Woensdag 27 Augustus 2014

QIIMAHA WAQTIGA WAA QIIMAHA NOLOSHA


Hordhac
Waqtigu waxuu kamid yahay nimcooyinka dabiiciga ah oo ilaahay umadiisa ugu deeqay, balse in badan oo inaga mida aysan ogayn ama aragba muhiimaddiisa, Noloshu waxay ku tiirsantahay waayaha iyo waqtiga is bad badalaya oo maalinba waji cusub bay la kulantaa lana macaamishaa, hadaba waa inaan is waydiinaa su’aalahaan: Maxaad unooshahay? Maxaa ku sugaya adiga? Maxaad sugaysaa adigu?  Maxaad tabcatay aduun iyo aakhiraba? Maxaad hiigsanaysaa? Qof walba wuu ordayaa oo hami iyo himiluu hiigsanayaa, mid baa ukalahaya salaada oo cibaadidiisa ilaashanaya, mid baa shaqo ukalahaya oo lacag raadinaya, mid baa waxbarasho ukalahaya oo qalinka iyo buugu isu saaranyahay, mid baa intaasba isku wata oo mid walbana guul ka keena, hadaba intooduba waxay haystaan isku waqti oo majiro mid waqti dheeriya haysta.
Dhanka kale halka xubnahaas aan kor ku xusnay ay ordayaan oo midba meel u kalahayo ayagoo ka faa’idaysanaya waqtigooda, qaar baa ayagu hurda oo aad moodaa inuusan waqtiba ku socon, kuwaasoo kale waxay kudanbeeyaan shalayto iyo calaacal, waxayna mutaan in asaagood dhaafo oo yoolkiisa gaaro ayagoon wali baraarugin, laakiin xubnahaas qaarkood way isdaba qabataan  waqti kadib oo waxay unoqotaa cibro qaadasho, halka kuwa kale ay kudanbeeyaan inay asaagood shaxaadaan oo dadkuba naco, waayo soomaalibaa ka maah maahday arintaanoo tiri “Baryada badan, Bugtada badan iyo Baahida badanba waa la isku nacaa.
Qaar kamida Nimcooyinka Ilaahay baxsho
Nimcooyinka Ilaahay SW kaliya baxsho maahan wax qoraal mid iyo laba toona lagu soo koobi karo, laakiin qodabada aan halkan ku xusayo waa qaar kamida waxyaabaha ama fursadaha aan la iibsan Karin hadaadan ka faa’idaysan, laakiin uu Ilaahay SW oo kaliya uu baxsho, una baahan  ama adiga kaaga baahan oo kaliya dadaal badan si aad uga faa’idaysato markaad hesho, waxaana kamida:-
1.     Buug waad gadan kartaa.
                            Laakiin cilmi maya.
Cilmiga waa mid aynu ubaahanay laakiin isagu nooma baahna, waana midka hadaan helno aynu ku gaarayno farxad, guul iyo nolol raaxo leh aduun iyo aakhiraba, hadaba si aynu u helno cilmi waxay ubaahantahay dadaal badan iyo in waqtigu qiimo noo leeyahay oo aan ka faa’idaysano intaan haysano, sidoo kalena aan uhurno waqtiga si’aan uhelno cilmi na anfaca.
2.     Dhakhtar waad ku heli kartaa lacag.
                           Laakiin caafimaad maya.
Caafimaadku waxuu kamid yahay nimcooyinka ilaahay baxsho una baahan taxadar dheeri ah, waayo waxaa caafimaadka faa’idadiisa sheegi kara oo kaliya midka aan haysan ama xanuusan, maxaa yeelay hadaad xanuusato lacag kastoo aad haysatid caafimaad kuuma goyso adoo gurigaaga jooga ama shaqadaada kujira inaad soo gadato sidaad shaqadaada usii wadato, laakiin waa inaad hurtaa oo bixisaa lacag, sidoo kale waa inaad waqti u hurtaa oo shaqo kastoo aad haysid hakisaa, waana inaad diyaar utahay inaad jiifsato isbitaalka hadii laga maarmi waayo. Laakiin ma dhihi kartid shaqo muhiimaad iitaalee bartayda caafimaadku ha iigu yimaado anoon intaas midna hurin.
3.     Saacad waad gadan kartaa.
                            Laakiin waqti maya
Waqtigu waa muhiim waana lagama maarmaan inaad ilaashato kana faa’idaysato ilbiriqsi kastoo kusoo mara, waayo maahan mid kuusoo noqonaya hadii uu kudhaafo adoon ka faa’idaysan lacag kastoo aad kubixiso, laakiin waad gadan kartaa saacad si’aad ugu ilaashato waqtigagaaga.
Hadab shay yaashan aan la iibsan Karin micnaheedu maahan hadaanan lacag kuheli karin maba heli karo, laakiin jawaabtu waxay tahay waad heli kartaa oo kuwaan aad malaayiinta lacagtaa kugadato ayagaa ka qaalisan, sababtuna waxaa weeye kuwaas lacag baaba ka xigta oo kaliya laakiin kuwaan markaad fursad uhesho hadaadan ka faa’idaysan lacagta aduuyada taaloo idil hadii meel la isugu keeno kuheli maysid.
Si kooban: Qodobadaan aan kor ku xusay iyo kuwo kaloo badan oo aan kasoo gaabsaday “Waxaad ku heli kartaa lacag la,aan laakiin haday kudhaafaan lacag kasta hadaad ku raadiso kuma heli kartid” Taas Micnaheedu waxaa weeye waxay kaaga baahan yihiin, dadaal badan, taxadar iyo inaa ilaashato, sidoo kalena inaad uga faa’idaysato waqtiga ugu haboon si aad uga guul gaarto.
YAA FAHMI KARA MUHIIMADA WAQTIGA
1)    Si aad u ogaato qiimaha uu hal sana ku fadhiyo.
                   Waydii arday kudhacay imtixaankii uu ugu gudbi lahaa fasal kale.
Waa arday hal sano wax soo dhiganayay, ardaygaas waxaa looga baahan yahay dadaal dheer iyo akhris badan oo imtixaan kasta oo la hor keeno kaga gaashaanto ugana gudbo, si uusan raadkiisa dib ugu qaadin, asagiina uga harin. Waayo haduu kudhaco imtixaanka sanadlahaa waxuu lumiyay fursad qaali ah oo dhamayd halsano kana koobnay Laba iyo Toban Bilood, waxuu dib ugu noqonayaa ama ku harayaa fasalkuu halka sano soo fadhiyay, waxuu lafariisanayaa arday dadaashay oo uu hal sano ka horeeyay, waxuuna ka harayaa oo halkaas kaga tagaya ama kudhaafaya asagiisii ay waxbarashada isla bilaabeen oo waxa kala reebay waa dadaal. Hadaba ardaygaas ayaa fahmi kara qiimaha halsano uu ku fadhiyo.
2)    Si aad u ogaato qiimaha ay hal bil ku fadhido.
                                 Waydii hooyo dhashay ilmo aan sadkiisu dhamaan.
Hooyadu waxay ilmaha uurka kusidaa sida qaalibka ah ama badan mudo Sagaal bilood ah, inta ilmahaas uurka kujiro waxay ubaahantahay xanaanayn iyo in loo muujiyo taxadar badan iyo waliba in laga ilaaliyo wax kasta oo dhibaato ukeenaya uur jiifkaas, sida dagaalka, daawooyinka qaarkood oo waxay ubaahantahay markasta inay latashato dhakhtarkeeda ama umulisadeeda waa haday umulisadeedu tahay mid cilmi uleh, waayo hadaan laga ilaalin waxyeelooyinkaas aan kor ku xusay waxay u keeni karaan inuusan ilmuhu sadkiisa dhameesan, haduusan sadkiisa dhamaysanna maaha mid nolol ku imaanaya aduunyada. Hadaba kawaran hooyo dhashay ilmo sadkiisii ay uga harsantahay hal bil waxyeelo soo gaartay darteed, hooyadaas ayaa garanaysa qiimaha hal bil ay ku fadhido.

