Vrydag 12 Augustus 2016

Tolow Yaa Furay?! Qaybtii 6aad

                                                                        

   Waa sheeko
ka turjumaysa
dhacdo xaqiiqo ah
Qaybtii 6aad.....................................................
Waxaan iri Galinka dambena? Waxuu yiri su’aashaas xilli aan laftaydu iswaydiin jiray waa jirtay maalmihii hore markaan casariyaha soo doonto ee aan waayo asxaabtayda waan yaabi jiray, kaligood maahan ee xaafada Soomalidu dagto galinka dambe waa yaryihiin inta soo baxdaa, dadka aad ku arkayso waxaa ubadan dad ganacsato ah iyo tiro kale oo aad u yar, dadka badankiisu masoo baxo duhurkii baana udambayse aragtidooda, mar is iri malaha waa sharci magaalada ka jira oo aadan la qabsan qaar kamida asxaabtayda oo aan dhawr jeer waydiiyayna jawaab fiican igama siin waxayna hadalka iigu soo koobeen “Alamaaga Magaalada La qabso”, Alamaana garan waayay waxuu yahay hase yeeshee muduu madaxayga haystay oo kusoo noq noqonayay, subaxdii dambe ayaan rag waa kii balo ka war doonee  mid saaxiibaday kamida ku iri waxaan rabaa inaan Alamaaga La qabsado ee igu gacansii! Intuu qoslay buu yiri ma hubtaa? Saan baloba kama filanee iri haa. Suu yiri waad la qabsan laakiin waxaa jira shuruudo loo baahan yahay marka hore inaad buuxiso, saan inta is adkeeyay baa anoo aan ka labalabayn iri diyaar misna uraaciyay hadii aad idinkuba marteen ma anaa idinka liita. Ileen Soomaaliba salfudayd waa ka halkaas ay maanta taalo dhigee ismaba waydiin meeshaan usocdo iyo waxa aan dalbayo waxay yihiin, sidoo kale kama fakarin waxa ka imaan kara, waxaanse ahay nin la xujeeyay oo asxaabtuu sheeka wadaaga la noqday ee magaalada ay iska barteen waayay, meelay ku jiraana dhib kamaba filan, waxaa la iisheegeen maalintii dambe inaan manta raacayo waxuu ragu qabana aan kamid noqon doono, kadib ayuu indhabuur oo ahaa dhalinta ninkii ugu tunka waynaa iyiri Cumar ma hubtaa inaad diyaar utahay arintaan hadhaw labac labac ma rabno iyo saan ma moodaynee? Saan iri saaxiib horay Soomaali utiri ragna qawl baa xira dumarna meher, haa diyaar baan u ahay waxkasta oo ay tahayba maanta waan ku jiraa barise yeelkeed! Hadalkaan dambee aan raaciyay iyaga ma dhibin waayo waxay ogyihiin nin maalin galay hawshaan inuusan daynayn oo waxbadan kusoo noqnoqon doono, Waxaan gaaray go’aan aanan garanayn waxuu yahay, waxa ka imaan karaa iyo waxuu idhaxalsiin doono toona, waxuu ahaaba go’aankaas waan qaatay, markiiba waxaan raacnay gaari na sugayay, maanta waa ka duwantahay maalmihii hore oo dareen baa igalay, waayo waxaan usocdaa meelaanan aqoon waxaana rabaa inaan sameeyo wax aanan garanayn, hase yeeshee waxaan isku qancinayaa mar hadaadan kaligaa ahayn oo lagula qabo dhib majiro.
Toban daqiiqo kadib waxaan nimid meel aad moodo hotel oo baabuur hor dhooban tahay rag boorsooyin kuwa laabtoobyada lagu qaato ah xambaarsanna galgalyo, hadii aaan ganjeelkii dhaafnayna is iri maahan ee malaha waliimaa ka jirta meesha, markii aan gudaha usii dhaadhacayna yaabay kadib markaan maqlay muusiga kale duwan ee meesha ka baxaya, Soomaaliga, Itoobiyaanka iyo Ameerikaanka oo mar is iri bad baad gashee malaha maanta Kalaab bay ku keeneen, anna cidna waxba ma waydiinee waxaan naftayda usheegay bal ka war sug meesha lagu geeyo balo kaloo aad la yaabtana malaha waa soo socdaanee. Kadib inan yaroo xabashi ah oo xiran goono gaaban, shaati yar iyo kabo dhaadheer timahana sii daysatay oo ay dhabarkeeda ka lushaan baa na horgashay, waxay na gaysay qol fadhi ah oo loogu talo galay 4 qof anana afartaanba ahayn, intay gacanta noogu tagtay qolkii bay af qalaad nagu tiri, Soo dhawaada waa kan qolkiinii(Welcome this is your room) Anana inta udhoola cadeenay oo aan uga jeednay mahadsanid baan gudaha ugudubnay qof walbana meel salka dhigay……
Dhamaad Qaybtii  6aad, Lasoco Qaybta xigta....................
W.Q. Cabdifataax Xasan Cirguje (Qarandoon)

