Dhakhtarku waa ordaya
Waa
Sheeko wax badan
aynu ka baran doono
Waa
barqo dheer, goor sheegtaduna ay sheegayso tobankii subaxnimo “10:00am” Goobtuna
waa isbitaalka wayn ee magaalada, Saaka waxaa hor tuban dad badan oo duruufo
kala duwani keentay isbitaalka, mid murugo la aamusan, mid kacaa fariisanaya
iyo mid cabanaya intaba waa isugu jiraan, oday baase aad uqaylinaya oo dadku
afkiisa wada dhawrayaan, kalkaaliyaasha ayaa dhowr jeer isku dayay inay
qanciyaan, hase yeeshee waxay usheegeen ma noqon waxuu ku qancay balse wuuba
kasii daray, waa kan hadba gees isku majiiraya.
Mudo
daqiiqadaa kadib ayaa hal mar la dareemay isbadal la garan-waayay in cabbaar ah
halka uu ka yimid, odaygiina qayladii iyo balawgii uu isku waday waa kan yara
hakiyay oo inta uu luuday dhanka galbeed
wakaas sii himbiriirsanaya, talaw maxaa dhacay oo odayga aamusiyay ayuu qof
walba naftiisa ku siraystay, oo halmar lawada hanqaloocsaday meeshaan odaygu ku
dhaygagay?
Mise
waaba Dhakhtarkii Qaliinka oo ordaya, oo jirkiisoo dhan dhidid qooyay,
daqiiqado ka hor ayaa loo sheegay in uu jiro wiil ubaahan qaliin degdeg ah,
hadaan sida ugu dhakhsiyaha badan howshiisa loo galinna xaaladiisu halis tahay!
Isna waxuu hayayba inta qubay waa kan isbitaalka mirir ku yimid si uu wiilkaa
yar ee miskiinka ah ubad baadiyo waalidkiisna murugada uga biiyo, hase yeeshee
waxaa dhacay waxuusan filanayn dadkii meesha dhoobnaana fajiciso ku reebtay
balse uu si degan u maareeyay, waa ninkii qaylinayay ee daqiiqadaha yaree uu aamusnaa
la yara nafisay, inta hor istaagay dhakhtarkii ayuu mar qura waxaan la arag oo
cataw iyo eedayn ah kala duldhacay, waxuuna ku cataabayaa “Maxaad usoo daahday
oo waqtiga intaa leeg sugitaankaagu noogu qaatay? Miyaadan ogayn in wiilkayga
xaaladiisu halis tahay? Miyaadan dareemayn masuuliyadda intaa leeg?
Dhakhtarkii
inta dhoolo cadeeyay ayuu si degan odaygii wax ugu sheegay, waxuuna yiri, “Adeer
waan ka xumahay waxa dhacay oo majoogin
isbitaalka markii wiilkaaga la keenay, hadana markii la iisheegay waa anigan
soo degdegay ee imid, marka adeer isdaji waxba naga xumaan maayaanee, anna
waxba ka hagran mayo intaan uqaban karo, Ilaahayna SW wuu nala garab galayaa ee aan talo saarano kadibna dhakhtarku waxuu
ugud-bay qaybtii qaliinka.
Waydiimaha
maankiina ku soo dhacaya ee aad iswaydiineesaan markaan intiina lasocota
sheekadaan waxaa kamida, talaw maku qancay odaygu waanadii dhakhtarka?
Jawaabtuse waxay tahay may ee dakhtarkii oo sii socda waa kan odaygu markale furkiiba
tuuray, oo misna isagoo xanaaqsan ka daba yiri. “Is daji kulahaa? maxaan
isdajiyaa? Kawaran haduu wiilkaagu xaaladaan ku jiri lahaa, oo waliba adoo
arkaya udhiman lahaa, Maxaad sameen lahayd? Wey!
Dhakhtarkii
wuu maqlay waydiimaha odaygu ka daba tuuray, mar labaad intuu dib u soo
jaleecay isagoo dhoola cadeenaya ayuu ugu jawaab celiyay erayo xikmad badan
xambaarsan, waxuuna yiri “waxba ma sameeyeen balse waxaan maankayga xasuusin
lahaa oo usheegi lahaa kaliya In ciida
na laka abuuray iyadana dib naloogu celin doono Ilaahay sw amarkiis” marka
adeer maankaaga gali dhakhtar naf waqtigeedii dhamaaday masoo celin karo, balse
Ilaahay oo kaliya ayaa awooda ee ubari wiilkaaga! Anaguna waan udadaalaynaa
inta karaan kayaa Ilaahay idankiis.