3)    Si aad u ogaato qiimaha uu hal todobaad ku fadhiyo.
                                      Waydii qoraaga joornaalka asbuuclaha ah qora.
Qoraaga soosaara joornaalka ama jaraa’idka tobaadlahaa, waxuu muujiyaa todobaad kasta dadaal dheer oo ku aadan, suu usoo saari lahaa todobaadka soo socda joornaal tayo leh oo bulshada qancin kara, waayo waxaa tartan kula jira qoraayaal kale oo ayaguna soo saara jaraa’ida, waxaana aalaaba lagu kala haraa oo bulshada ku kala xulataa amaba ku qiimaysaa qodobo ay kamid yihiin: runta ama sugnaanta, ilaha lagasoo xigtay, tayada iyo waliba Joogtaynta, hadaba koooxda sida joogtada ah usoo saarta bulsho badan ayaa ku xiranta oo kii tobaad lafilayay lawaayo halmar ayuu lumiyaa bulsho badan oo ku xirnayd. Hadaba hadii uu qoraaga joornaalka todobaadlaha ah soosaari jiray oo ay bulshada intooda badani ku xirnayd kuna xisaabtami jirtay oo xataa ayagoo ku sugayaa goobta lagu iibiyo inta badan lakeeni jiray, kawaran hadii todobaad uu dib udhac kuyimaado cilad kastoo haleeshayba, bulshadiina say utaagnayd goobtii lakeeni jiray saacado kadib loos heegay maanta inaan la keenayn? Bal bulshadaas dareenkooda ka sheekee? Saameen intee leeg ayayse kuyeelan lahayd qoraaga jaraa’id kaas? Qoraagaas ayaa garan kara qiimaha halka todobaad uu leeyahay.
4)    Si aad u ogaato qiimaha uu halka daqiiqa ku fadhiyo.
                       Waydii qof diyaaraduu ku qornaa ka kacday asagoon soogaarin.
Diyaaradaha iyo tareenadu waa ka duwan yihiin gaadiidka intiisa kale, waayo labadaan waxay ku xisaabtamaan waqtiga, waxaa laga yaabaa mararka qaarkood in diyaaradu ay ka rakaabsanayso ilaa Shan wadan oo kala duwan, shantaas wadanna ay uqorsheesantahay inay marto shan saacadood oo isku xiga oo mid walba saacdiisa leh, marka diyaaradu waxay garoomada caalamiga kadagtaa saacad qorheesan oo horey loo qorsheeyay, oo xataa way qorsheesantahay waqtiga ay ku sugnaanayso garoonka iyo waliba waqtigay ka duulaysaba, qorshaheedana kuma jiro waqtigii loogu talo galay rakaabka inay hal ilbiriqsi ku darto xataa hadii rakaabkii qaar maqanyahay, sababtuna waxay tahay waqtigay kudarto waxuu kajaranyahay rakaab kaloo sugayay, tareenaduna waa sidaasoo kale. Hadaba kawaran qof waqtigii uu diyaarada kuqorna ilaaway oo kubaraarugay ayadoo daqiiqado yar ka harsanyihiin, kadibna halkaas orod kasoo bilaabay asagoo markuu garoonkii soo galay isha kudhaftay diyaaradii oo wali fadhida, hase yeeshee markuu (checking-kii) amaba baaritaankii maray oo hal daqiiqo ay ka xigto inuu ku gaaro diyaarada uu waqtigii ka dhamaaday diyaaradiina kakacday, oo uu bilaabay inuu u gacan haadiyo sidii baabuurta oo kale,?! Qofkaas ayaa garan kara micnaha halka daqiiqo kufadhido.
5)    Si aad u ogaato qiimaha uu halka ilbiriqsi ku fadhiyo.
                                Waydii qof ka badbaaday shil noocuu doonaba ha ahaadee.
Baqdintu way noocya badan tahay qofkastana wuu baqaa, lagase yaabo in waxyaalaha lag baqo lagu kala duwan yahay, hadaba qofkasta waxuu leeyahay nooc kamida baqdinta, Soomaali baa ayadoo ka maahmaahaysa baqdinta dadka tiri “qof aan baqin waa loo baqaa”. Hadaan wax ka xuso noocyada baqdinta: Midi dadka waxay kagashaa cagaha, oo haduu baqaba waxuu bilaabaa orod, waxaana lasheegaa inay tahay tan ugu fiican,  oo waana ayada soomaalidu tiri “Naftu waxay kugu aamintaa orod”  meesha tan uu qofku ordayo waxaa jirta mid lid ku ah oo kasoo horjeedaa taas,  midaan waxay qofka kagashaa bawdyaha, oo qofku haduu baqo bawdyahaa gariira tilaabana ma rogi karo, hadaba kawaran inan ama wiil asagoo goynaya wado yar oo hal dhinac ah, uu ku yimid gaari aad uxawaareenaya, kadibna intuu baqdin gareeray dhaqaaqi kari waayay, ugu dambayntiina asagoo gaarigu kudhufan rabo laga badbaadiyay ilbiriqsigii ugu dambeeyay. Qofkaas ayaa garan kara qiimaha hal il biriqsi kufadhiyo.
Si kooban
Ø Shalay waa maalin qoran oo taariikhda gashay waxaad shaqaysatayba.
Ø Bari waxay noqon Ilaahay unbaa sheegi kara oo qorshe mala awaala mooyee xukunkeeda Allaa leh oo inagu ma ogin waxay noqon.
Ø Maanta waa maalin qaali ah oo qiimo badan noogu fadhida, waana hanti aan haysano inaan ka faa’idaysanana mudan, waayo haday mar qoraxdu dhacdo qiimahay lahayd way la tagtay.



