CABDIFATAAX XASAN CIRGUJE
Hordhac
Bulshada soomaaliyeed waxay soomareen waqtiyo aad u adag oo
waayahooda lahaa, waxaa laga joogaa 24 sano markay jabhadihii mucaaradka ahaa
ee yoolkoodu koobnaa, ay qori caaradii ku fashiliyeen xukuumadii militariga
ahayd ee Madaxwayne Mohamed Siyaad Barre, sidoo kale xilligaas jabhadu kahor
intaysan dagaalka bilaabin waxay bulshada Soomaaliyeed inteeda badan ku
qanciyeen in Siyaad Barre yahay kaligii talis aan dhib mooyee wax dheef ah
uhaynin dalka iyo dadkaba, sidaa darteedna uu mudan yahay in la iska hor
dhaqaajiyo si hormar loogaaro, balse jabhadihii Mucaaradka ahaa inay hogaankii
dalka fashiliyeen marka laga tago kumaysan guulaysan inay badalkiis keenaan
amaba iska dhexdoortaan hogaamiye umada soomaaliyeed guul horseeda, isku
duubnidoodana ilaaliya, dalkana kusoo celiya xasiloonidii iyo kala dambayntii.
Dhacdadaasi waxay Soomaaliya uhorseeday: dagaalo sokeeye oo aan
dhamaad lahayn, barakac aan jid iyo jihatoona lahayn, qax aan qiil loohayn, mijo
aan madax lahayn oo jihadii kaluntay, xabad aan cidna reebayn iyo qalalaase
siyaasadeesan oo wali socda hadana madaxa lagalay sanadii 24aad. Dhanka kale
waxay soomaalidu isugu timid amaba la isugu keenay shiarar badan oo dib
uheshiisiineedoo caalami ah, walina waxaa muuqata inaan xal laga gaarin
masiibadaan dalka lahartay.
Soomaalida Maanta
Hadaba kadib burburkii dawladda soomaaliya iyo musiibadii dadkeena
asiibtay waxay bulshada Soomaaliyeed kadhaxleen dhibaatooyin badan, oo inay sii
kordhaan mooyee aan wax kasoo rayn ahi wali muuqan. Marka maadama ay soo
dhawdahay doorashadii dalku, cidda wax loo qabanayaana tahay bulshadaan daalka
iyo diiftu kamuuqato, waxaan rabaa inaan sawir yar kabixiyo xaaladda ay ku
suganyihiin ummada Soomaaliyeed ee maanta joogta, wax uqabadkana u ooman maxaa
yeelaya markii boogta lahelo ayaa la daweeyaa, hadaba bulshadda Soomaaliyeed ee
maanta jirta waa sidaan:-Rajo kunool aan cidi umaqnayn:
Waxay usoo joogeen dhibaatooyin badan, dagaalo aan waxba reebayn,
gaajo iyo haraad lagu qur baxay, dadka oo naxariistii ka dhamaatoon isku turayn
oo dabka la isugu dhiibay, dadkaan qaarkood waa isaga qaxeen dalka, waxayna ka
doorbideen inay qaxooti amaba magan ku ahaadaan dalalka shisheeye, qaarna waxay
ku hareen dalkii oo wali ay ku suganyihiin, waxa kaliya oo ay wehshadaan
dhamaantood maanta waa rajo, waxayna naftooda usheegaan markasta in dhibtaan
laga baxayo, dowlad dadka u cadaalad samaysana ay heli, sharafkii, maamuuskii
iyo magacii ay dunida kulahaayeena soo noqon, balse taas wali uma
romoobin, walina isma dhiibin ee way aaminsanyihiin riyadooda, wayna sugayaan waqtigay ahaataba! Hadaba su’aashu waxay tahay;-
romoobin, walina isma dhiibin ee way aaminsanyihiin riyadooda, wayna sugayaan waqtigay ahaataba! Hadaba su’aashu waxay tahay;-
Goormay rajadoodu u rumoobi? Qaabkee bayse ugu rumoobi kartaa?
Yaase umaqan oo laga rabaa inuu ku hogaamiyo bulshada wadada guusha?
