Dinsdag 21 Oktober 2014

QAAR KAMIDA MADAXWAYNAYAASHA AFRIKA UGU TAAJIRSAN


HOGAAMIYAASHA JIRAN EE MUSUQMAASUQA IYO CADAALAD DARRADA KU TAAJIRAY
W/Q: Abdifataax Xasan Cirguje
 
Afrika waa qaaradda labaad ee ugu wayn dunida, hadana waan qaaradda labaad ee dunida ugu dadka badan, sidoo kale waa qaaradda ugu kheyraadka badan oo wali kheyraadkeedu dihinyahayay marka loo eego qaaradaha aduunka, misana waa qaaradda dadkeedu ugu faqiirsanyihiin caalamka. Qaaraddaan ayaa waxaa ragaadiyay oo caalamka intiisa kale ka reebay dhibaatooyin badan oo ay kamid yihiin, kaligood taliyayaal aan xilka ka dagin inay kadhintaan ama laga fara maroojiyo mooyee, waxaana hada jira qaar kamida wadamada Africa oo ay Hogaamiyaashoodu waqti badan ama in mudaaba sidii boqortooyadii oo kale iska xukumayaan, iska haystaan amaba iska maamulayaan, hadana dhanka kale dhibaatooyinka dadkooda haysata sida: gaajada, maamul xumada iyo horumar la,aanta ka indha xiran oo aan ka danqanayn balse taa badalkeeda ayaga iyo reerahoodu ay hanti ka tabcadeen.
Waxaan halkaan idiin kusoo bandhigayaa qaar kamida madaxda hantida bilaa xadka ah ka tabcaday wadamada ay maamulaan, iyadoo dhanka kale dadkoodu gaajo iyo baahi kudhamaadeen, Hadaba waxay iskugu jiraan Madaxdaan: qaar kamida kuwa waqtiyada badan iska xukumayay wadamadooda walina ayagu maamula iyo kuwo kale oo waqti kooban talada hayay balse aad ushaqaystay, waxaana lagu tilmaamaa madaxda caynkaas ah, Hogaamiyaasha Jiran ee musuqmaasuqa iyo cadaalad darrada ku Taajiray “Leaders with Ill-gotten wealth”.
Hantidaas meel kale kama tabcan si kalena uma soo galiin, ee waa hantidii dadwaynaha, waxayna ka tabcadeen xoolahaas kheyraadkii lawada lahaayee dadka udhaxeeyay ee dalkooda, oo ay sigaara u maamusheen. Hogaamiyaashaan jiran, meeshii ay dadkooda wax uga qaban lahaayeen, dhibaatada haysatana uga saari lahaayeen, shaqo abuurna ugu sameen lahaayeen, waxay si gooniya usamaysteen shirkado ganacsiyoodoo kala duwan, waxayna dhamaan shirkadahaas udhiibeen oo ay hoos geeyeen dad ay ehel wadaagaan.
Hadaba waa kuwaan Sagaalka Hogaamiye ee sanadkaan 2014-ka ugu qanisan/hantida badan amaba ugu taajirsan qaaradeenaan Afrika cilmi baaris dheer kadib:-

1)   Jose Eduardo Dos
 
Madaxwaynaha Koobaad waa Jose Eduardo Dos
Waa madaxwaynaha wadanka Angola
Waxuu talada hayay 34 Sano.
Waxuu haystaa celcelis ahaan Hanti dhan $20 Billion
Jose Eduardo waa Madaxwaynaha hada talada haya ee Dalka Angoola, hantida uu gaarka uleeyahay waxaa lagu qiyaasaa in kabadan “$20 Billion”Labaatan Bilyanoo doolar, sidoo kale gabadha uu dhalay Madaxwaynuhu ee magaceeda ladhaho “Isabel Dos Santos” Iyana waa Bilyaneerad, waxayna haysataa lacag celcelis ahaan dhan “$3.8 Billion” Saddex Bilyan iyo sided boqoloo milyan oo doolar. Hada gabadhaasi waa gabadha  haweenka Afrikoo dhan ugu taajirsan, sidoo kale waa gabadha haweenka madaw oo dhan ugu qanisan amaba ugu hodansan. Dhanka kale Madaxwaynaha hantidaas xad dhaafka ah leh, dadkiisu 70% Boqolkiiba todobaatan waxay maalintii kunoolyahiin wax ka yar laba doolar.
2) Mohamed VI
Hogaamiyaha Labaad waa Boqor Mohamed VI
Waa Boqorka wadanka Marocco
Waxuu talada hayay 15 Sano.
Waxuu haystaa celcelis ahaan Hanti dhan $2.5 Billion
Boqor Maxamad waa Boqorka Dalka Marooko, sidoo kale waa ninka ugu hantida badan ganacsatada dalka, hantida uu sida gaarkaa uleeyahayna waxaa lagu qiyaasaa “$2.5 Billion” laba Bilyan iyo Shan Boqoloo Milyan oo doolar.
3)    Teodoro Obiang Nguema Mbasogo
  Madaxwaynaha Saddexaad waa Teodoro Obiang
Waa madaxwaynaha wadanka Equatorial Guinea
Waxuu talada hayay 34 Sano.
Waxuu haystaa celcelis ahaan Hanti dhan $600 Million
Teodoro Obiang waa madaxwaynaha dalka Igwatooriyaal Gini “Equatorial Guinea”, waxuu talada dalkaas kulawareegay Afgambi Militari, waxuuna kala wareegay adeerkiis “Francisco Macias Nguema”.
Sida uu qoray wargayskaan “Fobres Magazine” Madaxwaynaha iyo reerkiisuba waxay dalkaas katabcadeen dhaqaala aad u buuran, Marka laqiyaaso Hantida Madaxwaynuhu sida gaarkaa uleeyahay celcelis ahaan waxaa lagu qiyaasaa “$600 Million” Lix boqoloo milyan oo doolar. Hadaba inkastoo dalka Iqwatooriyaal Gini “Equatorial Guinea” uu yahay wadanka labaad ee Afrika ugu hodansan, hadana dadkiisu inta badan waxay kunoolyihiin nolol ka hoosaysa fakhriga.
4)  Uhuru Muigai Kenyatta
 