Tolow Yaa Furay?! Qaybtii 5aad.

                                                     


Waa Sheeko 
Ka turjumaysa
dhacdo xaqiiqo ah
show inta aan daawanayay inanta iyana way i eegaysay oo waxay la yaabantahay habdhaqankayga, anoo mawjaddii aan galay wali dhex dubaalanaya meelaan marayana aanan garanayn ayaan mar qura ka maqlay telka dhexdiisa: Aboowe qofkaan isoo fiirinaya ma adigaa Cumar? Halmar ayaan inta naxay baraarugay, deedna eegay meeshuu codku ka soo baxay mise waaba inantii aan ku mashquulsanaa? Ha.ha..ha..haa..haa. baayo ayaan iri anigoo codka shid shidaya, say tiri dee caadi iska dhig maxaa ku helay boowe oo meesha inaga mari. Waayahay ee ina mari baan iri inta tagsiilihii ugacan haadiyay hada mar waan qajilsanahay oo waxaan sameeyay baan ogahay hadana waa faraxsanahay oo inantii quruxda badnayd waa tan barbarkayga fadhida.
Waxaan iri kadib maxaa dhacay? Waxuu yiri Waa anigaan gabadhii kasoo qaaday Garoonka diyaaradaha ee dajiyay Albeergadii aan uqabtay, mudadii yarayd ee ay magaalada joogtayna gacanteeda midig u noqday ileen wax kaloo I mashquuliya ma hayee, xilli kastoy ii yeerto durba meeshay joogto waa anigaan taagan, waan jeclaystay runtii agjoogeed, waxaana dareemaa xiiso gooniya oo markasta ii jiidaya hadba meeshay iga jirto, waan u bogay kaftankeeda, qosolkeeda aan dibnaha soo dhaafin, dabeecadeeda wanaagsan ee Ilaahay ugu deeqay iyo habdhaqankeeda bulshada dhexdooda, waxaa intaa udheer quruxda rabbi ku manaystay, shaki kuma jiro in la ihelay oo kii jacayl ahaa isaaqay, waayo maahan qof la iska indha tiri karo, hase yeeshee anigu waan iska diiday taa, anoo sabab uga dhigay inantaan waa walaashaa inaad caawisaana laguu baray, teeda kale cumaraw adigaba mid lamid ah baad kasoo tagtay oo ku sugaysa, kaligay maahan ee ninkasta oo maalin bartay nasteexa ka ag dhaqaaqi waa.
Waxaan iri hadda ma waxaad ileedahay qoftaas indhahaan ka laabtay? Waxuu yiri cirgujaw sheekadu madhawa, saaxiibadaydii cusbaa ee aan Addis ababa ku bartay sidaadoo kale ma jeclaysan hab dhaqankayga, waxayna qayb ka noqdeen doodii aniga iyo naftayda ka dhax oognayd, waxay igu bilaabeen inay idacaayadeeyaan iyagoo oranaya, kani waa doqon fursaddaan uu haysto rag baa say u raadinayeen kabihii ka dhamaadeen, “Waa inan qurux badan misna Ingiriiska ka timid” wadan kamida wadamada aduunka ugu hormarsan, isaguna inta furaheedee loo dhiibay buu arki layahay Alla yaa meeshuu ka yimid iyi qandala isaga cesha waxba soo kordhin maayee!. Saaxiibadaydaan dhammaantood waa layn sugayaal buufiska dibaddu ku raagay, talada ugu wanaagsan ee ay dadka siiyaana waa buufis iyo in la dhoofo, waqti ayay igaliyeen si ay fursaddaan la ila soo doonntay iigu qancin lahaayeen, hase yeeshee la ikari waa, waayo waxaan ahay nin go’aan meel uyaalo, go’aan maxay ah? go’aankii