Hordhac
Ciidanku waa mid kamid tiirarka ugu muhiimsan ee ay
dawladi ku taagan tahay, waxay kaalin lixaad leh ka qaataan horumarka qaran,
waxay sugaan amniga qaranka, waxayna difaacaan oo ilaaliyaan xuduudaha dalka, mudo
23sano oo burbur dalku soo maray sidoo kale waxuu burburku saamayn xoogan ku
yeeshay ciidankii Qaranka Soomaaliyeed, balse waxaa jiray tan iyo burburkii
dawladda ilaa manta dadaalo badan oo loogu jiro sidii dib loogu soo celin lahaa
awoodii ciidan ee dalka si dalku mar labaad cagihiisa isugu taago, kala
dambayntiina usoo noqoto, hase yeeshee wali ma muuqadaan wax kasoo naasa
cadaaday arintaas.
Saamayntii Burburka ee Ciidanka Qaranka
Ciidankii Soomaaliya ayaa lahaa amaba ka koobnaa
inta ciidan ka koobanyahay: Xooga Dalka Soomaliya “XDS” oo la aasaasay
1960-kii markii dalku xornimada qaatay, Ciidanka Asluubta oo la aasaasay 1970-kii toban kadib xoriyadii dalka
iyo ciidanka Booliiska
oo iyana la aasaasay 1943-dii todobiyo toban sano kahor intuusan dalku xornimadiisa ka
qaadan gumaystayaashii reer yurub iyo waliba ciidamo kaloo badan.
Hadaba Burburkii iyo dawlad la,aantii dalka
kuhabsatay waxay kaloo saamayn xoogan kuyeelatay Dhamaan hayadihii dawladda oo
ay kamid ahaayeen ciidamadii soomaaliyeed, waxay kureebtay amaba uga tagtay oo
ay kadhaxleen dhibaatooyin iyo dhaqamo fara badan oo ay adagtahay in siyar
maanta maskaxdooda looga tiro, hadaan qaar ka xuso dhibaatooyinkaas waxaa
kamida:-
Fowdo! Markuu meesha kabaxay sharcigii ama nidaamkii dadka
kala hagayay, waxay ciidankii soomaaliyeed ee hubka sitay waayeen Hogaamiye
kasoo dhexbaxa oo dhaha war dalka inagaa lahee Aan badbaadino oo danta bulshada
aan kashaqayno, waxayna taa badalkeed bilaabbeen inay u adeegaan dano
shaqsiyadeed maadaama uu meesha kabaxay sharcigii qaban lahaa. waxayna
ladagaalayeen shacabkii loo tababaray inay difaacaan, sidoo kale mararka qaarkood
waxaa la arkayay ayagoo laba garab isku laynayay shacabka dhexdiisa, ilaa
markii dambe caasimadii dalkuba isku badashay bahal galeen ay isku hardiyaan
maalin walba ciidamadii soomaaliyeed oo guruubo iska soo horjeeda isku badalay,
oo waaba ayaga waxa maatada qaxiyay.
Qabyaalad! Waxay kaloo ciidankii soomaaliyeed markay waayeen
amaba ay laaleen sharcigii dalka ee kala hagi jiray, isku badaleen ciidan
qabiileed, waxayna lakala safteen qabiiladoodii oo waxay ajiibeen dhawaaqii
qaran dumiska ee lahaa “Yaa reer hebeley, tol la,ayay” oo maalintaas waxaa
seegtay inay dalka Badbaadiyaan qarinamadii dalkana difaacaan!
Musuqmaasuq! Burburka dawladda dhexe waxaa raacay oo la burburay
dhamaan waxyaalihii aasaasiga u ahaa bulshada, sida dhaqaalihii dalka,
goobbihii caafimaadka, goobihii waxbbarashada iyo waliba daryeelkii ciidanka
qaranka. Ciidankiina mahelin cid kale oo garab istaagta, baahiyahooda haqab tirta
iyo cid daryeesha toona, maysan helin masruufkoodii amaba mushaarkoodii, Hadaba
ciidankii qaranku maysan marin wadadii ku haboonayd say xaqooda iyo xaqa
bulshaday masuulka ka ahaayeenba kusoo dhicin lahaayeen.