XAL/GUNAANAD
Tusaale waxaa kuugu filan fursadahaad shalay haysanay manta ma haysano, bal dib ujaleec “Soomaaliya” waa dalka kaliya ee loo aqoonsaday amaba loogu yeero “Failed State” macnaheeduna yahay “Dal fashilmay” shalay waxuu ahaa wadan xor ah oo qiimo wayn kudhex leh bulshada caalamka, dadkiisana lagu tixgaliyo, maantana waad aragtaa markii dadkiisii iska qubay caanihii u xarfanayay waxa ku dhacay, bal eeg waxa haysta soomalida kubaylahsan daafaha dunida, dhamaan xeryaha qaxootiga caalamka dadka ugu badan waa Soomaali! oo waa laga helayaa wadankasta, waxaan layaabay markii lamaqlo amaba soomaalidu maqlaan: “qof soomaali ah oo qaxooti ah baa wadan hebel lagu dilay” halmar ayay muujiyaan siday uga xunyihiin iyo waliba dareenkooda, laakiin talada kumaysan darsan, inuu kan yahay mid kaliya ee ay u suurtawday in warkiisa lahelo. Kaaga sii daranee soomaalidu kama hadlaan, say uga xunyihiina ma muujiyaan, kumanaanka soomaalida ah ee wali kusugan dalkoodii kuna dhibaateesan, maydkooduna wadooyinka iska yaalo, waliba kuwaan dalka kusugan wali, waxaa saa ugalay waa soomaali kale!
Ugu dambeen soomaalay ka kaca hurdada oo aamina awoodiin, kana faa’idaysta waqtigaad maanta haysataan, waayo bari waxay noqon ma ogidin oo Ilaahay SW kaliyaa xugunkeeda og.
Hadaad awoodiina aamin taan oo aad gacmaha isqabsataan, iskuna calool fayoobaataan, oo aad iska saartaan cuqdada iyo is nacaybka, waxa dalka kadhacayna shaydaanka inta u nisbaysaan aad xalay dhalay kanoqotaan, maalin gudaheed baad dalka ku xasilin kartaan, dadkiinana wax ugu qaban kartaan, idinkoon cid kale wax cawimaad ah waydiisan.
Ha noqonina kuwo ka hadla dhibaatada kadib marka ay maqlaan in waxyeeladu soo gaarto bulshada, laakiin noqda kuwo kadhiidhiiya oo ka hortaga dhibaatada bulshadeena Soomaaliyeed kudhici karta markasta iyo waqtiyada soo socdaba adoo sii odorosaya, taasna waxa kaliya ee lagu heli karaa waa idinkoo aayahiina katashada, nadaamkii iyo kala dambayntii dalkana soo celiya.
Waa inaan ka faa’idaysanaa waqtigaan inuu nasoo maro mooyee aan soo noqodka lahayn intaan ka awoodno, Waana inaan uga faa’idaysanaa aakhiro iyo aduunba waayo labadooduba waan uga faa’idaysan karnaa hadaynaan is yeelyeelayn.
Waqtigu waa is gurayaa ee aan ka faa’idaysano lana tarntano wadamada horumaray, oo yaynaan noqon kuwo uu waqtigu kafaa’idaysto oo raadkooda dib uqaada.
Waxaa kusoo gaba gabeenayaa maqaalkaan aan uga hadlayay muhiimada waqtiga, tuduc ama meeris kujiray gabay uu lahaa Xaaji Aadan Afqalooc oo uu kaga hadlayay muhiimada waqtiga:-
Axmaqnimo waqti kaaga tagay                     oohin kugu reebyee
Aayatiin kudhaaftaana                                    waa waxaan la eegayne.
Wabilahi tawfiiq wasalaamu calaykum waraxmatulahi wabarakaatuhuu.
W/Q: Cabdifataax Xasan Cirguje

