Vrydag 29 Julie 2016

Tolow Yaa Furay?! Qaybtii 4aad.

Cabdifataax Xasan Cirguje (Qarandoon)
                                                                         Waa
Sheeko Ka Turjumaysa
dhacdo xaqiiqo ah
Qaybtii 4aad.....................................................
Adduunyoy wajiyo badan maxay hadba waji gooniya kuugu imaan? Anoo wali falanqaynaya xaajadaydii go’aan rasmiyana ka gaarin waxaaba dhacaya teleefonkaygii gacanta, yaab maxuu ahaa qofka xilligaan nagu soo kalahay inta iri waa aniga laacay mise waaba dibadda inaan qabto ahaa..
Hallaw daan iriba waxuu noqday nin aan saaxiibo nahay oo dalka Ingiriiska ku nool, bariidin kadibna waxuu iga codsaday inaan caawa garoonka diyaaradaha kasoo doono inan uu magaceeda iigu sheegay Nasteexo, oo ay qaraabo yihiin dalkaas ingiriiskana kasoo duushay, waxuu ii raaciyay in safarkani yahay socdaalkeedii ugu horeesay ee dalkaan ay ku timaado sidaa darteedna ay u baahantahay cid caawisa, “haddee ogow inantaan aad soo dhaweenayso lagaama xigee oo uu ula jeedo lama qabo” ayuu igula kaftamay, sidaas ayaana isku macsalaameynay saaxiibkay. Waan ku qasbanahay inaan yeelo codsiga saaxiibkay waayo waan isku leenahay sidoo kalena diinteena wanaagsan iyo dhqankeena suuban labaduba way amaaneen in la is caawiyo, su’aashuse waxay tahay tani qorshahaygii tagitaanka wax saamayn ah ma ku yeelan doontaa, waxaan markaas naftayda ku qanciyay jawaab oranaysa maya balse intii todobaad ah caawi kadibna asxaab kale inta ku xirtid ka dhaqaaji meesha, maahan meel si yar looga dhamaan karee.
Saacad kadib salaaddii maqrib ayaan tagay garoonka diyaaradaha Booli ee magaalada Addis Ababa(Bole International Airport), inanta horay isku maanaan arag oo wajigeedana ma aqoonsan karayn, sidoo kalena sawiro aan ku aqoonsado saaxiibkay iima soo dirin, mana samayn sida dadka qaarkiis yeelayeen oo ahayd inay wateen boorar yaryar oo dadkay soo dooneen magac yadoodu ku qornaayeen, dabcan dadka caynkaas ahi hoteelay ka socdeen ama shirkado caalamiya, hase yeeshee waxuu saaxiibkay ii sheegay inuu siiyay inanta magacayga iyo nambarkayga waxuuna igu yiri tag garoonka iyadaa kusoo wacaysee, marka aniga doorkaygu soo ma noqon inan moobeelka dhaq dhaqaaqiisa la socdo, intaanan soo bixin ayaan si fiican usoo dabaystay oo dab la’aan uga baqi maayo.
Hadda waan anigaan imid oo waxaan taagnahay iridda dadka soo degaya lagu soo dhaweeyo, kaligay maahan ee boqolaal qof oo kala jaad ah, kala dhalashaa oo kala dhaqan ah ayaa meesha tuban, qaar baa ubaxyo qurux badan wata oo ay ku muujinayaan dareenkooda farxadeed, qaarna boorar kii aan kor kusoo xusay bay la taagan yihiin oo ay ugu baaqayaan dadkay sugayeen, soomaali waa tii meelay tagtaba is raadsatee waxaan intaan sugayay ku biiray dhankay Soomaalidu taagnayd, kaftan iyo sheekooyin guud mar ah ayaana isku dhaafinay gaabkii banaanaa illaa qof walba oo naga mida qofkiisii la kulmay, baaritaan dheer oo gudaha garoonkaa kadib hadda waxaa soo bilawday dadkii, ruux walba qofkuu sugayay markuu kor ka arkayba waa kan orday oo farxad, marxabbayn iyo laabtoo uu galiyo kusoo dhaweeyay, Alle dhaqamada kala duwan cajaa’ibsanaa, layaabka aan halkaas ku arkay waxuu ahaa halka dadka qaarkii qosol iyo waji furan isku soo dhaweenayeen qaar baa oohin iyo qaylo iyaguna isku soo dhaweenayay, waxaa la iisheegay in qaar kamida qoomiyadaha Itoobiya dhaqankaas leeyihiin, waase mid kamida dhaqamida ugu layaabka badan dunida.
Aniguna xataa haddaan ordi lahaa oo dadkayga feerta ka raaci lahaa maba garanayo qofka aan soo dhaweenayo soo inaan iska taagnaado marka maahan, goor anna cagihii I daaleen dadkiina kala yaraaday ayaan maqlay telkayga oo dhacaya, hallaw haddaan iri waxaa dhagahayga kusoo dhacay cod hableed oo dareen kicis ah, Aboowe soo cumar maaha? Haa abaayo waa tuma? Boowe waa nasteexo dabcan xogtayda waa lagu siiyay ee kumee? Haa baayo caawoo dhan baan ku sugayayba waxaan taagnay meesha dadka lagu sugo ee adi kumee wali ma gudahaa ku jirtaa? May boowe waxaan taagnahay banaanka hore. Haddaan geesaha eegayba waxaa meelaan iga fogayn iiga muuqday inan quruxda ka muuqata aad ashqaraarayso si wacanna usoo labisatay, maxaa qurux Ilaahay SW u dhameeyay, (Sida loo dhuubanyahay day, bal dhexdaan loo sameeyay eeg, saa waa dibnaha ku yaal, waxaa kaaga daran waji furnaanta ay u dhalatay saa waaba dhoola cadayskaan dilaaga ah) waa nooca looyaqaan dhamays ma is tiri? Intii cabaar ah kalmad kale afkayga kama soo  bixin, telkiina ma isa saarin balse waxaan iska daawaday nimcadaan i hortaagan ee aan fursadda u helay, “Nin baa laga sheegay isagoo sidaydoo kale gabar qurux badan daawashadeeda ku raagay in la yiri, war heedhe dee qacda hore waxaan ahayn waa dambi, suu yiri Anigu qacdii horaan wali ku jiraayee ha iga qasina) Haatan waa tiiyoo kale ma istiri, kama shakiyin telkaan ay iyana dhagta ku hayso ee inta ciribta ka soo bilaabay ayaan madaxa ku geeyay daawashadeeda.
Waxaan iri ina adeeraw qoftii caynkaas ahay armaad dhahdaa lama hadlin waa markaan diriri lahaynee?
Waxuu yiri: warba waa kan dambeeyee dhagaha i amaahi Soomaali baa laga hayaa Allaw nimaan wax ogayn ha cadaabin, show inta aan daawanayay inanta iyana way i eegaysay oo waxay la yaabantahay habdhaqankayga, anoo mawjaddii aan galay wali dhex dubaalanaya meelaan marayana aanan garanayn ayaan mar qura ka maqlay telka dhexdiisa: Aboowe qofkaan isoo fiirinaya ma adigaa Cumar? Halmar ayaan inta naxay baraarugay, deedna eegay meeshuu codku ka soo baxay mise waaba inantii aan ku mashquulsanaa? Ha.ha..ha..haa..haa. baayo ayaan iri anigoo codka shid shidaya, say tiri dee caadi iska dhig maxaa ku helay boowe oo meesha inaga mari. Waayahay ee ina mari baan iri inta tagsiilihii ugacan haadiyay hada mar waan qajilsanahay oo waxaan sameeyay baan ogahay hadana waa faraxsanahay oo inantii quruxda badnayd waa tan barbarkayga fadhida……………………..
Dhamaad Qaybtii  4aad, Lasoco Qaybta xigta....................
W.Q. Cabdifataax Xasan Cirguje (Qarandoon)