Balse taa badalkeed waxay bilaabeen amaba
kudhaqaaqeen wado ay u arkayeen inay tahay mida kaliya amaba sida kaliya ee ay
xaqooda ku heli karaan, taasna waxay dhalisay oo layimaadeen laguna arkay dhaqamo
aan horay looga baran, oo sharaftii ciidan meel uga dhacday, waxayna kula
kaceen shacabkii dhibaataysnaa ee hiilka uga baahnaa falal aysan ka filayn
marnaba sida: dhac, boob, dil iyo baad! Oo aan illaa manta oo dawlad joogto
xamar aan xal loo hayn.
FG. Ciidamadii soomaaliyeed ma wada noqon sidaan,
qaar baa isaga baxay markay arkeen in xaalku faraha kabaxay, qaarbaa
qoysaskooda la cararay oo ka samata bixiyay dhibaatada dalka ku habsatay, qaarna
waxay iska dageen dalal kale ayagoo ceeb ka carar ah, halka qaar kuhareen dalka,
kuwaan udambeeya waxay gacanta kudhigeen hubkii qaranka, waxayna u isticmaaleen
si khaldan, waana kuwaan udambeeya kuwaan kahadlayo. Hase yeshee dhamaantood ma
fayooba.
Dawladihii
Burburka iyo Kaalintoodii
Dawladii burburka maysan qaadin tilaabadii
kuhaboonayd ciidankii qaranka, waayo ciidanku waa tiirka ugu horeeya oo
haduusan jirin aysan dawlad shaqayn Karin. Hadaba sidaan kor ku xusay kadib
markay meesha ka baxday dawladii dhexe ee Soomaaliyee dalka u talinaysay
Labaatan iyo halka sano, ayna dumiyeen mucaaradadii hubaysnaayee kasoo horjeestay
xukumadii militariga ahaa ee dalka, waxaa dhacay isku dayo badan oo lagu
doonayay in ciidamadii soomaali a dib loogu hawlgaliyo hase yeeshee laguma
guulaysan, maxaayeelay waxaan loomarin wadadii ku haboonayd, ciidamada ayaa
inta aan dib loo howlgalin waxaa jira tilaabooyin ay muhiim tahay in loomaro si
hanaankii iyo haybadii ciidan ee dalku usoo noqoto.
Markii ugu horeesay ee hanaankii ciidan dalka laga dareemay
burburkii kadib ayaa waxay ahayd xilligii Madaxwayne Sh.Shariif, gaar ahaana
xukuumadihii is xigay ee ay kala Hogaaminayeen Farmaajo iyo gaas.
Xukuumaddii farmaajo ayaa markii ugu horeesay fulisay qodob kamid ah
qodobadii uu ciidanku tabayay, waxayna ahayd: waxuu meesha ka saaray baahiyihii
aasaasiga ahaa ee ciidanka, oo ay ugu horeeyeen mushaaraadkoodii iyo
daryeelkoodii, asagoo halkaas qodob kaliya ka fuliyayna waxaa laga dareemay
dalkoo idil, waayo waxaa soo noqday hanaankii ciidan, waxaa yaraaday
musuqmaasuqii ciidan, waxaa kaloo yaraaday falalka amni darro ee kadhanka ahaa
dawladda, waxay dawladii kuguulaysatay gacan kuhayntii qoybo kamida caasimada
oo ay nabad diidku maamulayeen waxaana kalsooni helay xoogii dalka.
Xukuumadii gaas waxay iyana kasii ambaqaaday halkaas, Ciidankii
qarankana sidii farmaajo si lamida ayuu udaryeelayay mushaarkoodana usiinayay,
taasina waxay keentay in kalsoonidii ciidanku sii badato, iskaba daayee waxay
markaan yeesheen hiigsi waxayna kudhiiradeen xoraynta dalka. Waxay si buuxda
gacanta ugu dhigeen kana xoreeyeen nabad diidkii Caasimadii Qaranka oo waxay
hayadihii dawladdu heleen fursad ay ku shaqeeyaa, waxay sidoo kale gacanta
dawladda soo galiyeen qaybo kamida goboladii dalka, taasna waa ta keentay in
doorasho xor ah dalka kadhacdo 45 sano
kadib, ayna kasoo qayb galeen ergooyin badan oo ka kala yimid dacalada
dunida.