DHALAN ROGGA KUYIMID DHAQANKEENII SUUBANAA



    HORUDHAC
Soomaalidu waxay lahayd dhaqan suuban oo diinta Islaamka waafaqsan, oo markaad taariikhda dib uraacdid aadba oran kartid ayagaaba ka sharci wanaagsanaa dawladaha hormaray qaarkood shuruucda ay manta kudhaqmaan, hadii laqori lahaana way ka faa idaysan lahayeen caalamku.
Dhaqankii noocaas ahaa hada waxaad waxuun kamida kasii arkaysaa miyiga iyo magaalooyinka yar-yar oo aan maamulada ay hoostagaan inta badan saamayn kulahay ayaguse ismaamula.
           MAXAY AHAAN JIREEN SOOMAALIDU?
Soomaalidu xaga dhaqanka waxay ahaayen ummad wax wada cunta, wax wada cabta, wada ducaysata oo aan lahayn wax khilaaf ah oo kajiray qodobadaas aan kor ku xusay, sidoo kale soomaalida dhexdeeda in wax lawada cuno oo lawada cabo amaba cuntada lawadaago waxay u ahayd dhaqan suuban oo lagu yaqaanay, ayna ab iyo isir u lahaayeen, oo xataa qofka kaligii cunaha ah iyo kan kaligii ducaystaha ahba, waxaa loo bixin jiray magacyo bulshada looga takoorayay, sababtuna waxay ahayd inay ayaga iyo bulshada kaleba ogaadaan in dhaqankaan xunyahay, loona baahanyahay inaan dadka loo horseedin dhaqan aan keena ahayn oo laga soo minguuriyay dadyaw kaloo laga yaabo inaysanba diin haysan.
Dhanka xeerka dadka lagu kala saaro, sidoo kalena lagu xalliyo khilaafka iyo waliba xaaladaha murga oo la isku mari waayo, Soomaalidu waxay ka lahaayeen sida Wadanka Ingiriiska oo kale, sharci aan qornayn (Unwritten Constitution) laakiin odayaasha dhaqanka iyo isimo beeleedyadu ay xifdisanaayeen amaba dusha ka hayaan ilaa iyo maanta, waayo dalka ingiriisku waa dalka kaliya ee aan lahayn sharci qoran, oo sharcigoodu waa mid aan qornayn, Ilaa iyo hadana wali waxaa jira bulsho kudhaqanta oo haysta ayagu dhaqankeenii wanaagsanaa.
Hadaba isbadalka kuyimid xaga dhaqankii soomaalida maahan mid aan halkaan kusoo koobi karo, hase yeeshee waxaan ka xusayaa dhowr qodob oo muhiim ah, kuwaasoo aan is barbar dhigi doono siday ahaan jireen Soomaalidu iyo maanta meesha laga taaganyahay:-
1)    ALLA BARI
Haday dhibaato dhacdo sida: Abaar/jiilaal raagta, colaad, roob la,aan, iyo wax lamida Soomaalidu waxay ka lahayd dhaqan diinta waafaqsan, way isku soo bixi jireen wayna isbihin bihin jireen, ilayhay bayna baryi jireen, waxayna dhihi jireen ducee kooda ugu wayn ama ugu cilmiga iyo cibaadada badan maxaa yeelay Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “Ilaahayna lakala baryi og, hadalna lakala oran og” Ilaahayna waa ka aqbali jiray waayo Ilaahay SW waa tuu quraankiisa kulahaa: “Ibarya aan idin ajiibee”.

2)    XALINTA KHILAAFKA
Labo qof haday dirirto ayadoon jifo iyo deegaan midna loo eegin, baa wada jir loo xiri jiray  ama kan gardaran geed lagu toli jiray, oo waxaa laga dheehan karay qaabkay uwajahayeen xalinta khilaafka: Cadaalad, maamul wanaag, wada jir, midnimo, isjacayl iyo waliba kalsooni.
3)    QORSHAYNTA QOYSKA
Waxaa laga hortagi jiray inuu sifudud ku burburo reer ama qoys curdan ah oo dudada kusoo biiray, waana midaas mida keentay gabdhihii tobanka halaad iyo qoriga yaradka laga bixin jiray.
4)    DHALASHADA BISHA SOOMKA
Bisha barakaysan ee Ramadaan marka lafilayo si wada jir ah baa culimo iyo caamaba loo wada baadi goobi jiray, oo idaacad baa sheegtay iyo sacuudigaa laga arkay ma yeeli jirin ee ishaa macalin u ahayd bulshada Soomaaliyeed, waxayna camalkooda ku aadan baadi doonka bisha kusalayn jireen, sida uu dhigayo Xadiiskii Rasuulka scw ee lahaa “Aragti kusooma aragtina ku afura”.
5)    ILAALINTA DIINTA IYO DHAQANKA
Waxay bulshada Soomaaliyeed ku dhaganaayeen dhaqankooda mana ogolayn in labadalo, sidoo kalena waxay ahaayeen dad jecel diintooda, dhaqankooda, dalkooda iyo waliba dadkooda. Bal iskuday inaad umilicsato amaba dib udaawato booqashada Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya C/rashiid Cali Sharmaarke AUN uu ku tagay Washington caasimada dalka maraykanka ee uu lakulmayay madaxwaynihii wadankaas ee asna ladilay, kulankooda kadib meeshii ugu horeesay ee uu booqday waxay ahayd Masjid ay umada Islaamka ee wadankaas ku tukan jireen, kadibna waxuu booqday jaaliyada Soomaaliyeed ee wadankaas joogtay.
6)    DOORKA NABADOONADA
Waxii la isku khilaafo waxaa toos loogu tagi jiray cidii cilmi uleh, hadalkooda baana lagu wada qanci jiray, gaar ahaana waxaa loo gayn jiray odayaasha xeer beegtida ah, hadii odayaashaas gartooda lagu qanci waayo, waxuu ahaa marjica loo noqdo oo lagu wada kalsoonyahay xaqsoorkooda culimada axkaamta taqaana, mana jirin cid ayaga ka danbaysa oo la aadi jiray laakiin waa lagu wada qanci jiray waxay ku xaliyaan.
         