Shaqooy Maxaan Ku Raadshay?!!

Cabdifataax Xasan Cirguje (Qarandoon)
Sheeko qiima leh
Shiine mudo badan ayuu shaqo doon ahaa oo kolba meeshii shaqo lagasoo dhajiyo u jarmaadayay, waraaq qalin ku qoryaa ama Kumbuyuutar uu mid ka baryay ku diyaarsayaaba Araajida uu shaqada ku codsanayo buu hadba meesha lagasoo dhajiyo  isla sii taagaa, isaga markaas uu dhiibay baa ugu dambaysa maqalkoodba qof warqadda codsigaa ka qabta mooyee cid dib ulasoo xiriirtana wali ma arag, waxuu hadda umuuqdaa rajo gab walise isma dhiibin wuu dareemayaa in meel un wax ka qaldanyihiin mase sixi karo halkay tahay, waa kan lugeenayaa mid kamida wadooyinka magaalada waa la dareemayaa in buuq ku furanayahay, Maxaa wax ubaranayay hadaanan shaqoba ku helayn? Maxaa waalidkay udhibayay hadaanan marnaba nasinayn/ goormay xoogayga cuni doonaan? Maxayse tahay Faa’idada waxbarashada ee tan iyo yaraantanadii nalagu dul akhrinayay/ Goormaanse miraha aqoontayda dhadhamin doonaa? Waydiimahaas iyo kuwa kaloo badan baa maankiisa kasoo burqanayay inta uwadadaas hayay, Jawaab ku filanna uma wada helin wuxuuse naftiisa ugu laab qaboojiyaa in waqtigu mar un siin doono jawaab waafiya.
Isagoo xaaladdaas ku jira walina wadadii aan ka dagan waa kan wargays dabayli la rooraysay ku istaagay, deedna iskama dhaafinee kor intuu usoo qaaday ayuu eegay taariikhda uu soo baxay warsidahaani mise waaba shalay, isha ayuu la raacay illaa uu kasoo gaaray bogga shaqooyinka banana, waxuu marba mid isdul taagaba waxuu markaan isha ku dhuftay mid ay ku xasishay aragtideedu, dhamaan aqoonta shaqadaan laga rabay shahaadooyinkoodii wuu haystaa kaliya kuma soo shaqayn, Inuu shaqo xareeyo kama daalee markiiba waxuu raadsaday agabkii uu araajida ku qoran lahaa, mase haysto kumbuyuutar uu araajida ku qorto kuna qurxisto mana haysto lacag loogu qoro, saaxiibadiisii uu kumbuyuutarka ka baryi jiray laftoodu shaqadaan bay rabaan inay soo codsadaan oo qof la tartamaya si fudud uga heli maayo maanta maalin kale yeelkeede. Sidoo kale mahaysto suut uu usoo xirto hadii loogu yeero waraysi shaqo (Interview), Malahan baabuur uu goobta shaqada ku tago mana haysto shilimaad uu baska ku raaco maadaama goobta shaqadu ka dhaganayd oo ah meesha arjiyada la geenayo xoogaa yara durugsanayd. Laakiin baahiyahaasi maahan kuwo Shiine udiidaya inuu shaqadaan codsado, mana jirto caqabad aan shaqo la,aan ahayn oo uu aaminsanyahayn.
Waxuu markaan ku dhaqaaqay suu uheli lahaa waraaq iyo qalin uu aqoontiisa iyo codsiga shaqada ku qorto, waxuu hadba meel u ordaba waxaa maankiisa kusoo dhacay buug xilligii dugsiga sare uu taariikhda ku dhigan jiray oo dhowr  bog ay ka banaanaayeen, markaan waxay howli ka taagantahay qalinkii uu wax ku qori lahaa balse waxaa isna fudeeyay Axmed oo ahaa saaxiibkiis kadib markuu ka codsaday, Markuu intaas meel ku hubsaday lama huraan waa cawska jiilaalee waa kan intuu kacay labadii shay ee uu qabay xoogaa toos toosistay oo kuleetiga utaagay,  deedna intuu biyo yar ku rusheeyay madaxa waa kan shanlo ku rogrogay timahiisa, Intaas kadib waxuu cagta lahelay wadadii ku toosnayd shirkadda isagoo wata warqaddii shaqada uu ku codsanayay oo uu siwacan qalinka ugu soo xardhay. Muddo Soddon daqiiqo ah oo uu soo socday kadib waxa uu hadda hor  taaganyahay shirkaddii shaqadu ka dhaganayd, qabashada ariijida (Aplication Request) iyo waraysiga shaqadu (Interview) waa isku mar daqiiqado lagu qiimeenayo codsiyada shaqada un baa udhaxaysa.
