Donderdag 22 Oktober 2015

Doorka dhalinta iyo Dib u dhiska Dalka


Cabdifataax Xassan Cirguje
Dhalinyartu waa mid ka mid ah tiirarka ay bulsho ku tiirsan tahay, waana halka laga qiimeeyo marka la eegayo jiritaanka umadeed, sidoo kale marka wadan la saadaalinayo suu noqon karo mustaqbalkiisu, waxaa laga eegaa dhalinyartiisa heerka aqooneed, dhaqankooda, hab dhaqankooda bulshooyinka kale, himiladoodu intay gaarsiisan tahay iyo heerka feejignaantooda.
Sidoo kale dhalinyartu waa difaaca qaran walba looga baqo, waana mid qori ku difaaca, mid qowl ku difaaca iyo mid qalin ku difaaca. kan askarigaa furintuu joogaa oo dig buu ka dhahaa hadba bahalada kusoo qamaama, kan aqoonyahankaana hadba xaaladu say tahay buu qalin ku bayaanshaa, isagoo tilmaan ka bixinaya hadba meesha dabinku yaal iyo qaabka looga fashilin karo aragtidiisa, kaan labadaas ahayna qowl buu cuskadaa, dhawaaqana ma daayo ilaa dhulku xasilo.
Hada hadaad eegto dhalinteena, waxaa moodaa in xaalku noqday “juuqla jaaqla” oo waxaaba la kala garan layahay. Maxaa inoo dan ah maxaase inoo daran? Ceelku ma nabad baa mise nabaraa nagu yaal? Mise wali la ismaba gaarin, ee xaalku waa sheekadii laga sheegay ninkii fulayga ahaa ee markuu ninka tuugu maryaha ka furtay ee buumaaha lamarayay marwadiisa ku yiri “sug buumaha ha igala baxee anaa wax la maaganee” ileen wax kale ma harinee.
Hadaba aaway dhalinyartii soomaaliyeed? Mudadii dhowr iyo labaatankii sano ee burburka lagu jiray maxay ahayd kaalintoodii ay ka gaysteen samata bixinta bulshadooda? Waxaan qiyaasayaa in jawaabtu iska cadahay, dhalinyartii wax noqdeen kuwo tahriibay oo wadanka iskaga qaxay, kuwa qorsheenaya inay kadaba tagaan,  kuwa maqane jooga ah oo koomo wax u eg isaga jira, kuwo iska xamaasha oo danba ka lahayn waxa dalka ka socda(Ismalurayaal) oo hadal uu kaga haray “Dalka waa lahaystaa” aanse iswaydiinayn maxaa xal ah marka? iyo kuwo had iyo goor ku Dhaka faaray waxa dalkooda ka socda hase yeeshee garanayn qaabkii looga bixi lahaa wax laggartana waayay.
Waxaase ugu badan inta socdaalkaa ee dalkaba ka socoto, waxaa la yaab leh inay waayadaan danbe ku biireen intii qalinka wadatay iyo intuu jeebku ubuurnaa, soo marka ma cadda in lawada socdo oo wadada lawada qaaday, marka yuu weheshan dalkaan haduu jiilkuu weheshan lahaa ilaaween oo ka qulquleen xilli uu aad ugu baahanyahay, soo cadawgu markaan cidla ka heli maayo, way socotaa dhalintii oo waa mid tagiyo mid daba socda oo qalbi ka dhoofsan, wadamada dariskaa goobaha Soomaalidu isugu timaado hadaa tagto sheekada lagu hayaa waa Dhoof iyo Tahriib, waxaana hormuud ka ah waa dhalintii gaar ahaan ardaydii jaamacadaha dhiganayay ama dhameysey.
Mararka qaarkood waxaan iswaydiiyaa, walaalayaalaw dalkaan dadkii lahaa ka socdo yaa loogu talo galay? Saa waxaa iisoo baxda jawaab oranaysa: Waa aduunyo gadoonoo malaha duul kalaa soo daba maraya. Misna waxaan iswaydiiyaa: Duul dhalintiisii tahay tahriibeen yaa umiciina, yaa dalkaan dib uxorayn doona oo dowladnimaduu bari ahaa dib ugu soo celin, yaa u halgamin suu dhibta uga saaro, yaa dadkiisa baraarujiya oo wax fahamsiin? Saa waxaan isku qanciyaa iska sug goor dhaw way baraaruguyee, waxaa la gaaray waqtigay wax fahmi lahaayeenee, hadana ma arko saan saantood, walise waan sugayaa.
Maxaa keenay in dhalintu ka baqoosho dalka? Waxaa keenay sababo badan: waxaa kow ka ah dhalintii oon garanayn masuuliyada dalka ka saran, kan ugu roon baa mararka qaar idaaha ka dhaha war dalka xal haloo raadsho isna shaqadiisuu iska wataa, isagoo tilaabo qaadi mayo ciduu ka sugayana garan mayo. Waxaa kaloo keenay siyaasadii dalka oo qurba jog ugacan gashay iyo qolyo caruurtoodii fogaystay, iyadoo aqoonyahanadii dalka ku harayna tixgalin lasiin waayay, taasina waxay keentay in qofkii han siyaasadeed galaba dibada qabto si uu qurba joog unoqdo dabadeedna halkaa siyaasadda ugasoo galo.