Maquustayaal aan talo hayn:
Waa taan
tuducda hore kusheegay ummadeenu inay Rajo kunool yihiin, hase yeeshee hadana
waa Maquustayaal aan talo hayn, waayo qofku markuu xanuusado, ugu horeyn waxuu
iswaydiiyaa: maxaa kuhelay? xageese lagaa hayaa? Waxuu ka fakaraa oo naftiisa
waydiiyaa meeshuu xanuunkaan kasoo qaaday iyo waxa sababay, kadib markuu helo
ayuu daawayntiisa guda galaa, Hadaba umadda Soomaaliyeed marka laga tago inay
rajo qabaan, ma maraan wadaday riyadoodu ugu rumoobi lahayd amaba xal ugu heli
lahaayeen “Aaafadaan ku 24 jirsatay” wali isma waydiin, xagee lagaa raacay?
Maxaan ku mutaystay ciqaabta intaa leeg? Waayo su’aalahaas oo aan jawaab
loohelin, daawadeedu way adkaanaysaa! Hadaba iswaydiintu waxay tahay:-
Goormay tashan oo iswaydiin meeshay sartu ka quruntay? Goormayse
garawsan aafadaan kadibna daawadeeda raadsan? Yaase mudan inuu ka caawiyo xal
uhelida su’aalashaas?
Bulshada soomaaliyeed waa hal qowmiyad oo isku luuqad kuhadla
dhaqan mid ahna leh, hadana waa wada Islaam misna wada suni ah, dhaqankoodun
waa mid diinta Islaamka waa faqsan, waana bulsho xurmayn jirtay culumadooda
waxay faraana qaata, sidoo kale arintii ay xal uhelidoodu adkaato waxaa looga
dambayn jiray loona celin jiray culumada diinta. Marka sifooyinkaas dartood
ayayn ugu suurtoobi wayday xilligii dawladda iyo kahorba inay inbadanoo kamida
dawladaha reer galbeedka iyo isbahaysiyadooda iyo kuwo kaloo badanba far ku
darsadaan ummaddeena oo fikirkooda kahirgaliyaan dhulkeena, haday diin ahaan
lahayd, haday dhaqan ahaan lahayd iyo haday fikradooda siyaasadeed ahaan
lahaydba. Hadaba burburkii xukuumadda iyo boholyawgii ummaddeena, waxay
unoqotay fursad wayn oo dahabi ah, waxayna ugusoo qamaameen si aan hagrasho
lahayn: Qaar waxay usoo raaceen bulshadeena raashin ama cawimo, Qaar waxay ugu
yimaadeen qaxootiyada, Qaar waxay isusoo magacaabeen Hayado samo fal ah oo
daawooyinkay ku gabanayeen, Qaar waxay dhaheen xuquuqda bini’aadamkaa ilaalina
oo waxay latageen maatadii oo ah meesha ugu nugul ee ay wax kabadali karaan
waxna ku shuban karaan, Qaar way soo dalbadeen ayagoo jeega ujiifa oo bartoodaa
loogu geeyay, dhamaantoodna yoolkoodu waa inay helaan bulsho dhaqankooda
haysata, waxay aaminsanyihiina la aaminsan oo Soomaali ah, kuna nool geeska
Afrika, “Sida uu daqsigu labadiisa garab midna sunta ugu wato mida daawada” si
lamida ayaa waxay natarayaan uu barkood yahay sun daawayntiisu adagtahay,
taasna waxay keentay inay dalkii isugu yimaadeen bulshadeenii oo mid walba
isagu isla qumanyahay fikir ugooniyana wato, waayo shiinuhu kay qaateen shuuci
buu layimid, kii maraykanku qaatayna dimuqraadi buu layimid, kay iiran
qaadatayna inkastoo ay dhawaan bilawday fikir shiici ah buu layimid iyo kuwa
kaloo badanba. Hadaba Iswaydiintu waxay tahay:
Goormay umadaydu is garan? Goormay ogaan in fikradahaan ay wadaan yihiin kuwo loosoo dhiibay? Goormay xalka udaba fariisan culumada diinta taqaan iyo xeer beegitideenii? Yaase mudan inuu wax fahansiiyo?
Goormay umadaydu is garan? Goormay ogaan in fikradahaan ay wadaan yihiin kuwo loosoo dhiibay? Goormay xalka udaba fariisan culumada diinta taqaan iyo xeer beegitideenii? Yaase mudan inuu wax fahansiiyo?