Sadex ruux baa uga soo horeeyay goobta shaqada waxayna sugayaan hadda inya   looga yeerayo waraysiga shaqada, waxay xiranyihiin suudad iyo kabo aad qaali u ah oo ay ugu talo galeen inay ku indho sarcaadiyaan maareeyaha Shirkada, Si kale kuma garatidee waa rag soo diyaar garoobay mana aaminsana inay jirto sabab ay ku waayi karaan shaqada, markay shiine arkeenba waa aamini waayeen aragooda, waxayna isku mar ku dhaheen, Maxaad meeshaan kasoo doontay miyaadan arkayn waxaad xirantahay ee uraya? Shiine si dagan ayuu ugu jawaabay waxuuna yiri halkaan waxaan u imid codsi shaqo. Iskumar ayay si jeesjees ah ugu qosleen. Waxaase qosolkii ka dhex galay maareeyihii oo bilaabay inuu mid mid ugu yeero waraysigii shaqada  (Interview), waa kan sida loosoo kala horeeyay ugu yeeraya. Maareeyihii Shirkadda Hadii aad shaqadaan ku guulaysato mushaarkaaga ugu horeeya maxaad ku samayn lahayd? Kii kooba marka hore waan ku dalxiisi lahaa marka xigana wadama horumaray baan kasoo adeegan lahaa. Maareeyihii waa tahay. Waxuu isla su’aashii waydiiyay kii labaad waxuuna ku jawaabay. Waxaan dalxiis gayn lahaa xaaskayga. Kii saddexaad gaari cusub baan kusoo gadan lahaa. Markaan Maareeyuhu waxuu uyeeray ninkii faqiirka ahaa, ma waydiin isaga su’aalihii dadka ka horeeyay uu waydiiyay balse taa badalkeed waxuu waydiiyay su’aalo dadka goobta ku sugnaa intooda badan is waydiinayeen markay arkeen ninkaan warqadaha rafkaa wata.
Maareeyuhu waxuu isku raaciyay dhowr su’aalood oo wada socda Maxaad codsiga Kumbuyuutar ugu soo qori wayday? Suutse maxaad usoo xiran wayday? Shiine si dagan ayuu uga jawaabay waydiimihii maareeyaha waxuuna yiri Maxaa yeelay lacag mahaysto mana jirto hoy (Guri) aan daganahay, shirkadana hadda lug baan ku imid. Maareeyihii markuu arkay aqoonta uu u leeyahay shaqadaan, markuu qiimeeyay baahida uu qabo shaqo, sidoo kalena is barbar dhigay isaga iyo asxaabtaan kale jawaabahoodii baashaalka iyo dalxiis doonka ahaa, waxuu yiri Shiine tani waa shaqadaadii, kaasna waa baabuur kaagii shaqada furihii siina waa kanee hoo, sidoo kale kanna waa furihii hoyga aad dagi lahayd.
Hadaba su’aashu waxay tahay marka laga tago baahida ninkaan haysatay maxay tahay waxa maareeyuhu ku doortay? Jawaabtu waa Shaqo ninkii baahideed qabaa qabta.
Maanta waxaa dalkeena ku arkaysa intiina ku sugana aragteena umaddeenii oo burburku dhan walba ka saameeyay, aqoon laguma helo shaqo haddaan kuu sii bayaansho dalkeena maanta shaqo laguma helo “Maxaa taqaanaa” Balse taa badalkeed waxaa lagu helaa shaqada “Yaa taqaan ama yaa ku yaqaan” Tusaale hadaad shaqo xareeso kan kuugu horeeya ee aad usheegto waxuu ku oronayaa , Ma codsigii oo qalalan baad dirtay mise cid baad ka daba dirtay! Waxaan ugu baaqayaa bulshawaynta Soomaaliyeed xalku waxuu inoo jiraa inta cadaaladu inoo jirto, markaynu isu cadaalad samayno baynu xal helin Inshaa Allah ee qof walbow gurigaaga iyo xafiiskaaga ka bilow.
W.T. Cabdifataax Xasan Cirguje (Qarandoon)

