, layn sugaal, dad caafimaad loo keenay iyo waliba gabdho aad u da’yaraa oo inay caawiyaan loogu keenay qoysas ay qaraabo yihiin. Waayo kaliya waxay ku hanteen dadkaan quluubtooda ayaa ahayd, Inay usheegeen tilmaano aad uqurux badan oo mala awaal ah, waxay usheegeen inay wadada yurub lagu galaa tahay halaw/toos amaba dirito aan wax qudxaa lahayn si fududna ugaynaysa meeshay rabaan, balse maysan xusin habdhaqanka iyo dhibaatada ay lakulmi karaan gaar ahaana gabdhaheenu intay safarka kujiraan, mana usheegin silica saxaraha iyo Bahalnimada Badda  iwm.

Waanadii Shiikh Mursal

Hadaba waqti laga joogo hadda Sideed bilood kuna began Bishii Carafa 1435-tii ayay ahayd Markaan aniga iyo arday kale aan hoygiisa kusoo booqanay Shiikh Mursal Faarax Cali oo ah shiikh dad badan diinta baray(aflixiyay) walina diinta baristeeda kawada deegaanka ceelcad ee Gobol Wardheer, inkastoo hadda la iisheegay inuu u wareegay Bursaalax. Shiikhu xilligaas aanu soo booqanay waxuu kamid ahaa culumadii xajka usocotay si ay usoo gutaan xajkooda. Wuxuuna nasiiyay isbariidin kadib oo aan kala kulanay wacdi iyo waano meelo badan taabanaysay, si gaar ahna uga hadlaysay wadciga jira.
Mar uu tahriibka ka hadlayay sheekhu waxaa hadaladiisii kamid aha:
“Walaalayaal bal kawarama Hooyadii idin soo korisay Ilaa aad hana-qaad kanoqoteen, oo aan marnaba idiin Ogolayn in wax dhib ah idin soo gaaro, iskaba daayee wali idin garab taagan oo sugaysa intaad isku filnaansho  ka gaaraysaan oo aad usoo noqonaysaan idinkoo leh aqoon aad naftiina iyo nafteedaba ku anfaci Kartaan, miyay naga mudantahay inaan inagu u ogolaano wax ay dhib kala kulmi karto. Hadaba walaalayaal bal qiimeeya dareenkeeda hadii loo soo Sheego inaad Tahriibteen oo aad geeri iyo nolol udhaxaysaan?! Haqday! dhahdo kaliya markaas oo xataa laga Yaabo inay naftuba ka raacdo maxaad udhigteen?! Runtii waa mid iinaan kasoo waaqsan Karin Adduun iyo Aakhiraba!”
Waxay ahaayeen kalmado runtii saamayn wayn ku reebay quluubtayada, waxaana aniga iisii dheeraa in kalmadaasi mar labaad xasuustayda kusoo noqdeen kadib markaan la kulmay dhacdadaan xigta, taas ayaana igu kalidtay inaan bulshada lawadaago.

Hamda iyo Aayadeed

Bil kahor ayay ahayd markii anagoo shaah ka cabaynay Maqaayad kutaala Magaalada Addis Ababa oo ay lahayd gabar Soomaaliyeed, ay Maqaayadii soo gashay inan magaceeda laygu sheegay Caasha, kadibna gabadhii maqaayada lahayd ayay usheegtay inay usocoto si ay uga qayb gasho aaska islaan ay qaraabo ahaayeen oo dhimatay, kadib markay Caasha naga tagtay ayaan waydiiyay Gabadhii maqaayada lahayd islaantu waxay sababsatay iyo inay xanuusanayd, Jawaabtii gabadhuna waxay udhacday sidatan:
“Islaanta cambaro ayaa ladhahaa waxay in mudaaba kunoolayd magaalada Addis Ababa oo ay ka shaqaysan jirtay, waxay lahayd maqaayad cuntada iyo shaaha lagu kariyo, waxaana lashaqeen jiray gabdho jaariyadaa oo itoobiyaan ah. Marka waqti kadib ayay cambaro ku fikirtay inay ubaahantahay xilligaas waxii ka dambeeya inay hesho qof caawiya maadaama ay qof wayn oo da’ ah noqotay. Waxayna usoo cid dirsatay qoyskeedii iyadoo ka dalbatay in loosoo diro gabar lashaqaysa, kadibna waxaa loosoo diray Hamda oo odaygeedu dhalay. Waqti kooban markii ay Hamda lashaqaynaysay runtiina ay ku nasatay, ayaa waxaa helay Tashkiil xumayaashii, waa mukhalisiintii dadka waali jiray, waxayna laqaateen Xamda waqti badan si ay uga dhaadhacshaan inay tahriibto, ugu dambeentiina way ku guulaysteen, wayna tahriibtay. Islaantii cambaro waxaa kudhacay walwal badan kadib markay wayday inantii ay aayada u ahayd, dadaal badan ayayna ugashay si ay uhesho inanteedii, laakiin dadaalkeedii waxuu noqday “Hal Bacaad lagu lisay” maadaama aysan helin meel ay jaan iyo cirib toona dhigtay,  ugu dambayntii iyadoo walwalkuna kusii batay quusna kudhaw ayaa laga soo wacay Saxaraha Liibiya, waxaa lala hadalsiiyay inanteedii kadibna waxaa lagu wargaliyay ina lacag madax furashaa la baxsho hadii kale ay dili doonaan, waxaa gabadheeda haysta waa “Magafe” iyo jabhadiisii, lacagta loosheegay inay bixiso waa $3500 Saddex kun iyo shan boqol oo doolar, waxaa isaguna uharsan intaa liibiya lagaarin Manaxe waa Magafe labaad, Cambaro markii koobaad way faraxday maadaama ay maqashay inantii ay geeri iyo nolol kula’ayd codkeedii, misna waxaa kubilawday islahadal maadaama aysan garanayn meelay ka heli karto lacagta intaa leeg! Dadaal badan oo loo kufaa kacay kadib, qaylo gar dhawaysayee, qaaraan ayaa lagasoo aruuriyay dal iyo dibadba, Magafe iyo Manaxeba la dhaafsii, Baddiina lasaar, hadalkii udambeeyay ee Cambaro ay gabadheeda ka maqasho kahor intaysan Badda fuulin waxuu ahaa; Hooyo dhibkii dhamaa, markaan talyaaniga tagana anaa kusoo wacaya. Islaantii Cambaro way joogtay, oo joogtay wax soo wacana wayday, xataa waxay maqashay in kuwii kadambeeyay ay dadkoodii lasoo xiriireen. Muddo kadib ayaa saxaafadda lasoo galiyay magacyada Soomaali badan oo Baddu cuntay kadibna ay soo caarisay! Haddii la akhriyay magacyadiiba Xamda waa qofka labaad, isla markii cambaro loo sheegayba waxay gashay koomo! Maalmo kadibna way udhimatay iyadoon wali miyirsan!”
Hadaba akhristayaal kawarama dhacdadaan Saamaynta ay keentay intay leegtahay? Waxaan hubaa inay jiraan kuwo badan oo xataa ka saamayn badan laakiin aan laqorin!