Bulsho iswada diidanoo la isku diray:
Dhamaan
dhaqamadaas iyo fikradahaas aan kor kuxusay, waxay soo kordhiyeen dhibaato hor
leh, waxayna isku direen dadkeenii, waxay kala fogeeyeen laba hooyo wada
dhashay oo midba fikirkiisu ugooni yahay, waa sababtii kuuriya labada loogu
kala qaybiyay! hase yeeshee fiidnaam ay kadirirtay, waatay dhalinyaradii
Jarmalkuna taariikhda baalka dahabkaa ka galeen kadib markay jabiyeen darbigii
lakala dhex dhigay intay fikirkoodii mideeyeen, waana tan maanta mar horeba
dalkaygii laga bilaabay. Allaw dadkayga wax fahansii! Hadaba Su,aashu waxay
tahay:
Cudurka noocaan ah maxaa lagu daweeyaa? Yaase laga sugayaa inuu
dadka isu keeno?
Dad wada bukoo aan dabiib lahayn:
Waa
bulsho wada bogtoo aan dabiib haysan, Midbaa dagaaladii sokeeye ku jiraday oo
rasaastu madax martay, haduusan maqalna aan seexanayn oo nabaduna cudurkiisa
tahay!! Midbaa xoolihii dadwaynuhu kaqaxay isa siiyoo ka tabcaday, kuna
carruuro dhalay, oo isu arka inuu nasiib badan yahay, waxayna kunoqdeen cudur
xaaraantii xalaal uga dhigay! Caruurtii ku dhalatayna maanta waxaa adag in la
marsiiyo gurigaan dad kalaa iska leh! Reerkaasna nabadda dani uguma jirto!
Midbaa reer dabkoodu isu muuqdo waagi baryaba colaadooda lagu abuuraa oo
ladhahaa awawyaashaa ayagaa laayay! Wuu is xanaajiyaa markuu qof ayagaa arkaba,
reerka kalena mid ujooga baa markuu dhowr jeer arkay inankaan cabursan
geestiisa ka xanaaqay oo difaac ka galay, labadaa nin waa isku cabursanyihiin
oo mid walba kan kaluu iska ilaalinayaa, garana maayaan sababta ay iskugu
caraysanyihiin, waase la isku diray. Hadaba su’aashu waxay tahay:-
See la isku fahan siiyaa labadaan nin? Yaase mudan inay usheegaan
in la isku diray, laakiin aysan colaadi kadhexeen ee ay walaalo yihiin?
Bulsho wada dulmanoo garab wayday:
sida aad
kawar haysaan in badan oo kamida dawladaha caalamka burbur wuu soo maray, hase
yeeshee waxaa badbaadiyay dawlado kale oo saaxiibadood ah ama ay isku mawqif
yihiin, amaba ay diin kadhaxayso, una diiday inuu dhinacooda dhulka taabto,
hase yeeshee soomaalidu mahelin garab walaal iyo mid sxb toona, kadib
burburkiina mid danihiisa kafushada oo cuno ay eedeen ukeenay mooyee mid ayaga
wax taray oo garab ay ka heleen majirin, cawimo la iikeeno iyo qaxooti la iga
qaado dhib mooyee dheef kuma qabo laakiin garabkaan ka hadlayo waa mid la iga
caawiyo inaan dib cagahayga isugu toosiyo. Hadaba Iswaydiintu waxay tahay:
Goormay garan in Ilaahay Swt mooyee aan cid kale u maqnayn?
Goormayse isu kalsoonaan oo awoodooda aaminin? Yaase Mudan inuu runta usheego?
Hogaan Aan Kala Sarayn
Umaddii soomaaliyeed waxay kujiraan waqti aad u adag oo ay ubaahay
garab ama geesi kasoo dhex baxa oo kasaara xaaladaan adage e ay ku suganyihiin,
maahan xilli ay xamili karaan khilaaf iyo buuq hor leh oo lagu dulfuro, hadaba
markaad eegto xaaladda ay kujiraan, amase jaleecdo diifta iyo daalka kamuuqda
ummadaan jiilaalku ku dheeraaday, dhanka kalena eegto hogaankaan ay udoorteen
inuu kasaaro waqtigaan adag iyo abaarta “Dabadheer” una raro meel baad iyo biyo
leh, waxaad arkaysaa inay yihiin kaaf iyo kala dheeri, waayo hogaan lasugayo
waa kuwo iyagu isku muuqda oo midba midka kale iska eegayo “Ma xilli la is
xiniya qaloocsadaa lagu jiraaba?”