Cirguje1986@gmail.com

Vrydag 22 Julie 2016

Tolow Yaa Furay?! Qaybtii 3aad. W.Q. Cabdifataax Xasan Cirguje (Qarandoon)

                                                   
             

 Waa 
Sheeko Ka Turjumaysa
dhacdo xaqiiqo ah
Qaybtii 3aad.....................................................

Waxaan iri maxaad ulajeedaa weedhaas? Waxuuna yiri adaa fahmi doonee aan kuu dhameeyo sheekada, deedna waxuu yiri Subax khamiisaad ayaan ka baxnay magaalada Boosaaso habeen kadibna dalkoo idil ayaan ka dhamaanay, waxay ahayd markii iigu horeysay ee aan xadka wadankeena ka talaabo sidoo kalena wadankaan u soconay waxuu ahaa itoobiya oo ah dal aynu daris nahay, iguma cusbayn magaceedu oo wax badan ayaan taariikhdeeda kala socday hadase socdaalkaygaan waxuu noqonayaa kii iigu horeeyay ee aan dalkaas ku tago. Qorshahayaga kuma jirin inaan waqti badan joogno amaba ku maqnaano dalkaas balse waxaan isla meel dhignay 20 bari inaan howlahayaga kaga soo dhamaysano, marka loo fiiriyo qarashka aan ugu talo galnay iyo howlaha aan cidlada uga soo tagnay. Show Addis Ababay adna qorshahaagu waa kuu gooni, maxay wiil Bari usocday markuu yimid Galbeed uwareejisay oo hadal yari saa ku aqbalay, maxay inan hooyadeed xanuunsan xanaanadeeda usoo raacday subax ku tiri (Islaantu tolkeed iyo Soomaalay dhex joogtaayee asaagaa haka harin wa kuwaas yurub qabtee) oo saa safarkii qodxaha badnaa ku guda gashay Hooyadeedna wali sugaysaa oo magaalada baadi deeda laga raadiyaa.
Waxaan iri waan gartay? Anaga baa iga soo haray intaas waxaan eegayaa afkiisa waxaan  isku wadaaga   kabashada  shaaha macaan  ee  aannu meherada  u nimid cabidiisa iyo dhegaysiga sheekadaan xiisaha leh ee odayga.
Waxuu yiri Hadda waa aniga imid magaaladii dhag maqalka un ii ahayd, Ilaahayna SW howshii aan u nimid waa noo fudu deeyay, hadaba siduu qorshuhu ahaa ma laabanaynaa mise waxbaa isa kaaya badalay? ma su,aal baa kanool mar hadaan inantii ku daray qolyo boosaaso usocday kuna iri howlo yar baan soo dhamaynee walaale sii tag waan kaa daba imaane, howl maxay ah? Moojiyee maxay ahayd? aniga qudhaydu garan mayo howshaas aan gabadha uga haray, inaan irise markaan ka harayay waan xasuustaa, mudadii yarayd ee aan magaalada u joogay arinta inanta wax wayn baa ii baxay waana tan keentay malaha inaan ka yara dambeeyo, goobaha bulshadu isugu timaado loogama hadlo ganacsi sidaan aqaanay, loogamana hadlo waxbarasho sidaan ka filayay ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata wadankaas, loogamana hadlo wadaniyad sidaan is lahaa way samayn ummad dalkeedii burburay, waxaase maalin taasoo dhan toro rogta la hayaa xog iyo xeelad dhoof, kii xalay dhoofay warkiisii waayaal, kan caawa baxaya iyo kan qorsheenayana waa la ogyahay, sidoo kale kan loo soo diiday dal ku galkii(Visa) meeshaa lagu falanqaynayaa, iyana sheekada tahriibku meesha kama marnayn, waxaase iigu yaab badnaa waxay ahayd qariiradaha dalalka caalamka oo dhan korkay kawada hayaan dhalinta halkaas isugu timid, oo xeeladda wadan kasta lagu galo way kuu sheegin.