Dawladda Hada talada haysa ee Madaxwayne Xasan
Sh.Maxamud oo ah dawladii loogu
hanka waynaa maadaama ay kumeel gaarkii ka baxday ayaa waxay noqotay “Lamood
noqonse waa” waayo waxay umada Soomaaliyeed ka sugaysay horusocod waxayse noqotay
dib usocod. Maxaa yeelay, waxuu xilkii kaqaaday saraakiishii Ciidanka Qaranka
ugu sareeyay ee lasoo qabsaday xeeladii dagaal ee nabad diidka waxuuna
kubadalay kuwo cusub oo ubaahan waqti si ay ulaqabsadaan dagaalku noocuu yahay,
waxuu xilka kaqaaday taliyii nabad sugida, waxuuna eryay oo shaqadii ka
fariisiya boqolaal kamid ciidankii xoreeyay caasimada. Seeftaa uu ladhex galay
hay’addii amniga qaranka & difaacaba waxay dhaliyeen, kow inay Xoogii dalku
niyad jabaanb, labo inay nabadiidku hurdada ka kacaan, saddex in caasimadii
lagu doortay ayadoo habayn ah
amni darteed lagu soo weeraray
madaxtooyada maalin cad amni
xumo awgeed.
F.G. Dawladihii caydiid iyo cali mahadi
waxay waayeen taageeradii shacabka,
dawladii c/qasina waxay wayday
taageeradii dibada, dawladdii C/laahina waxay
kudhamaysatay waqtigeedii dagaal.
KAALINTA DAWLADDA TALADA HAYSA EE KU AADAN CIIDAN.
Waxaa dhagaystaa idaacadaha, waxaan daawadaa
TV-yada, waxaan akhriyaa joornaalada iyo waliba wabseedyada, waxaan waayay cid
ka hadlaysa kaalinta Ciidanka qaranka ee ku aadan xasilinta dalka, waxaan
lasoconaa in ciidamada nabad ilaalintu wadaan qorshe ladoonayo in lagu tirtiro
nabad diidka, hase yeeshee waxaa marar badan iswaydiiyaa maxaa xigi doona?
Hadaba su,aashu waxay tahay, Dawladda maxaa uga qorsheesan arintaas? Ma Amisom
baa dalka difaacin waligeed? Miyaysan haboonayn in dawladdu qorshe kaleedahay
arintaas una diyaar garawdo? Ugu dambayn Waxaan waayay cid ka hadlaysa
daryeelka ciidankii soomaaliyeed iyo walibba dib usoo noolayntoodaba oo ah qodob
ubaahan in lagu baraarugsanaado, waayo qodobkaas la’aantii waxii laqabtaa waa
gacmo daalis.
Dhanka kale Taariikhdu markay ahayd 14/Feb/2014 ayaan waxaan lakulanay
& suxufi kale ergaygii Amisom uqaabilsanaa arimaha Soomaaliya Maxamad
Saalax Alnadiifi, waxaana kamid ahayd su,aalahaan waydiiyay su’aal aan in
badan jawaab u la’aa, hase yeeshe kama uusan jawaabin ee waa uu ka galgashay,
galgalashadiisaase jawaab ii noqotay, waxayna udhacday sidaan:-
Aniga: Mudane waad noo sheegtay
qorshaha cusub ee Amisom ay kaga cirib tirayso
nabadiidka dhamaan gobolada dalka Soomaaliya, hadaad kuguulaysataana waxaa
lagama maarmaan ah inaad heshaan ciidan soomaaliyeed oo idin kala wareega
dhamaan goobahaas. Hadaba maxaa idiinka qorshaysan arintaas, mase jiraan ciidan
ay dawladdu uqorsheesay oo aad ku wareejin doontaan goobbahaa kadib markaad
xoraysaan?