tagitaanka qorshihiisu waa tabtiisii waxba iskama badalin, markay arkeen xaalku meeshuu marayo ololahoodiina aysan ku guulaysan, waxay ku fakareen inaan maanta wada fadhiisano oo la ii doono geedkii Xaliye ahaa, sheekaduna maanta ku koobnaato hawshayda oo kaliya, Xaliye aa! Xaliye kulahaa! Ma kanaa Xaliye ah? Kani waa qaribe ee! Soomaalidu wax kastoo xun intay magac wanaagsan ubaxshaan baa jiilka ka dambeeya ku jabaa, alla maxuu dad badan wadaddii toosnayd ka tuuray intuu mid qalqaloocda layr cas ugu xiray oo mudo kadib markay tiimbadeen is gartay!, maxuu rag badan ku qasbay inay qaataan go’aano xasaasiya xilli umadda inta caafimaad qabtaa ay hurudo kadib markuu dhulkiiba wada cagaar uga dhigay!.
Imaanshahaygii Addis Ababa ka hor Xaliye waxuu ahaa cadwgayga koobaad ee aan iska ilaaliyo dadkana uga digo inay la saaxiibaan waayo waxaana ogaa inta uu dad qaribay oo qar ka tuuray, nin walba oo la saaxiibana caan buu ka ahaa magaaladaan ku noolaa waayo Soomaali baa laga hayaa “War dhafoor buu ku yaalaa” hadase waa halkay Soomaalidu ka lahayd “Bidaari sibiq bay ku gashaayee” si yar baan isku baranay galab kastana waan isku qoranahay, oo waxaan is baranay kahor intaysan Nasteexo imaan mudadii aan walaashay isbitaalka kula jiray, intay Nasteexo timid baanse sii tiimbaday, waxaana iskaaya baray waqtiga iyo Addis Ababa kadib markii magacyo kale oo aad iisoo jiitay la iigu sheegay, Alle maxaa wiil banaanka iska mariyay halkaas si fudud ugu soo bartay sidaydoo kale? Anigu waan ogahay intaan la saaxiibay in xaalkaygii isbadalay hase yeeshee nin ay is barteen si fudud uga tagi waa xataa isagoo og inuusan ahayn saaxiib fiican!
Waxaan iri xaliyahaasi maxuu ahaa aad sharaysatay Sideese isku barateen? Waxuuna yiri bahalkaas Xaliyaha laleeyahay waxna ma xaliyee waa ka halkaas aan maanta aalo idhigay asaagayna iga reebay hilaac beenaadna itusay, Iguna riday Badda aan birriga lahayn, waxaan isbaranay markaan imid magaalada, waxaana iskaaya baray dhalinyaradii magaalada igu soo dhaweesay maadaama aan ku cusbaa isbitaalna aan u rabay walaashay, waxay ii noqdeen saaxiibada kaliya ee aan magaalada ku lahaa waxaana noqonay asxaab isku sheeko ah, markaan firaaqo helo galinka hore Maqaayad uu lahaa mid dhalinta kamida ciyaarahana lagu daawado baan isugu imaan jirnay, waa goob bulsho oo ah meel ay dhalintu ku kaftanto, sidoo kalena habeenkiina halkaas ayaan isugu imaan jirnay oo intii mudaana ku cawayn jirnay.
Waxaan iri galinka dambena?......................................


Dhamaad Qaybtii  5aad, Lasoco Qaybta xigta....................
W.Q. Cabdifataax Xasan Cirguje (Qarandoon)


Tolow Yaa Furay?! Qaybtii 16aad.

                                                                                            W.Q. Cabdifataax Xassan Cirguje Waa She...