Waxaan iri haye? haatan saaxiibkay  nafis ayaa iiga muuqda oo wuxuu malaha dib umilicsaday waayihii kala duwanaa ee uu soo maray, sheekadii aniguna si fiican ayaan dhegta ugu raaricinayaa,  waayo wuxuu iiga warramayaa hawl  adduun iyo hammi dhoof, 90% waa arrin ka guuxaysa  dareenka bulshada
Waxuu yiri adigu yaanan hadal kugu daalinee bulshadaan soo arkay yar iyo wayn, rag iyo dumar way wada socdeen, oo mid caawa baxaya, mid ku daba xiga iyo mid qorsheenayay ahaayeen, maahan sheekooyin kaygii kuwaaan meesha yaal hase yeeshee waan ku qasbanahay inaan iska dhagaysto waayo ayagaan afgaranayaa oo soomaali ku hadlaya, sidoo kalena waan ka digtoonahay oo waxaan arkay in badanoo ila mida oo toboneeyo sano ka hor kasoo xaajo yeeshay magaaladaan balse aan dib uga soo noqon walina taagan, qaarkood oo aan waraystay waxay iisheegeen in layn dhoof u xaraysanyahay! Yaab shaw waqtiguba uma tirsana!.
Waxaan iri Maxaa ku reebay adiga marka?
Waxuu yiri: bal adba? shaki kuma jiro inay saamayn igu yeesheen sheekooyinkaan mala awaalka ah iyo waliba aadistayda garoonka diyaaradaha oo aan inta badan asxaab dhoofaysa wax ka sagootiyo kuwa imaanayana aan wax kasoo dhaweeyo, maxaa halkaas boorso la jiidayaa, maxaa is daba maraya bulshooyin kala nooca, kala midaba, kala dhaqana, maxaa diyaarado kala jaad ah meeshaas dhooban, waa hubaal qofka ku noq noqda inay saamayn ku yeelanayso, tusaale deegaan kaan ka imid sida waxbarashada looga soo doonto Addis Ababa loogama soo laabto, sanad walba boqolaal arday baa puntland kaliya uga timaada laakiin waxaa kasoo noqda tirada intaa leeg tobaneeyo arday oo qura amaba ka yar, dabcan waa dareemi kartaa sababta. Aniguse kaligay markaan sheekaysto waxaan isku qanciyaa inaan magaalada ujoogo si aan u ogaado fursadaha ganacsi ee magaaladaa yaala, alla maxaan been isu sheegayay! Tolku haduu i ogaan lahaa magaalada dag dag baa la iiga ka xayn lahaa.
Waxaa iri goormaad is garatay in filin kale kuu daaran yahay marka?
Waxuu yiri: malaha maanta ka hor ismaba ogaan, filin kulahaa saaxiibkay, ma filin buu ahaa waxa ii daarnaa? Soo kii ma ahan filinku dhamaan jiray? mise kaygu musalsal buu ahaa tallow? mooji, waxaan saa ku jiraba waxaad dhacday in aan maalin salaadii subax markaan tukaday kadib, hurdadii kuma laabanee waxaan bilaabay inaan is canaanto oo aan is waydiiyo su’aalo aan jawaabo uwaayay, kadib waxaa ii soo baxday in aanan magaalada wax caqli ah ku haynin sidaa darteedna dantu ay ku jirto inaan bacdayda ka qaato degdegna uga baxo intaysan xaajadu gaarin meel aan ka laabasho lahayn. Adduunyoy wajiyo badan maxay hadba waji gooniya kuugu imaan? Anoo wali falanqaynaya xaajadaydii go,aan rasmiyana ka gaarin waxaaba dhacaya teleefonkaygii gacanta, yaab maxuu ahaa qofka xilligaan nagu soo kalahay inta iri waa aniga laacay mise waaba dibadda inaan qabto ahaa..
……………………………………………………………………………..
Dhamaad Qaybtii 3 aad, Lasoco Qaybta xigta....................
W.Q. Cabdifataax Xasan Cirguje (Qarandoon)

Donderdag 14 Julie 2016

Tolow Yaa Furay?! Qaybtii 2aad. W.Q. Cabdifataax Xasan Cirguje (Qarandoon)