Layaab! dadka qaar baa ku oran dhalintii dibadaha ku kortay aragtiyo cusub(New Ideology) bay soo kordhiyeen, oo mid walba dalkuu ka yimid buu tusaale walboo wanaagsan usoo qaadan xataa askartii, kawaran hadaan arkay kuwo dalka jooga oo aragtidoodii la badalay? Waxaan la kulmay dhalinyaro: waxay ku oran “nolol mahaysano oo waxaa nahay mayd soconaya(Walking dead), dal kale ma aadi karno oo dal kugalkeena(Passport) lama aqoonsana, aragtideenu waa argagax oo dunida kale markaan tagno waxaan dareenaa feejignaan nala ka qabo oo la is leeyahay goormuu talow qarxin!” Marka maxaa ka wanaagsan inaan wadamada dariskaa ku kala biirno aan nolol helnee?! Waa dhalintii, waa kuwa uu dalku dhankooda ka dheeliyay, waa kuwaan is lahaa dalka ha samata bixiyaan. Is maysan waydiin see uga baxnaa waan ka bixi karnaayee, balse taa badalkeed way is dhiibeen!
Xal/Gunaanad
Xaalka hada dalku ku jiro maahan mid indhaha laga qarsan karo, mana ahan mid lagu dhawran karo balse waa mid mudan in laga dhiidhiyo, ka dhalinyaro ahaan waxaa inoo yaala halgan adag oo ujeedkiisu yahay samata bixinta dalka iyo dadkeena duruuftu ka muuqato.
Waxaa lagaaray waqtigaad hurdada ka kici lahaydeen dhalinyaro, oo uu ka gudaha joogaana ka dhiidhiyi lahaa waxa socda, kan dibadda jiraana ogaan lahaa runta dibna ugu soo noqon lahaa dalka, suu uga qaybqaato halganka dib uxoraynta dalka, isagoo khibradiisa iyo aqoontiisa ku biirinaya.
Waxaa lagaaray waqtigaad aamini lahaydeen awoodiina, midayn lahaydeen maankiina iyo muruqiina, buuxin lahaydeen kaalintiina banaan sanadaha badan, kana dhiidhin lahaydeen dhibaatada ku habsatay dalkiina iyo dadkiina.
Waxaa la gaaray waqtigaad dhihi lahaydeen waxaan idiin qalmin, dalkana ku haboonayn “May magaynaa lagaa yiri” ee ii naanan isha ka gulucsiin.
Waxaan ugu baaqayaa dhalinyarta Soomaaliyeed daljoog iyo dibad jooba(Qurba joog iyo Qaran lajoogba) inaan bilawdaan ololaha midaynta xoogeena isagoo qof walba ka bilaabayo gurigiisa, magaaladuu joogo iyo dalkuu ku nool yahoo idil si ay ufududaato inaan iska kaashano samata bixinta dadkeenu. Waxaa lagaaray waqtigii hogaanka dalkuna fahmi lahaa muhiimada kaalinta dhalinyarada ee maqan.
Waxaan hadalka uga baxayaa: Dhalinyaro dalka aynu uga xisaabtano siduu Kontomeeyadii xaalkiisu ahaa, halgankii waqtigaa lagu jiray mid ka adagna aan galno, hadaad isleedihiin howshu waa ka fududahay waqtigii xoriyad doonka oo hada dal la aqoonyahay baa nahay, anigu waxaan isleeyahay tan maanta taagan baa ka daran, waayo aawal muruqaa nalaka haystay, markaan maankeenii midaynay oo wada jir uga dhiidhiinayna waan xorownay, maantase maankaa nalaka qabsaday, muruqeeniina waa lakala qaybshay.
FG: Ogaada dalkaan xoriyadiisii hore waxaa halgan dheer iyo dhiig badan kadib soo dhiciyay oo Alle SW ku guuleeyay waxay ahaayeen dhalinyaro, hadana waxuu sugayaa waa idinka. Hadaad ka seexataanna dulli kamabaxaysaan iyo inaad dalkiina marti ku ahaataan, hadaad ka dhiidhidaana Alle SW wuu idinku garab siin, nolol farxad leh baadna ku noolaan doontaa Ilaahay SW idankiis. Waxaadna ogaan doontaan inii naan baahi danbe uqabin dal shisheeye.
Allow dalkoo nabada, dadkoo isjecel iyo dawlad caadil ah.
W.Q. Abdifataax Xassan Cirguje
+252617798439  

Tolow Yaa Furay?! Qaybtii 16aad.

                                                                                            W.Q. Cabdifataax Xassan Cirguje Waa She...