          SIKOOBA SOOMAALIDU WAXAY AHAAYEEN
Dad is jecel, israadsada oo midnimadda iyo isu keenida bulshada Soomaaliyeed ay muqadas ku wada ahayd.
Dad isku dan ah, cadawgoodu mid yahay waxaana cadaw u ahaa wax alaale iyo waxii  Soomaali cadaw ku ah, tusaalena waxaa kuugu filan Sayid Mohamed iyo ciidankiisii Daraawiish ee dhamaan deegaanada Soomaaliyeed kakala yimid ayagoon lahay asagu waa qabiilkee?.
Dad isku mawqif ah, laga soo bilaabo mandheera. Raas-kambooni, Raas-casayr ilaa Obokh (Djabuti).
Haday dhibaato timaado sida tan manta dalka haysata oo kale, waa la isku soo bixi jiray Ilaahay baana wada jir loo baryi jiray.
Dad jecel diintooda, dalkooda, dadkooda iyo dhaqankooda, oo aan ogolayn in wax laga badalo dhaqankooda suuban.
          MAXAA ISKA BADALAY?
Soomaalida danbe way doorsoontay oo wax badan baa iska badalay, waayo maanta lagama yaabo inaad  aragto Soomaalidii halka yool lahaydee isku mawqifka ahayd.
Ilaahay SW waxuu Quraankiisa ku yiri: “Ilaahay qoom ma badalo inay ayagu isbadalaan mooyee” Markii soomaalidu bilaabaysay isbadalka waxaa laga soo bilaabay:-

MAAN ANIGU DUCAYSTO!
Adeer ducada noo kala saar maxaa isugu kaaya daray “Hadaan kaligay ducaysto maxaa I helaya”
KUGU XIRANMAAYO SALAADA!
Iga leexo adeer salaad kugu xiran maayee bidcay baa tahayoo bisinkaad ka tagaysaa! ama waxay oran Suufi baa tahoo “Qulhuwallahu axad” baad nagu tujin.
 ANSHAXII CUNTADA OO LANASAKHAY!
Soomaalidii wax wada cuni jirtay, waxna wada cabi jirtay maanta majoogto, oo waxaa kudhacay isbadal wayn, wayna dhaqan doorsoomeen, hada waqtigii waa isbadalay, soomaalidana waxaaba udheer 24sano oo dawlad la,aan ah, bulshada Soomaaliyeedna maahan bulshadii wax wada cuni jirtay, hase yeeshee maanta qofkaan gaar ula jeesan waaba reer baadiye, oo waxaa hada saamayn wayn nagu yeeshay dhaqamadii reer galbeedka, qof walbabana gaar buu ula jeesanayaa cuntada, halkii la iska soo horjeesan jiray waqtigii hore.
DHAQANKII OO DOORSOOMAY!
Hadaan lahayn dhaqan suuban oo diinta waa faqsan sida:- Labiska, timaha, guurka, cuntada iwm, hada waxaa la isku raacay in soomaalida cid ka dhaqan badalmi og aysan jirin tusaale:- Haday jayna tagaan waaba Jaynees, haday Ameerika tagaan waaba ameerikaanka madaw ah, oo qolday utagaanba laga garan mayo. Wadamada caalamka qaarkod Waxaad ku arkaysaa umad aadan dhaqankoodaba ubogteen gabi ahaanba sida “cawaanta qaaqaawan” ee wadamada Afrika qaarkood jooga, hadana ku dhagan dhaqankooda oo aan ogolayn in wax laga badalo. Hase yeeshee Soomaalidii waxaa ku dhacay is badal dhankasta taabanaya sida qodobadaan hoos ku qoran:-