Cabdifataax Xasan Cirguje (Qarandoon)
                                                                                    Waa Sheeko
K turjumaysa
Dhacdo Xaqiiqo ah
Qaybtii 2aad.....................................................
Waan yaabay oo amakaagay cabaar kadib ayaa waxaan iri sxb marka laga tago inay aduun iyo xaalkiis tahay xoogaa ma iiyar faahfaahin karta dhacdooyinkaaga aan bulshada lawadaagnee?
Waxuuna ku bilaabay sidatan Cirgujow mararka qaarkood adigoo cirkaas maraya soo dhawaaq kuuma baxo oo markaad is tiraahdo ka wardoon ma noqdo mid aan kasoo laabasho lahayn, imisaad aragtay dad magac iyo maamuusba kulahaa bulshada ay la noolaayeen oo intay subax dhaqaaqeen soo noqodku la foolxumaaday kadib markii mijahoodii madaxa loo rogay?!
Waxaan iri way dhacdaa waxuu misna yiri waa adduun iyo xaalkiisee imisaad se aragtay mid noloshiisii aan rafaad adduunyo soo marin oo markii horeba reer ladan kadhashay hadana leh hanti u gooniya oo uu ku beec mushtaro deedna subax intuu tashkiiliye xume helay la moodsiiyay inuu waligiiba ciriiri iyo rafaad kunoolaa nolosha runtaana ay yurub taalo, deedna markaas wax kasta oo kashiisa ku jiray daadiyay oo suuqa geeyay hantidii Ilaahay Sw siiyayna ku iimaan xumaaday oo qawaday dabadeedna saas ku xaraashay, teeda kale kaagasii daranee markaasoo kale waxba looma sheegi karo oo waanadaada waxtarba moodi mayo ileen waa nimay bixiso wade, gaajo iyo rafaad aan hayn buu islahaa ka cararee  halkaas howl aduunyo ma uga bilaabatay waa “Darxumada xabsiyada, waana silicii saxaraha iyo bahalnimadii badda”. Oon iyo gaajo uusan waligiisba maqal mooyee la kulmin halkaas ma ku bartay, Intaas iyo kuwo kaloo badan waa arimo ubaahan in bulshadeenu ku cibra qaadato.
Waxaan iri gartay balse taadii inoo soo celi, waxuu yiri taydu xoogaa bay ka yara duwantahay kuwaas, Sideed sano ka hor waxaan ku noolaa magaalada Boosaaso xarunta gobolka Bari ahna xarunta ganacsiga Puntland, waa magaalo leh dakad ayna ku xiranyihiin inta badan Soomaalida geesku, waxaan lahaa bakhaar wayn oo aad u camiran suuqiisuna fiicanyahay dakhliga soo galana aad u sareeyo, waxaan haystay macaamil farabadan oo qaarkoodna gobolada dalka gudihiisa xoolaha nool ka keeno qaarkoodna carabta, hanti gaaraysay ilaa Konton kun oo doolar “$50,00” ayaa ku jirtay bakhaarkaas nolosha reerkayguna waxay ahayd mid aad u wanaagsan.
Sanadba sanadka ku xiga waxaa iisoo xaroon jirtay faa’ido aad usaraysa oo marar badan ayaan cidla uga tagay ganacsato xifaaltan iyo tartan adag naga dhexayn jiray illaa markii dambe hankayguba gaaray inaan ku hammiyo amaba hiigsado hoggaan uqabashada ganacsatada gobolka, haayoo waxaan goostay markaan waxii ka dambeeya inaysan jirin cid ila baratami karta sidaa darteedna aynan muhiim ahayn in aan ku habsaamo la tartanka wax ka sokeeya hogaanka sare.
Waxaan iri haye waxuu yiri adduunyoy xaalkaa ba! Maxaan been isu sheegay show aniga unbay igu koobnayd riwaayaddaan daawashada qurxoon ma anaa qadartaba talo ku darsaday? Soo tan aduunyadii is badashay maxaan hogaanka uqabtaa soo anigaan maanta shaahaba qabsan la! Teeda kale Maxay rag aan ogahay oo aan barqooyin hore baabaca ku dhaafay maanta heer gaaray oo la kulankoodu waqti igu qaadanayaa, haday jaanis igu helaana intay gaada ka cayaar iigu yimaadaan xifaaltan igu cassayn lahaa si aan kala har lahayn.
Waxaan iri gartay goor muu hadaba xaalku is badalay? Waxuu yiri soo subax anigoo howlahaas adduun kala qorsheenaya oo shaqaaluhuna ku mashquul sanaayeen baabuur raashin iyo hanti kale lagu raraayay hoowshoodana aan korkaa kala socdo la iima soo sheegay Xaawo Luula oo xanuusan dhakhaatiirtii gobolkuna ku taliyeen in dalka dibaddiisa loo qaado, haa waa Xaawo-Luula waa gabar walaashay iga yar ah oo aan inta ila dhalatay ugu jeclaa, haddaan xaafaddii tagay oo aan wax isla gorfeenayna mid dhaqaale iyo mid ciidanba iiga fursan wayday inaan noqdo qofka inanta u dhigaya Itoobiya si dhakhaatiirta waddankaas loogu soo dabiibo. Walaalkay iga yar oo aan waxbarashadiisa darted hawshaas uga turnay ayaan masuuliyaddii bakhaarka hawshiisii ku wareejiyay halkaasna waxaan tabaa bushadeedii ka galnay socdaalkii noloshayda wajiga cusub uyeelay, waxaad moodaa in subaxdaa la i kab tuuray oo la iga daba yiri “soco oo hasoo noqon!”
Waxaan iri Maxaad ulajeedaa weedhaas? Waxuuna yiri Adaa fahmi doonee aan kuu dhameeyo sheekada…………….
Dhamaad Qaybtii 2aad, Lasoco Qaybta xigta......................
W.Q. Cabdifataax Xasan Cirguje (Qarandoon)

