Tahriibka iyo Addis Ababa
Waanadii Sh.Mursal
Hamdi iyo Aayadeed
Hordhac
Waxaa Marka koobaad Mahad oo dhami usugnaatay
Ilaahay SWT, Marka xiga waxaan manta qalin ka uqaatay si aan bulshadayda ugu
soo gudbiyo dhacdadii tahriibka ee murugada badnayd kana kala dhacday Addis
Ababa iyo Badda dhexe, si’ay ugu waano qaataan umadeenu uguna dhigtaan cashar
aysan ilaawin. Bishii Febraayo sanadkii 2010-kii tirsiga Miilaadiga ayaa waxaan
waxbarasho utagay xarunta dalka Itoobiya ahna xarunta Midawga Afrika ee
Magaalada Addis Ababa.
Itoobiya waa wadan dhaca amaba kuyaala bariga
qaaradaan Afrika, waana wadan leh taariikh guun ah, sidoo kalena kamida
dawladaha caalamka ugu qadiimisan. Wadamada xuduuda laleh waxaa kamid ah:
Soomaaliya, Kenya, Jabuuti, Eratariya, Suudaan iyo waddanka dunida ugu da’da
yare ee Koonfurta Suudaan. Xilliyadii dambe ee tahriibka caalamku kor ukaca
sameeyay ayaa waxaa aad looga dareemay tahriibka Geeska Afrika gaar ahaan
deegaanada Soomaalida, Addis Ababa waxay noqotay marin/wado ay mareen inbadan oo
soomaali ah una haajirayay Yurub. Taasna
waxay sababtay inay Addis ababa isugu yimaadeen oo ay kulmisay soomaali aad
ubadan, oo qaarna ahaa dad tahriib ah qaarna dilaaliinta wax tahriibiya ee
Mukhalisiinta loo yaqaano ah.
waxay bilaabeen Mukhalisiintii
kadib markay gudbiyeen intii tahriib doonka ahayd inay tashkiiliyaan
Soomaalidii kale si ay uga dhaadhiciyaan inay tahriibaan, iyagoo u maray wada
kastoo ay islahaayeen waad ku dabi kartaan amaba waad uga dhaadhicin kartaan,
ugu dambayntiina waxay galaafteen Arday badan oo jaamacadeed, layn sugaal, dad
caafimaad loo keenay iyo waliba gabdho aad u da’yaraa oo inay caawiyaan loogu
keenay qoysas ay qaraabo yihiin. Waayo kaliya waxay ku hanteen dadkaan
quluubtooda ayaa ahayd, Inay usheegeen tilmaano aad uqurux badan oo mala awaal
ah, waxay usheegeen inay wadada yurub lagu galaa tahay halaw/toos amaba dirito
aan wax qudxaa lahayn si fududna ugaynaysa meeshay rabaan, balse maysan xusin habdhaqanka
iyo dhibaatada ay lakulmi karaan gaar ahaana gabdhaheenu intay safarka kujiraan,
mana usheegin silica saxaraha iyo Bahalnimada Badda iwm.
Hadaba waqti laga joogo hadda Sideed bilood kuna
began Bishii Carafa 1435-tii ayay
ahayd Markaan aniga iyo arday kale aan hoygiisa kusoo booqanay Shiikh Mursal Faarax Cali oo ah shiikh
dad badan diinta baray(aflixiyay) walina diinta baristeeda kawada deegaanka
ceelcad ee Gobol Wardheer, inkastoo hadda la iisheegay inuu u wareegay Bursaalax. Shiikhu xilligaas aanu soo booqanay waxuu kamid ahaa
culumadii xajka usocotay si ay usoo gutaan xajkooda. Wuxuuna nasiiyay isbariidin
kadib oo aan kala kulanay wacdi iyo waano meelo badan taabanaysay, si gaar ahna
uga hadlaysay wadciga jira.