ALLE BARIGII OO LABADALAY!
Soomaalidii isugu soo bixi jirtay in ay Ilaahay baryaan, hada waxay isugu soo baxaan inay bini aadam daciif ah oo aan baahidooda haqab tiri Karin baryaan, waxaad arkaysaa Soomaali ay diif kamuuqato oo isku soo baxayoo leh “caalamka waxaan ka codsanaynaa inuu naga soo gaaro diifta nahaysata” waxaad sidoo kale arkaysaa hogaankii umada Soomaaliyeed oo asna leh “caalamka waxaan ka codsanaynaa inay naga caaiyaan amniga iyo dhaqaalaha” waxuu codsanyo in laga ilaaliyo waa soomaali kale oo maskax shisheeye saarantahay! Waxuu codsanayo asna waa maskax shisheeye! Kaaga daranayaa waxay baryayaan waa Makhluuq(Bini Aadam) daciif ah oo lamid, waxayna ilaaween oo maskaxdooda laga saaray inay baryaan oo gacmaha hoos dhigtaan, Allihii SW abuuray ayaga iyo kay baryayaanba.
WADANIYAD LA’AAN! (FAWDO)
Maanta markaad wadankeena Soomaaliya aad dib u jaleecdo waad qiiroonaysaa! waxa ka socda, tusaale ahaan kan qoriga wata waa Soomaali, kan maydka ah waa Soomaali, kan qaxaya waa Soomaali,waxaana faraha kabaxay kala danbaytii. Allow dalka noo hagaaji! Amen.
Markaad eegto dawladaha fara galinta ku haya dalkeena hooyo, inta badan waxa qoryaha wata oo dadka lanaya ayaga maahan laakiin waa maskaxdoodii, waxaana qori loo dhiibay oo dadka laynaya waa Soomaali kale ama waaba hebel oo waad garanaysaa.
 DHULKA II GOO!
Waxaa udambeesay walaale minihine dhulka intayda iigoo, oo aan noqono laba dawladoodoo daris ah, oo walaaltimo iyo iskaashi dhinacyo badan taabanaya uu kadhaxeeyo oo kaliya wax kale ha ila soo aadin okay.
Gunaanad
Hadaba Soomaalay say aniga ila tahay hadaan damiirkeena soo celino, caqligeena dib umidayno, maskaxdaa nalaka gumaystaayee aan iska xoreyno, sidaan hada nahay si maahee aan wax iska badalno, Ilaahayna waan ku gafnayee aan unoqono, xasiloonidii iyo kala danbayntii dalku way soo noqon Ilaahay amarkiis, calankaan dhulka yaala ee tol la-aantu kudhacdayna dib buu ubaban Ilaahay idamkiis, hooyooyinka tacsida kabixi la’na way nasan, qaxootiyada Soomaaliyeed ee caalamka kala joogana dib bay usoo noqon, hadaan anagu iswadanana cid noo kala sheekayn karta majirto, fara galin kasta oo nalaku hayana waxba naga qaadimayso.

Soomaalay aan Ilaahay unoqono hadii Alle idmo xal waan helaynaayee!!!!
W/Q: Cabdifataax Xasan Cirguje

Jahwareerka Soomaalida iyo Jiha La,aanta qabyaaladda.



Hordhac

Soomalidu waa dad halqoomiyad ah, isku luuqad kuhadla, dhaqan mid ahna leh, isku diina ah, hadana waaba wada suni. Waxay min Raas kaambooni ilaa Raas Casayr ilaa Obokh meel kastoo ay dagaanba lahaayeen dhaqan suuban oo diinta Islaamka waa faqsan, waxay ahaayeen dad diinta kudhaqma oo markastoo ay timaado arin la isleeyahay waxay horseedi kartaa colaad iyo cawaaqib xumo, waxay kukala bixi jireen kitaabka alle, waxay ahaayeen dad isjecel oo isu arkayay inay hal qabiil yihiin “waaba yihiinee” oo aan iskala qoqobin, dhib mid kamida soo gaarta waxay ahayd dhibaato loosiman yahay, hadase waxaad moodaa in arintaasi meesha ka baxday.

Xaga qabka waxaa lasheegay oo qoraayaa badanoo kamida dawladaha hormaray ka qoreen soomaalida, inay soomaalidu ahaayeen dad isla qab wayn oo aaminsan inay ka caqli badan yihiin inbadan oo kamida bulshooyinka kunool caalamka amaba dawladaha hormaray. Hadaan mid kamida idiin soo qabto: Qoraa reer ingiriis ah oo hada magaciisa aanan xasuusan, Soomaaliyana yimid xilligii gumaystayaasha reer yurub sahankoodu soo gaaray geeska Africa, oo asagu ahaa cilmi baare wax ka qorayay dhaqanka Soomaalida ayaa bug uu leeyahay kuqoray: Inuu saddex meelood oo soomaaliya ah uu wax ka qoray, waxayna kala ahaayeen gobolada koonfurta, Bariga iyo waqooyiga Soomaaliya. Waxuu sheegay in saddexdaas meelod uu mid kasta kusoo hoyday qoys reer miyi ah oo xoolo dhaqato ah, waxaa lasocday turjumaano soomaali ah, waxuu sidoo kale sheegay in reer kastaa uu sifiican umartiqaaday, dhanka kalena waxuu sheegay inuu mid kasta Biraha ama Gaawaha caanaha loogu keeno uu wax kureebayay, asagoo wax ka qorayay bal waxay ku sameeyaan caanaha uusoo reebay ee hanbada ah. Waxuu hadaba kudheeraaday mid kamid Saddexdaas meelood ee uu kusoo hoyday iyo reerkuu kusoo hoyday say ugaleen caanuhuu soo reebay, waxuu yiri: markay qaadeen birahaan caanaha kusoo reebay, markii koobaad way daadiyeen hambadaydii oo maysan cabin, markii labaadna ciid bayba kudhaqeen birihii aan caanaha ku cabay. Waan waydiiyay ayuu yiri waxa keenay inay biraha ciid kudhaqaan haba daadiyaan hambadayda haday rabaanee, waxayna iisheegeen inay kabaqayaan inaan cudur kudaaro, sidaa darteedna ay taxadar usamaynayaan! waxuu intaas kudaray inuusan filayn in dad Afrikaan ah oo saas ufakaraya ay xilligaas jireen.