Vrydag 08 Julie 2016

Tolow Yaa Furay?? Qaybtii 1aad W/Q: Cabdifataax Xassan Cirguje (Qaran Doon)


W/Q: Cabdifataax Xassan Cirguje (Qaran Doon)
                                                                                          Waa Sheeko
 ka turjumaysa
Dhacdo Xaqiiqo ah 
Qaybtii 1aad:
Waa fiidnimo jimco ah meeshuna waa mid kamid ah goobaha lagu caweeyo ee magaalada Garoowe caawa waxaad moodaa in dadku intii hore ka badanyahay salaadii Maqrib kadib ayaan halkaas soo gaarnay balse inta badan kuraastu waa ay buuxeen, anana 4 kursi oo meel gees ah yaalay baan 3 ku fariisanay wajiyada bulshada halkaas isugu timid waxaa ka muuqday farxad, raynrayn iyo qosol, waxaa la isku waday sheeko iyo shaah kaftankuna meesha kama marnayn, mararka qaarkoodna waxaa la arkayay in xifaaltanka laftiisu meesha kujiray.
Hase yeeshee dadku sidaa mawada ahayn xaaladaas farxadda iyo rayraynta ahaydna ma wada hayn kumana wada jirin, waa kan oo waxuu taaganyahay iridda lagasoo galo maqaayadda waxuu ku taaganyahay Tuute dooge ah iyo kabo buud ah o dhudhunka ujooga waxuu jeeni qaaranyahay qoriga looyaqaan “Ak47” Hase yeeshee Soomaalidu noociisa utaqaan “Geeslaab”, farxadi wajigiisa kama muuqato nasiinana hasheegin waxuu la,yahay kursi banaan oo uu ku fariisto, waa kan hadba gees jaleecaya bal in ay indhihiisu qabtaan meeluu salka dhigo, waxaan dareemay inuu ubaahanyahay cid ka caawisa dhibka haysta inta ugacan haadiyay ayaan ku caawiyay kursigii dheeriga nagu ahaa, neef kulul ayaa markaan kasoo booday oo intuu soo yara luuday waakan noo yimid hadana iskama fariisanee waxuu si xushmadi kujirto  noo waydiiyay inaan sheeko gooniya haysano iyo inuu nala fariisan karo waxaan usheegay markaas inaa naan sheeko gooniya haysan oo uu nala fariisan karo.
Guruubkayaga saddexdaa ee meesha sii fadhiyay caawa isku sheeko manihin, mowduuca miiska saarana ma noqon mid aan soo dhaweeyay ee waxuu ahaa mid ugooniya labadooda oo kaliya, waayo ma xiiseeyo ka sheekaynta iyo daawashada banooniga cagta saaxiibadayna waa kuwaan mar hore gorodda isla galay oo waxay ka doodayaan ciyaar dalka Ingiriiska laga dheelay oo ay xalay soo wada daawadeen, waxaa mar dhagtayda kusoo dhacay iyadoo mid leeyahay:
“Hadaan mar gurigaaga kugu tumay
Oo shan kaaga badiyay maadan ii
Saxiixayn, mise waan iska kaa dubtaa?
Kan kalena isku difaacayo:
Ii iih war tababarahaa ciyaarta iga
Qaldayee fursad kale isii gabigiisaba
Waan badalayaayee.
Qof aan aqoon ulahayn doodaha dadka ciyaaraha daawada wuu ku wareerayaa waxuuna iswaydiin su,aalo ay kamid yihiin, war ma xalay bay London joogeen? Ma banoonigay ciyaarayeen? Iyo Ma go,aanka wax ka badalkay wax kuleeyihiin?Anigase iguma cusba.
Tani waxay fursad ii siisay inaan la sheekaysto ninkaan daalka iyo isku buuqu ka muuqdo ee qariibka ah hada waa kan oo yara nasay shaahiina waa usoo socdaa, hadii aan iri xaalkaaga ka sheekeeba waxuu iisheegay in Cumar ladhaho uuna kamid yahay ciidanka qaranka Soomaaliyeed shalayna uu Garoowe kasoo dagay, waxuuna intaa iiraaciyay inuu Puntland kasoo jeedo gaar ahaana Boosaaso halkaas markuu marinayay wuu yara aamusay oo naftiisa la showray ana waqti ayaan siiyay si uu xoriyad udareemo.
Cabaar kadib ayaan waydiiyay in wax dhib ah ay jiraan iyo in kale waxuuna yiri: waxaan ahaa nin ganacsade ah ganacsigiisuna hanaqaaday, waxaan kasoo bilaabay miis yar oo lagu gado macaashul macaashka markii dambase waxuu noqday ganacsi wayn oo leh macaamiil badan oo dalka iyo dibada wax ka kala keena waligayna kuma fakarin inaan wax kale noqdo balse hiigsigaygu waxuu ahaa inaan mar un hogaanka uqabto ganasatada gobolka.
Waxaan iri haye maxaa xigay? Waxuu yiri waad aragtaa oo hada waxba gacanta kuma hayo waxaan ahay askari marmar gunno qaataa iyadana ma helo baahiyii aasaasiga ahaa ee aan xaqa ulahaa si aan dalka iyo dadkaba u difaaco mushaarna iskaba daa warkiisa. Waxaan iri: Sabab xoolihiise xagee ku dambeeyeen? Waxuu yiri: waxaan kaaga sheegaa waa dambi, waase aduun iyo xaalkiis!
Waxaan iri gartay? Waxuu yiri waxaan Addis ababa mar aan gaaray isku baranay Inantii noloshayda wax kabadashay hiigsigaygiina weecisay waan sheekeysanay misna isjeclaanay dabadeedna isguursanay, waxaan ku heshiinay inaan miraha jacaylkeena gurano oo Ingiriiska dagno iyana saa igu qaado. Waxaan iri gartay kadib maxaa xigay? Waxuu yiri Hada waa nin kale naagtiis meelaan ku furayna majirto!
Waxaan iri See ku dhacday? Waxuuna yiri dhacday waana aduun iyo xaalkiis! Waan yaabay oo amakaagay cabaar kadib ayaa waxaan iri sxb marka laga tago inay aduun iyo xaalkiis tahay xoogaa ma iiyar faahfaahin karta dhacdooyinkaaga aan bulshada lawadaagnee?
Waxuuna ku bilaabay sidatan:
Dhamaad Qaybtii 1aad, Lasoco Qaybta xigta.
W.Q. Cabdifataax Xasan Cirguje (Qarandoon)