Mar uu tahriibka ka hadlayay sheekhu waxaa
hadaladiisii kamid aha:
“Walaalayaal
bal kawarama Hooyadii idin soo korisay Ilaa aad hana-qaad kanoqoteen, oo aan marnaba
idiin Ogolayn in wax dhib ah idin soo gaaro, iskaba daayee wali idin garab
taagan oo sugaysa intaad isku filnaansho ka gaaraysaan oo aad usoo noqonaysaan idinkoo
leh aqoon aad naftiina iyo nafteedaba ku anfaci Kartaan, miyay naga mudantahay
inaan inagu u ogolaano wax ay dhib kala kulmi karto. Hadaba walaalayaal bal
qiimeeya dareenkeeda hadii loo soo Sheego inaad Tahriibteen oo aad geeri iyo
nolol udhaxaysaan?! Haqday! dhahdo kaliya markaas oo xataa laga Yaabo inay
naftuba ka raacdo maxaad udhigteen?! Runtii waa mid iinaan kasoo waaqsan Karin
Adduun iyo Aakhiraba!”
Waxay ahaayeen kalmado runtii saamayn wayn ku reebay
quluubtayada, waxaana aniga iisii dheeraa in kalmadaasi mar labaad xasuustayda
kusoo noqdeen kadib markaan la kulmay dhacdadaan xigta, taas ayaana igu
kalidtay inaan bulshada lawadaago.
Hamda iyo Aayadeed
Bil kahor ayay ahayd markii anagoo shaah ka cabaynay
Maqaayad kutaala Magaalada Addis Ababa oo ay lahayd gabar Soomaaliyeed, ay
Maqaayadii soo gashay inan magaceeda laygu sheegay Caasha, kadibna gabadhii
maqaayada lahayd ayay usheegtay inay usocoto si ay uga qayb gasho aaska islaan
ay qaraabo ahaayeen oo dhimatay, kadib markay Caasha naga tagtay ayaan
waydiiyay Gabadhii maqaayada lahayd islaantu waxay sababsatay iyo inay
xanuusanayd, Jawaabtii gabadhuna waxay udhacday sidatan:
“Islaanta
cambaro ayaa ladhahaa waxay in mudaaba kunoolayd magaalada Addis Ababa oo ay ka
shaqaysan jirtay, waxay lahayd maqaayad cuntada iyo shaaha lagu kariyo, waxaana
lashaqeen jiray gabdho jaariyadaa oo itoobiyaan ah. Marka waqti kadib ayay
cambaro ku fikirtay inay ubaahantahay xilligaas waxii ka dambeeya inay hesho
qof caawiya maadaama ay qof wayn oo da’ ah noqotay. Waxayna usoo cid dirsatay
qoyskeedii iyadoo ka dalbatay in loosoo diro gabar lashaqaysa, kadibna waxaa
loosoo diray Hamda oo odaygeedu dhalay. Waqti kooban markii ay Hamda
lashaqaynaysay runtiina ay ku nasatay, ayaa waxaa helay Tashkiil xumayaashii,
waa mukhalisiintii dadka waali jiray, waxayna laqaateen Xamda waqti badan si ay
uga dhaadhacshaan inay tahriibto, ugu dambeentiina way ku guulaysteen, wayna
tahriibtay. Islaantii cambaro waxaa kudhacay walwal badan kadib markay wayday
inantii ay aayada u ahayd, dadaal badan ayayna ugashay si ay uhesho inanteedii,
laakiin dadaalkeedii waxuu noqday “Hal Bacaad lagu lisay” maadaama aysan helin
meel ay jaan iyo cirib toona dhigtay,
ugu dambayntii iyadoo walwalkuna kusii batay quusna kudhaw ayaa laga soo
wacay Saxaraha Liibiya, waxaa lala
hadalsiiyay inanteedii kadibna waxaa lagu wargaliyay ina lacag madax furashaa la
baxsho hadii kale ay dili doonaan, waxaa gabadheeda haysta waa “Magafe” iyo jabhadiisii, lacagta
loosheegay inay bixiso waa $3500
Saddex kun iyo shan boqol oo doolar, waxaa isaguna uharsan intaa liibiya
lagaarin Manaxe waa Magafe labaad, Cambaro
markii koobaad way faraxday maadaama ay maqashay inantii ay geeri iyo nolol
kula’ayd codkeedii, misna waxaa kubilawday islahadal maadaama aysan garanayn
meelay ka heli karto lacagta intaa leeg! Dadaal badan oo loo kufaa kacay kadib,
qaylo gar dhawaysayee, qaaraan ayaa lagasoo aruuriyay dal iyo dibadba, Magafe iyo
Manaxeba la dhaafsii, Baddiina lasaar, hadalkii udambeeyay ee Cambaro ay
gabadheeda ka maqasho kahor intaysan Badda fuulin waxuu ahaa; Hooyo dhibkii
dhamaa, markaan talyaaniga tagana anaa kusoo wacaya. Islaantii Cambaro way
joogtay, oo joogtay wax soo wacana wayday, xataa waxay maqashay in kuwii
kadambeeyay ay dadkoodii lasoo xiriireen. Muddo kadib ayaa saxaafadda lasoo
galiyay magacyada Soomaali badan oo Baddu cuntay kadibna ay soo caarisay! Haddii
la akhriyay magacyadiiba Xamda waa qofka labaad, isla markii cambaro loo
sheegayba waxay gashay koomo! Maalmo kadibna way udhimatay iyadoon wali miyirsan!”