Iskala qoqobka Soomalida

Hadaba soomalida maanta joogta maahan soomaalidii hore ee caafimaadka qabtay oo is jeclayd oo aan kor ku xusayee waa soomaali dabiib ubaahan, waxaa  kudhashay cudur aysan waligood ku fakarin kana digtoonaan, cudurkaas kahortag laguma samayn oo ka feejig la,aan buu kusoo galay soomaalida, lamana takoorin oo laguma xadidin meeshuu kasoo galay ee waxuu ahaa mid intaas ka xawaara dheer, sidoo kale lama daawayn intuu dalka ku cusbaa oo daawadiisaan lahelin, taas ayaana keentay inuu si fudud ugu fido dalkoo idil, ugu danbayntiina cudurkii caynkaas ahaa waxuu ugudbay ilaa lafaha oo soomaalidii waxay unoqotay bukaan jiif u itaal daran cudurkaas oo aan ilaa manta lahayn daawadiisa, hase yeeshee dadaal dheer baa loogu jiraa baadi goobkiisa qofkii soo helana Abaal marin baa lasiinayaa Hadii Alle Idmo.

Dhanka kale waxaa jira dad aan badnayn oo cudurkaas halista ah ka badbaaday hase yeeshee aan ayaga laftoodu caafimaad qabin: Dadkaas qaarkood waxaa kudhacay cudur jeclaysiiyay tastuurada ama shuruucda lagu saleeyay dhaqamada shisheeye waxaana laga indhasaabay xeer dhaqmeedkeenii suubaanaa ee aan ab iyo isir lahaynoo diinta waafaqsanaa, qaarkood waxay noqdeen raja gab oo maskaxdooda wayba kasaareen wax soomaali ladhaho, qaarna markay waayeen Soomaali soosocota ayay aayahooda utashadeen magaca soomaalina wayba ka xanaaqaan. Waxaa ayaguna jira qaar kabadbaaday cudurkaas, balse iyagana waxuu uyeelay Boog hadii ay isku dayaan inay dadka badbaadiyaan ay qasab tahay in la arko, kaaga siidaranoo dadkii bukay hadayba arkaan Boogtaas xanaaq bayba ladhacayaan oo naftiisuuba khatar ugalayaa haduusan faraha ka qaadin, kii Boogta lahaana hadii laga arko waxayba ku keenaysaa dhiikar iyo inuu ka niyad jabo hankii sare ee ahaa inuu dadkiisa badbaadiyo, Boogtaasna magaceeda waxaa ladhahaa Looma ooyaan! (0.5) ama Dadka laga tiroda badanyahay! inta soo hartay ee ayaguna ka badbaaday cudurkaas iyo waliba boogtaan, ayagana waxaa kudhacay jahwareeroo waxay waayeen cid lagarata waxay wadaan.

Hadaba Soomaalay cudurkaas dadkii qaarna ay lajiifaan, qaarna uyeelay boogta danqashada dhaw leh, aan idiin bayaamiyee waa QABIIL!!!! Waxuu Soomaalida lasoo maray heerar kala duwan, markii koobaad waxuu dalka kusoo galay tuhun loo qaaday dawladihii udambeeyay ee dalka kasoo taliyay ugu dambaytiina hadalhayntii qabyaaladu markay badatay waa tii dhalisay in ay dalkii kadilaaceen Mucaarado hubaysan oo ku dhisan hab qabiileed kuna heshiiyay oo kaliya inay dawlada dalka utalisa fashiliyaan, waxayna mucaaradadii hubaysnaa dalkii uhorseedeen, dawlad la’aan, qaran jab, bililiqo, dagaal beeleedyo aan dhamaad lahayn iyo barakac oo joogsi iyo jihatoona lahayn. Dhanka kale dawladii shaqaynaysay ee ay dadku eeganayeen markay qoonsadeen mucaaradadii dabadeedna ay rideen maysan keenin waxuun dawlad ah oo nadaamka iyo kala dambaynta dalka ilaalisa doorasho xor ahna dalka gaarsiiya, sababtuna waxay ahayd “Ilaahaw dawladaan kaligii taliskaa naga rid mooyee, Ilaahaw mid dhaanta noogu badal cid tiriba majirin.”

Mirihii Qabyaalada!

Sidaan horay kusoo sheegay waxaa dadaal dheer loogu jiraa sidii loo heli lahaa daawadii cudurkaan halista ah oo ay soomaali badan ilaa lafaha kasaaqay, Calaamadahiisa ilaa iyo Hadda aan aragnayna waxaa kamid ah:-

1)    Awoodii qabiilkoo la aaminay iyo awooddii qaranimada dalka oo wali maqan.

2)     Buufis bulshadeenii kala dhex galay oo kalsoonidii iyo isfahankii meesha kasaaray.

3)     xal uhilidii dalkoo adkaatay.

4)     iskudayadii xal uhelida dalka oo ugu dambayntii shaca kaqaaday in qabiil mooyee aysan maanta soomaali wax kale kuheshiin Karin.

F.G

1)    Lama oran doorasho xor oo loodhanyahay aan qabsano.

2)    Lama oran Kitaabka Alle aan unoqono asagaa qofkasta xaqiisa siinayee.

3)    Lama oran Geed hoostiis sidii dhaqanku ahaa aan isugu imaano.

4)    Lama oran Wadaniyad iyo dal jacayl aan kubadalno reerkayagu xil mahelin.

5)     sidoo kale  Lama oran ilaahay aan unoqono xal waan helaynaaye. laakiin waxaa la yiri “Xalku dalku waa Qabiil!”

 

 

 

Dawladihii Burburka iyo Doorkoodii

Hadaba dawladii burburka lasoo dhisay ayaa mid kasta waxuu lashir yimid wax uu kusheegay inay tahay daawadii ama xalkii masiibadaan umadii soomaaliyeed kuhabsatay oo cid kasamata bixisa ay waayeen, midkastana ugu horeyn soomaalidu aad bay u soodhawaynaysay uguna riyaaqaysay hadaladiisii wadaniyada leh, hase yeeshe mid walba waqti yar gudihiis baalagu arkayay inuuba kalkaalinayo cudurkuu lahaa daawadiisa anaa hayaa, oo hadalkiisa iyo ficilkiisuba isma lahan, sidoo kale mid kastaa waxuu markiiba bilaabayay inuu lasoo baxo waxuu ku qarinayay kalmadahii quruxda badnaa ee uu dadka soomaaliyeed ku khaldayay kuna soo jiidanayay, mid baa lahaa xalku waxuu kujiraa inaan gobol wax kuqaybsano waayo waa arinta kaliya oo ay soomaalidu isku raaci karto oo aan wax qabyaalad ah kusaabsanayn, saa waxaaba bilabanayay dagaalo hor leh oo kusaabsan deegaanka qabiilo badana madaxa iskula galeen.