Odaygii
markaan waa yara degay waxuuna bilaabay inuu hoos u gunuunaco sidii qof quus
taaganoo kale, waa kan isagoo hoos iskula hadlaya yiri “Waano aan waqtigeeda
lahayni afka u fududaa” waa halkay maahmaahda soomaaliyeed ka lahayd “Meel hoo
ubaahan hadal wax kama taro.
Muddo
saacada ah ayay dhakhtarkii ku qaadatay inuu kusoo gabagabeeyo qaliinkii uu
wiilka ku sameenayay, hadda wuu soo gabagabeeyay, in Ilaahay SW ku guuleeyay badbaadintii wiilka yar
waxaa cadeenaya kalmadda cajiibkaa ee afkiisa ka soo baxday “Alxamdu Lillahi” durbadiiba aabihii wiilka dhalay uyuu ku wargaliyay in
wiilkiisii badbaaday, misna uraaciyay isagoo sii ordaya haddaad wax waydiin ah
qabto waxaad waydiin kartaa kalkaalisada wiilka.
Odaygu
ma jeclaysan qaabka dhakhtarku ula dhaqmay aad ayuuna u la yaabay
habdhaqankiisa, welwelkii uu ka qabay cunigiisa waxaaba ugasii darnaaday
dhakhtarkaan aan fursaddaba u siinayn inuu dhagaysto su,aalaha badan ee
maankiisa ka guuxaya ee uu islahaa dhakhtarku hakaa qanciyo, halkuu warka
fiican ee wiilkiisa looga soo sheegay ku farxi lahaa, Ilaahayna SW ku xamdi naqi lahaa sidoo kalena
dhakhtarka umahad celin lahaa waxuu isku furay welwel, madaxiisana waxaan jirin
ayuu ku mashquuliyay oo waxuu hadda u caraysanyahay dhakhtarkii wiilkiisa
qaliinka ku sameeyay.!
Waa
kan misna xanaaquu u qabay dhakhtarka kala dul dhacay kalkaalisadii oo isagoo
qaylinaya ku yiri, “Waa maxay dhakhtarka caynkaan ah ee xirxiran? xitaa fursad nasiin
maayo aan su,aalo ku waydiino.
Kalkaalisadii
ayaa ugu jawaabtay iyadoo Ilmaynaysa: “Ninkaan aad eedda uhaysato shalay ayuu
wiilkiisii shil gaari ku geeriyooday, saakana asagoo jooga aaska wiilkiisa
ayaan ugu yeernay si uu ubadbaadiyo wiilkaaga! hadda wakaas ku guulaystay
qalinkii uu wiilkaaga ku sameeyay oo kuu badbaadiyay, waxuuna u deg degayaa
dhamaystirka aaska wiilkiisa adiguna wali eed baad uhaysataa”!
Jawaabtii
ay gabadha kalkaalisadu siisay ayaa ku noqotay filanwaa! Haduu isla qumanaa hadda
waxaa maankiisa ka guuxaya waydiimo ay kamid yihiin, maxaad samaysay?! Haduu is
caburinayayna hadda waa kan dhafoorada haysta oo labada gacmood madaxa isugu
geeyay.
Waxaan
sheekadaan ka baranaynaa muhiimada dulqaadka iyo samirku bulshada uleeyihiin,
diinteenna suubanna in badan ayay inoo sheegtay, imisaad aragtay qof u caraysan
qof kale oo xataa haddaad waysdiiso aan kuu sheegi Karin sabab sax ah oo lagu
qanci karo, imisaad maqashay mid ku haya hebel kas buu teleefonka iiga qaban
la’yahay oo xataa aan garanayn xaaladduu ku suganyahay, (inuu noolyahay, inu caafimaad qabo, inuu howl ku
jiro iyo inkale toona) waxaa laga yaabaa xataa inuusan dib ula hadlin arintaas
darteed. Mida kale inta badan dadka qof kasta waxaa haysta dhibaato ugooniya oo
uu la tacaalo una qarsoon, hadaba haddii dhibaato ku haysato ha ugu caroon
dadka saa garanba maysid iyagu waxay ku suganyihiine.
F.G.
Qodobadaan aan kusoo gunaanaday waxay qayb ka yihiin is faham waaga manta
bulshadeena ka dhex taaagan, waxayna Soomalidu ula baxday magacyo ay kamid
yihiin “Buufis buu qabaa iyo Jinkiisaa neceb iwm”
Waxaan qalinka kusoo xirayaa cinwaanka sheekada
“Ha ismoodin kaligii dhibane”
W.Q. Cabdifataax Xasan Cirguje
(Qarandoon)
Cirguje1986@gmail.com