Hadaba markaan qiimeeyay xaaladaan sidoo kalena iswaydiiyay meesha
salaadu iska qaban la,dahay, waxaan iisoo baxaday inuu dhacay qalad dastuuri
ah, iyadoo magaca “Qabiil Laqincinayana qarankii lagu tuntay! Waayo markaad
eegto qaabdhismeedka dawladaha caalamka sidoo kalena aad taariikhda dib uraacdo
waxaa kuusoo baxaya, Madaxwayne awood buuxda haysta iyo kuxigeenkiis, sida
Maraykanka, Kenya iwm, Raysul wasaare awood buuxda leh iyo Madaxwayne magac
sharafeed un haysta sida: Ruushka, Turkiga, iwm. Laakiin majirto dawlad leh
Madaxwayne iyo Raysul wasaare isku awood ah Soomaalida mooyee, waa halkay
Soomaalidu ka lahayd doon laba naakhuuda leh waa dagtaa.
Marka soomaalidu intay islahayd dhamaan qabiiladoo laqinciyo buu
xalku kujiraa, baa xaaladdii ku xumaatay, oo waxaa dhacday “Hagaaji baan
lahaayee Mahooji baa udambeesay” waayo meeshii horusocod laga sugayay baa waxay
la kulmeen khilaaf aan dhamaad lahayn, halkii dabiib laga sugayay bay boogihii
naga danqiyeen, dhaawaciina nagu fogeeyeen, halkii ;aga sugayay inay dhiiri
galiyaan ciidanka qaranka say hiigsi uyeeshaan, bay jihadii ka khaldeen
jahwareerna kurideen, taasna waxay dhalisay in nabadiidku heleen dhiiri galin
ay madaxtooyadii iyo xaruntii golaha shacabka gudaha ugaleen. Waxay keentay
xukuumad aan dhamaystir lahayn oo had iyo goor labadalo iyo hawshoodoon qabyo
dhaafin. Waxuuna waxqabadkii xukuumaddu noqday “ Xukuumad cusub baa la
ansixiyay iyo mid baa kalsoonidii lagala noqday”.
Waxaanse iswaydiiyay in badan dawladihii burburka laga soo bilaabo
Dawladdii Carta ee Mad.C/qaasim Ma sharci kaligood loodhiibaa dhigaya inuusan
midna xilka ka dagin ilaa uu Saddex Raysulwasaaro soo magacaabo?
Talo iyo Toosin
Dawladda Soomaaliya iyo dawladaha daneeya arimaha soomaaliya waxay
carabaabeen in Soomaaliya ay ka dhici doonto doorasho xor ah, hase yeeshee
iyadoo markii horeba aan lamarin wadadii lagu gaari lahaa amaba hanaankii
loogusii gogol xaari lahaa doorasho xor ah oo dalka ka dhacda, hadane dhanka
kale waxaad arkaysaa in rajadii laga qabay ay sii lumayso kadib is jiidjiid
dheer iyo khilaaf lagusoo dhisay qaar kamida maamuladii dalka halka qaar kalena
hogaan saree dalku xal uwaayay soo dhisidooda, taas ayaana hada umuuqata mid ku
dambayn doonto in lagu qasbanaado hanaankii wax lagu dooran jiray ee
baarlamaaniga ahaa.
Hadaba Isimadu waa ergayda soo xusha golaha wakiilada amaba
baarlamaanka ee matala bulsho waynta Soomaaliyeed, kuwaasoo iyaguna soo doorta
hogaanka dalka ugu sareeya, marka maadaama Isimadu yihiin halka ay kasoo
dhismato dawladdu, waxaan kula talinayaa inay aad uga taxadaraan soo xulida
golaha wakiilada, ayna kusoo doortaan astaamahaan xubnaha ay usoo dirayaan inay
ka talinayaan masiirka umadda Soomaaliyeed:-
Waa inay noqdaan xubnaasi kuwo leh aqoon diimeed iyo maadi. Waa
inay noqdaan xubnahaasi kuwo wadaniyad iyo dal jacayl leh, ayna ka go’antahay
xal uhelida dalkooda iyo samata bixinta umaddoda.Waa inay noqdaan kuwo ilaaliya
kana taliya danta qaranka balse aysan noqon kuwo u adeega dano shisheeye iyo mid
qabiil toona.