Alnadiifi: Dhamaan dagaaladaas aan la galayno nabadiidka waxaa
hormuud noo noqonaya ciidanka XDS ayagaana na hogaaminaya, teeda kale ciidanka
soomaaliya kaalintooda ayay ka ciyaarayaan dagaalkaan kula jirno nabadiidka.
F.G. Soo hadaba hadalku maahan ciidanka Soomaaliya
“Cidna uma maqna ceelna uma qodna”
Xal/Gunaanad
Waxaan Dawladda Soomaaliya iyo Cid walboo danaynaysa
xasilinta dalka usheegayaa in Soomaaliya cid aan soomaali ahayn aysan waxba ka
qaban Karin, Maraykanba barquu kabaxay Xamar. dhamaan hayadaha dawligaana
shaqadooduna waxay ku xirantahay amniga oo haduusan amni jirin wax shaqaynaya
majirayaan:
Waxaan hadaba kutalin
laha qodobadaan soo socda:
DAWLADDA
Ciidankii hore: In Dawaladu u sameeyo dhaqan celin, sidoo
kalena siiso tababar ay kula jaan qaadin karaan waqtiga cusub.
Ciidan cusub: In Dawladu qorto oo diiwaan galiso
sidoo kalena tababar ufidiso ciidan cusub oo akhlaaqdoodu dhisantahay, dhanka
kalena wax ka yaqaana waxbarashada aasaasigaa.
Dawladdu waa inay dhamaystirtaa qaanuunka ciidanka
qaranka lagu maamulayo, sidoo kalena waa in dawladdu ay lasocon kartaa
dhaqdhaqooda iyo waliba habdhaqankooda bulshada.
Dawladdu inay awoodeeda isugu gayso dhisida
ciidamadii qaranka soomaliya sida: Booliiska, nabad sugidda iyo ciidankii
difaaca qaranka. Sidoo kalena ay lacagta ugu badan ku qarash garayso dhisidooda,
tababarkooda, qalabayntooda iyo waliba daboolida baahiyahooda aasaasigaa.
In ciidamada soomaaliya lasiiyo qalab dhamaystiran,
loona qalabeeyo si kadaran sida ay uqalabaysan yihiin ciidamada nabbad
ilaalintaa waayo ayagaa joogta ah dalkana u haraya. Sidoo kale ciidamada
Soomaaliya waa in lasiiyaa mushaar ugu yaraan udhigma kan ciidamada nabad
Ilaalintaa oo kale si ay u helaan kalsooni buuxda oo ay ku hanan karaan
xasiloonida dalka kuna aaminaan awoodooda.
In lawanaajiyo daryeelka ciidamada sida: hoygooda,
caafimaadkooda, mooraalkooda, iyo cuntadoodaba.
Sidoo kale waa inay masuuliyad gooniya iska saarto
dawladu, reeraha ciidamada qaranka, kuwa nool ee dagaalka kujira iyo kuwo
dhintayba, waayo hadii askariga jiida fadhiya ay jirto xaalad haysata reerkiisa
mahelayo moral uu ku dagaalamo kuna difaaco qaranka.
Dawladdu waa inaysan ilaawin ciidanka kudhaawacmay
difaaca qaranka oo waa inay daryeesho, waayo waxay mooraal utahay oo niyadda
udhista ciidanka kale ee xabadda kujira.
Ugu dambbayn waxaan hadalka uga baxay, soomaalay aan
isku tashano, xalku waxuu kujiraa gacmaheena ee aan raadsano Ilaahayna sw talo
saarano oo aan unoqono waxaa nahaysta dambigaan ka galnayee, sidoo kale aan
garab istaagno dib udhiska ciidanka qaranka Soomaaliyeed, shacab iyo dawladba.
Ilaahaw na cafi oo adaa Soomaali Umaqanee Tus wadada
Xaqaa!!!!
W/Q:Cabdifataax Xasan Cirguje
Geen opmerkings nie:
Plaas 'n opmerking
Waad kumahadsantahay Inaad soo booqato Baloogayga