Madaxwaynaha Afaraad waa Uhuru Kenyatta
Waa madaxwaynaha wadanka Kenya
Waxuu talada hayay 1 Sano oo kaliya.
Waxuu haystaa celcelis ahaan Hanti dhan $500 Million
Uhuuru kiiinyaata waa madaxwaynaha dalka Kiinya, sidoo kalena waa wiil uu dhalay Madaxwaynihii ugu horeeyay ee dalkaasi Kiinya ee la oran jiray Joomo Kiinyaata “Jomo Kenyatta”. Hantida gaarka uu uleeyahayna celcelis ahaan waxay dhantahay “$500 Million” Shan boqoloo Milyan oo doolar.
Madaxwayne Uhuru iyo reerkiisa ayaa sida uu wargayka “Fobres Magazine” qoray waxay dalka Kiinya kuleeyihiin hanta aad ubadan, oo isugu jirta: Shirkado ganacsi, goobo dalxiis, dhul, beero iyo bangiyo.
5)    Poul Piya
 
Madaxwaynaha Shanaad waa Poul Piya
Waa madaxwaynaha wadanka Cameroon
Waxuu talada hayay 31 Sano.
Waxuu haystaa celcelis ahaan Hanti dhan $200 Million
Poul Piya waxuu dalka Kaamiruun ka talinayay 31 Sano, Hantida uu haystana celcelis ahaan waxaa lagu qiyaasaa “$200 Million” Laba Boqoloo Milyan oo doolar. Dhanka kale dadka Reer Kaamiruun Boqolkiiba Afartan iyo Sideed 48% waxay kunool yihiin nolol ka hoosaysa fakhriga, oo waxaa maalintii soogasha amaba ay kunoolyihiin wax kayar $1 Hal doolar.
Sanadkii 2009-kii bay ahayd markuu warsidaha dalka faransiiska laga leeyahay ee lagu magacaabo “French Online News paper” uu shaaca ka qaaday in fasaxyada amaba safarada “Vocation” Madaxwaynaha dalka Kaamiruum ay kamid yihiin kuwa ugu qarashka badan dunida, marka loo eego madaxda caalamka, waxuu warsiduhu raaciyay in xataa uu ka qarash badanyahay madaxwaynaha Maraykanka.
6)    Goodluck Jonathan
 
Madaxwaynaha Lixaad waa Goodluck Jonathan
Waa madaxwaynaha wadanka Nigeria
Waxuu talada hayay 4 Sano oo kaliya.
Waxuu haystaa celcelis ahaan Hanti dhan $100 Million
Goodlick waa madaxwaynaha dalka Nigeria, lacagtuu haystana celceliss ahaan waa “$100 Million” Boqol Milyan oo Doolar, dhan waxaa lagu tilmaamaa hogaamiye bulshadiisa waxyaalo badan kusoo kordhiyay marka la eego mudadii yarayd ee uu xilka hayay, dhanka kalena waxuu kamid yahay hogaamiyaasha ku tagrifilay xoolihii dadwaynaha udhaxeeyay ee loo igmaday, hantina ka tabcaday intuu talda dalka hayay.
7) King Mswati III
 