F.G. Marka aad soo xulaysaan ergada kamid noqonaysa golaha
wakiilada ee matalaya bulshada Soomaaliyeed, waxaa ini saaran masuuliyad aad
uwayn maalin maalmaha kamidana la idin kala xisaabtami doono.
Xal/Gunaanad
Hadaba waxaan maanta qalinka uqaatay si aan wax uga iraahdo
arintaan sii murgaysa ee Dalkayga ku habsatay, Qarankaygii dumisay, Dakaygana
ka dhigtay magan aan ehel lahayn, sidoo kale waxaan rabaa inaan wax katibaaxo
amaba ka tilmaamo qodobo aan u arko hadaynu raacno inaan xal uhelayno
dhibkeena, anoo kusalaynaya fikirkayga iyo khibradaan kahelay baaritaano aan ku
sameeyay wadamo soomaray xaaladda aan maanta kujirnoo kale iyo siday uga
baxeen, waxaana kubilaabayaa sidatan:-
Si guud
Waxaan usoo jeedinayaa bulshada Soomaaliyeed si guud mijo iyo
madaxba inay sameeyaan dhowrkaan qodob xal waan helaynaa Ilaahay idankiisee:
Marka hore aan unoqono Iaahay swt, si wada jir ahna inta isu soo baxno aan
barino inuu naga dulqaado musiibadaan 24 jirsarsatay ee nala hartay wuu na
ajiibiyee. Marka xiga waxaan bulshadeena ugu baaqayaa inay 24 sano kadib xalay
dhalay kanoqdaan waxii dhacay oo ay is cafiyaan, isuguna yimaadaan geed
hoostiis iyagoon lagu dhex jirin, kana wada xaajoodaan dib udhiska dalkooda iyo
samata bixinta dadkooda. Dagaalkii sokeeye ee Ruwaandha ka dhacayna waa inaan
ka baranaa cashar, waxaa kudhintay kala bar/badh dadkii dalkaasi kudhaqnaa,
dhamaantoodna waxay ahaayeen hal qoys/qabiil, waana qabiilka layiraahdo Tuutsi,
waxaana xasuuqa gaystay qabiilkii talada hayay xilligaa ee ahaa Huutuuga, Bal
eeg wadaday kusoo afjareen ugana hortageen inuu dagaalkii sokeeye ee dalkoodu
siisocdo. Waxay si looga gudbo xaaladaan adag horumarna loo tiigsado isku
raaceen, Inay is Cafiyaan, natiijaday kadhaxleena waa mid aan maanta cidna ka
qarsoonayn, waayo Ruwaandha waxay kamid tahay maanta wadamada Africa Hogaanka
uhaya, Horumar dhan kasta ahna ku talaabsaday, Koonfur Africa iyo Siiraliyoon
waa lamid oo dagaalkii sokeeye ee soomaray dalalkaas iyaguna waxay ku xaliyeen
in la is Cafiyo waxii dhacayna xalay dhalay laga noqdo.
Ugu dambayn Umadi hogaan kama maaranto, hogaankuna kama maarmo qof
ugu sareeya oo talada ugu dambay isagu leh, Hadaba hogaan wanaagsan oo hiigsi
leh umadiisana u adeega ee aan u adeegin dano shisheeye, sidoo kalena
kashaqeeya horumarinta dalkiisa iyo dadkiisa ee aan kashaqaysan iyo Bulsho
hogaansan oo garab istaagta hogaanooda waxaa isku hela dad iyo dal nasiib leh,
inagana hadaan Soomaali nahay farqi wayn baa inoo dhaxeeya wqtigaan lajoogo
astaamahaas aan kor ku xusay. Muhiimadda uu hogaanku uleeyahay bulshada waxaa
ka fahmaysaa qawlkii rasuulka NNH ee ahaa “Saddex meeshaad kujoogtaan midkiin
hogaamiye udoorta.
Waxaan
qalinka kusoo xirayaa: Allaw Dalkoo nabada, Dadkoo isjec Iyo Hogaan Daacad ah.W.Q.
W.Q.
Cabdifitaax Xasan Cirguje