Hadaba isku dayo badan kadib, wax marba wax lamaldahoo dadka loo keeno wax xal u eg hoosna qabyaalad cad lagu qarinayayba, ugu danbayntii fashilo badan kadib waxaa laga badin waayay in dadka runta loosheego oo waxii laqarinayay banaanka lasoo dhigo, waxaana ay ka fursan wayday in bulshadii soomaaliyeed ee la ogaa inay tuhun qabiil ay ka qabaan kurideen dawladoodii manta loosheego, in waxii hada kadanbeeya qaab dhismeedka dawlada lagu salayn doono qaab qabiili ah, sababtuna ay tahay bay dhaheen, in aysan jirin wax kaloo umada Soomaaliyeed la isugu keeni karo.

Kadaroo dibi dhal qof walba calyadiisii buu dib uliqay, waxaa sidoo kale bulshadii soomaaliyeed ee xalka doonaysay intaas loo raaciyay oo cudur horleh kunoqday, in qabiilada soomaaliyeed aysan isku xuquuq ahayn sababtuna waxay tahay baa layiri qaar waa nus ama badh xisaab ahaana (0.5) qaarna waa dhamaytiranyihiin, sidaa darteedna loo tixgalin doono arintaas. Umadii soomaaliyeed waxaa kudhacay niyad jab hor leh, waxayna gaareen quus ay aamineen in xalkii dalku uu ceel kudhacay, waxayna taasi keentay in qabiil walba asagu aayihiisa ka tashado oo uusan soomaali danbe warkeed dhagaysan, taasina waata dhalisay in dawlad goboleedyo badan soomaaliya looga dhawaaqay, calamo badana laga taagay dalkii lagu yaqaanay Calankii qiimaha Badnaa ee buluuga ahaa xidigta cadna dhexda kulahaa kababan jiray.

Xal/Gunaanad

Waxaan bulshada soomaaliyeed ee ku kala baylahsan daafaha dunida ugu baaqayaa qodobadaan hoos ku qoran oo aan xal u arkay:-

Aan marka koobaad unoqono ilaahay SW, dambi dhaafna waydiisano, kadibna aan barino Ilaahay SW inuu masiibadaan nagu habsatay naga dulqaado, waayo waynu dambaabnay sida kucad qawlka Ilaahay SW ee lahaa “Ilaahay qoom ma badalo inay ayagu isbadalaan mooyee” arintaasna xalkeedu waa Ilaahay SW oo loo noqdo dambi dhaafna lawaydiisto.

Aan isku tanaasulno oo danta bulshada aan kahormarino danaheena gaarkaa, inagoo eegayna dhibaatada iyo rafaadka dadkeena kuhaysata xeryaha qaxootiga ee daafaha dunida!

Ma sharaf bay noo tahay in dadkeenii qaar ay gaajo iyo haraad ugu dhamaadeen dacalada dunida oo aysan jirin cid umaqan samata bixintooda, qaar ay badaha kuhaftaan ayagoo kacararay colaada dalka kajirta, qaarkoodna ay maxkamad la,aan  xabsiyada caalamka isaga jiraan oo aan haysan cid xaqooda udoodaysa,  Inaguna aan wali qabiil qabiil isku laynayno.

 

Aan kudadaalno dal iyo dibadba saan usoo ceshan lahayn magacii, Maamuuskii iyo qiimihii aan dunida kulahayn  iyo waliba sidii calankaan tol la,aantu kudhacday uu dib uga baban lahaa dhamaan dacalada dunida.

Aan si wada jir ah uga fakarno sidaan udabar goyn lahayn masiibadaan “Qabyaalada” oo dhibaato mooyee aynaan dheefba kuhayn, inagoo dib ujaleecayna ama umilicsanayna waxay noo gaysatay iyo raadkay nagu reebtay.

Sidoo kalena dib u eegayna casharkay kabarteen wadamo badan oo Afrikaan ah sida: Ruwaandha, Laybeeriya iyo sidoo kale Siiraliyoon, oo ah dawlado dhamaantood tusaalo fiican aad kahelaysid waxay tahay qabyaaladu, balse dhamaantood dadaal dheer oo ay ugaleen iyo aragti wanaagsan oo ay aamineen inay kabixi karaan kadib ay ka guul gaareen.

Wax kasta waxay kabilawdaan aasaaska ee qof walbaw isku day inaad kasoo bilawdid qoyskiina, oo aad tustid sawirka runta ah oo ay leedahay qabyaaladu, hana rumaysan dadka wax xun sheega ah ee hanka yar hadaladooda, haka quusan raxmada Ilaahay oo yaysan kula noqon qabyaaladu waxaan xal lahayn,  waayo Ilaahayna SW waatuu quraankiisa kulahaa “Haka quusanina naxariista Ilaahay..

Ilaahaw Soomaali adaa umaqan ee Wadada xaqaa ee guushu kujirot tus!!

W/Q: Cabdifataax Xasan Cirguje.

Tolow Yaa Furay?! Qaybtii 16aad.

                                                                                            W.Q. Cabdifataax Xassan Cirguje Waa She...