Talo/Gunaanad



Tahriibku waa aafo qaraan, musiibo umadeed iyo mushkilad caalami ah, waana dilaaga da’yarta, hadana waa musiibo aan lagu baraargusanayn waxuuna kamid yahay ibtilooyinka tirada dhaafay ee dabar goynta Ba,an kuhaya da’yarteena. Dhanka kalena waa mid kamida musiibooyinga dalkeena iyo dadkeenaba asiibay ee faraha kulul ku hayay dhibaatooyin badana u horseeday 25-kii sano ee lasoo dhaafay.
Aayad quraanaa ahayd “Ilaahay qoom madooriyo, ilaa ay iyagu is dooriyaan” Sidaa darted Umadi haday danteeda garan waydo, nimcaduu Alle siiyana ku shugriyi waydo kadibna ay kibir iyo caasinimo ka qaado amaba latimaado, waxaa ku dhaca halaag, waxaa haleesha musiibo aysan garanayn meesha laga raacay, waatuu Ilaahay Swt lahaa “Hadaad ku shukridaan nimcadaan idin siiyay waan idiin kordhinayaa, hadaadse ku kufridaan oo garan waydaan amaba ku caasi garawdaan, Cadaabkaygu waa halis”
Hadaba walaaleyaal markaad eegto xaaladda manta dalkeenu ku suganyahay iyo dhibta umaddeena haysata, markaad qiimayso kumanaan soomaali ah oo xabsiyada dunida daafaheeda bilaa maxkamad iskaga xiran cid udoodaysa oo xaqooda raadinaysana aysan jirin, markaad iyana eegto umaddaan jahwareerku kudhacday ee kujirta geediga aan la furin iyo barakaca aan dhamaadka lahayn 25-tii sano ee lasoo dhaafay, misana jaleecdo kuwaan iyaguna mudada intaa leeg uu qorigu garabka usurnaa micna daradana isku laynayay, hadaad waydiisu ka wax dilaya sababta uu udilay walaalkiis garan maayo! Kan ladilayna sidoo kale, sidoo kalena dhibtay la kulmeen kuwii diba galay ee ay kamid yihiin: Dhaqan doorsi, inaysan awood ulayn tarbiyadda ubadkooda iyo in qaarkood lagaba qaatay ubadkoodii oo.
Miyaysan cadayn inay tahay halaag nagu dhacay oo aan galabsanay, waajibna ay tahay inaan Ilaahay swt unoqono?
Hadaba waxaa kula talinayaa bulshawaynta Soomaaliyeed inay ka kacaan hurdada oo ay Ilaahay Swt unoqdaan kadibna baryaan, waayo cid aan Ilaahay ahayn dhibtaan nagama saari karto.
Sidoo kale waxaan ku baaqayaa inaynu ka dhiidhino dhibaatadaan guud ahaan bulshadeena haysata, gaar ahaana da’yarteena.
F.G. Dhacdada Xamda iyo Aayadeed, way jirta in gabadh tahriibka ku dhimatay, Aayadeedna dhimatay kadib markii loosoo sheegay, balse sheekadaas inteeda kale waa mala awaal ka hadlaya dhacdooyinka ay lakulmaan tahriibayaashu, sidoo kalena Magacyada aan Isticmaalay maahan kuwoodii runta ahaa.

Qoraha sheekadaan: Cabdifitaax Xasan Cirguje

Tolow Yaa Furay?! Qaybtii 16aad.

                                                                                            W.Q. Cabdifataax Xassan Cirguje Waa She...