Hadaba akhristayaal kawarama dhacdadaan Saamaynta ay
keentay intay leegtahay? Waxaan hubaa inay jiraan kuwo badan oo xataa ka
saamayn badan laakiin aan laqorin!
Talo/Gunaanad
Tahriibku waa aafo qaraan, musiibo umadeed iyo
mushkilad caalami ah, waana dilaaga da’yarta, hadana waa musiibo aan lagu
baraargusanayn waxuuna kamid yahay ibtilooyinka tirada dhaafay ee dabar goynta
Ba,an kuhaya da’yarteena. Dhanka kalena waa mid kamida musiibooyinga dalkeena
iyo dadkeenaba asiibay ee faraha kulul ku hayay dhibaatooyin badana u horseeday
25-kii sano ee lasoo dhaafay.
Aayad quraanaa ahayd “Ilaahay qoom madooriyo, ilaa ay iyagu is dooriyaan” Sidaa darted Umadi
haday danteeda garan waydo, nimcaduu Alle siiyana ku shugriyi waydo kadibna ay
kibir iyo caasinimo ka qaado amaba latimaado, waxaa ku dhaca halaag, waxaa
haleesha musiibo aysan garanayn meesha laga raacay, waatuu Ilaahay Swt lahaa “Hadaad ku
shukridaan nimcadaan idin siiyay waan idiin kordhinayaa, hadaadse ku kufridaan
oo garan waydaan amaba ku caasi garawdaan, Cadaabkaygu waa halis”
Hadaba walaaleyaal markaad eegto xaaladda manta
dalkeenu ku suganyahay iyo dhibta umaddeena haysata, markaad qiimayso kumanaan
soomaali ah oo xabsiyada dunida daafaheeda bilaa maxkamad iskaga xiran cid
udoodaysa oo xaqooda raadinaysana aysan jirin, markaad iyana eegto umaddaan
jahwareerku kudhacday ee kujirta geediga aan la furin iyo barakaca aan
dhamaadka lahayn 25-tii sano ee lasoo dhaafay, misana jaleecdo kuwaan iyaguna
mudada intaa leeg uu qorigu garabka usurnaa micna daradana isku laynayay, hadaad
waydiisu ka wax dilaya sababta uu udilay walaalkiis garan maayo! Kan ladilayna
sidoo kale, sidoo kalena dhibtay la kulmeen kuwii diba galay ee ay kamid
yihiin: Dhaqan doorsi, inaysan awood ulayn tarbiyadda ubadkooda iyo in qaarkood
lagaba qaatay ubadkoodii oo.
Miyaysan cadayn inay tahay halaag nagu dhacay oo aan
galabsanay, waajibna ay tahay inaan Ilaahay swt unoqono?
Hadaba waxaa kula talinayaa bulshawaynta
Soomaaliyeed inay ka kacaan hurdada oo ay Ilaahay Swt unoqdaan kadibna baryaan,
waayo cid aan Ilaahay ahayn dhibtaan nagama saari karto.
Sidoo kale waxaan ku baaqayaa inaynu ka dhiidhino
dhibaatadaan guud ahaan bulshadeena haysata, gaar ahaana da’yarteena.
F.G. Dhacdada
Xamda iyo Aayadeed, way jirta in
gabadh tahriibka ku dhimatay, Aayadeedna dhimatay kadib markii loosoo
sheegay, balse sheekadaas inteeda kale waa mala awaal ka hadlaya dhacdooyinka
ay lakulmaan tahriibayaashu, sidoo kalena Magacyada aan Isticmaalay maahan
kuwoodii runta ahaa.
Qoraha sheekadaan: Cabdifitaax Xasan Cirguje