 
Hogaamiyaha Todobaad waa Boqor Mswati
Waa Boqorka wadanka Swaziland
Waxuu talada hayay 28 Sano.
Waxuu haystaa celcelis ahaan Hanti dhan $100 Million
Sida uu qoray wargayska “Forbes Magazine” ee kasoo baxa dalka Maraykanka, Marka la barbar dhigo dunida, qoyska Boqorka Miswaatiga 3-aad “Mswati III” waa qoyska ama reerka 15-aad ee dunida ugu taajirsan. Boqor Miswaati waa boqorka hada xukuma dalka Iswaazilaan, waxuuna gaar uleeyahay waqtiga lajoogo hanti kabadan amaba kor udhaafaysa “$100 Million” Boqol miliyan oo doolar, Balse laba sano kahor sanadkii 2012-kii waxuu haystay hanti celcelis ahaan gaaraysay “$200 Million” Laba Boqoloo Milyan oo doolar, taa macnaheedu waxaa weeye waxuu lumiyay labadii sanoo lasoo dhaafay boqol milyanoo doolar.
Boqor Miswaati waxaa lagu eedeeyaa inuu hantida qaranka kulumiyo waxaan dalka iyo dadkaba dani ugu jirin, xagaaga sanadkii 2009-kii ayay ahayd markuu boqorku lacag “$6 Million” Lix milyan oo doolar ahayd uu ku qarash gareeyay, qaar kamida Sadddex iyo tobankiisa xaas adeegoodii oo kaliya. Sanadkaan 2014-Ka waxay baarlamaaanku u ansixiyeen sanad miisaaniyadeedka Boqorka Lacag dhan “$61 Million” Lixdan iyo Hal milyan oo doolar, Sidoo kale mid kamida Baabuurtiisa Raaxada ayaa qiimihiisu dhanyahay $500,000 Shan boqoloo kun oo doolar. Hadaba dhanka kale Boqorkaan raaxada kujira ayay dadkiisu boqolkiiba lixdan iyo saddex “63%” calaa qof Maalintii waxay kunoolyihiin $2 Laba doolar oo qura.
8)    Idiris Deby

  Madaxwaynaha Sideedaad waa Idiris Deby
Waa madaxwaynaha wadanka Chad
Waxuu talada hayay 23 Sano.
Waxuu haystaa celcelis ahaan Hanti dhan $50 Million
Idiris Deby waxuu dalka Jaad utalinayay 23 sano, lacagtuu haystana celceliss ahaan waa “$50 Milliom” Konton milyan oo Doolar. Sidoo kalen waxuu kamid yahay hogaamiyaasha xoolo tabcashada kujira halka dadkooduna baahanyihiin.
9)    Robert Mugabe
 
Madaxwaynaha Sagaalaad waa Robert Mugabe
Waa madaxwaynaha wadanka Zimbabwe
Waxuu talada hayay 26 Sano.
Waxuu haystaa celcelis ahaan Hanti dhan $10 Million.
Mugabe waa madaxwaynaha dalka Zimbaawi, lacagtuu haystana celceliss ahaan waa “$10 Million” Toban Milyan oo Doolar, hadaba Kaligii taliskaan ayaa ah hantiile lacag badan haysta, doorashooyin badan oo dalkiisa kadhacay oo isbadal lagu doonayayna ku guulaystay, inkastoo ay jireen dhaleecayno kala duwanoo uga imaanayay dacalada dunida, waxaana lagu eedeeyaa inuu musuqmaasuqo dooorashooyinka.
GUNAANAD
Hogaamiyaasha jiran ayaa ah hogaamiyaal markasta naftooda ka hormariya dalka iyo dadkaba, waana kuwa marka talada loo dhiibo amaba loo igmado u arka nasiib ay dadka dheeryihii iyo waliba fursadii ay xoolo ku tabcan lahaayeen ee aan dib ujaleecin talooyinkay bulshadu usoo jeedisay markii ladoortay.
Hogaamiyaashaan sifooyinkooda waxaa kamida in markay ololaha doorashada kujiraan dadka had iyo goor ugu qudbeeyaan hadalo aad qurux badan iyo balan qaadyo dadka rajo ku abuura, balse marka ladoorto lasoo baxa sawirkooda runta aha ee ay kaqariyeen bulshada, waxayna meesha uga tagaan balan qaadyadii loo wada riyaaqay ee fulintooda loo doortay.
Hadaba akhristayaal dawladahaan aan kor ku xusay waa dawlado dhisan oo nidaam kala dambayn leh, sidoo kalena dadkoodu waxay ku seexdaan nabad oo ah tiirka ugu muhiimsan dawladda. Marka bal qiimeeya dalkeena Soomaaliya oo aad ogtihiin xaaladu kusuganyahay! Iyo Dadkeena oo aad ogtihiin nolosha ay kunoolyihiin!
Waa tay Soomaali horay utiri “Dameeraley dad laxer maahee” Bal kawarama haddii Hogaanka talada haya ee dalka ee loo doortay inay aafada ku habsatay dadkeeda ka samata bixiso, ay udhaqanto sida hogaamiyaashaas aan kor kusoo xusay?! Xaqiiqdii waan qiiroodaa markastoo aan maqlo dawladda Soomaaliya waxbay musuqmaasuqday!
Waxaan Hadalka uga baxayaa oraahdii Soomaaliyeed ee caan ka ahaydee oranaysay “Ninkii Timir beeriyo Ninkii Tiin talaalaba Taariikhdu way qori”.
F.G. Xogtaan kusaabsan Hogaamiyaasha Afrika waxaan kasoo xigtay, warsida kasoo baxa dalka Marayka ee Layiraahdo “Fobres Magazine” sidoo kale waxaan iyagana wax kasoo qaatay “Foreignpolicy.com, iyo French online News paper”
W/Q: Abdifataax Xasan Cirguje
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

 
 
 

Tolow Yaa Furay?! Qaybtii 16aad.

                                                                                            W.Q. Cabdifataax Xassan Cirguje Waa She...