Cirguje1986@gmail.com

Vrydag 01 Julie 2016

Daryeel La,aantii Aabe iyo Ducadii Hooyo


Muno waxay udhalatay Masar waxayna ku noolayd caasimada Maansuur ee Dalkaasi,  waxay kasoo jeedaa qoys danyara oo sabool ah, ninkeeduna waa nin baagamuudo ah inta badana aan guriga imaan, waxay tiri waxaa dhacday habeen gooray ay fiid tahay in lagu soo booday gabar yar oo aan dhalay dhowr bilood jirna ahayd, waxaa aad u karkariyay qandho saa’id ah oo ay laladi wayday anna walwal igu abuuray, waxba uma qaban karayn maxay yeelay daawo iska daayee cunto aan wax ugu soo gado xataa mahayn, habaynkaas gaajaan la hoyanay, odaygii reerkuna waa warmooge meelahaas habeenba meel ku dhaxa, kadib markaan arkay xaalku suu yahay waan istaagay waxaana tukaday laba rakcadood Illaahay baana Subxaanahuu Watacaal ubaryay ilmahayga inuu dhibta ka dulqaado, waayo majirto cid ka mudan oo la baryo, dabadeed inta fariistay baan dhabta ku qabtay oo hadba hooyo aamusta lahaa illaa ay gaartay xilli dambe oo habeen bar ah.
Anagoo xaaladdaas ku jirna ayaan maqlay garaacidda albaabka, waa kuma qofka albaabka garaacaya? Waa dhakhtarkii!.. Waa dhakhtarkii!.... inta xijaabkii soo qaatay ayaan furay albaaka. Asalaamu Calaykum? Wacalaykum Salaam. Aaway Gabadhii? Qolkay ku jirrtaa. Allahu Akbar! Waydiintuse Waxay tahay yaa soo diray Dhakhtarka?
Waxuu galay qolkii gabadhu tiilay baaritaan gaaban kadibna waxuu uqoray daawadii, intaas kadib dhakhtarkii banaanka ayuu usoo baxay waxuuna iwaydiiyay lacagtii uu gabadha yar ku dabiibay, anigu uma yeeran mana garanayo waxa dhacaya. Kadib ilmo ayaa igasoo qubatay waxaana usheegay dhakhtarkii inaanan haynin wax lacag ah oo aan siiyo. Waxuu si carol eh uyiri maxaad ula jeedaa? Maxaase kaa khaldan? Maadan xitaa xishoonayn? Waxaad iiyeertay xilligaan dambe oo umaddu wada jiifto si aan inantaada xaaladdeeda u eego, waxaadna ileedahay ma hayo waxaan bixiyo. Waxaan iri dhakhtar Wallaahay inaanan anigu kusoo wicin. Wicid iska daayee xittaa ma haysto waxaan taleefon ku gato. Cawaddaan xittaa waxba maanaan cunin.
Dhakhtarkii waxaa kasoo haray yaab, waxuuna si dagan uyiri maxaad kawadaa kuma soo wicin miyuusan kani ahayn nambarka gurigaaga? Waxaan iri may kaasi waa albaabka nagu xiga. Dhakhtarkii waxuu bilaabay inuu ooyo waayo waxuu fahmay in Alle usoo diray qoyskaan tabaalaysan. Waxuuna si qiira leh u yiri fadlan gudaha inagu celi, kadibna waxuu yiri bal xaaladdiina iiga sheekee maxaad ahaydeen? Waan uga sheekeeyay xaaladayada Alif  Illaa ya. Dhaktarkii wuu fahmay waxuuna usoo gaday cunto ay habaynkaas quuteen sidoo kalena intuu baxay ayuu jeebkiisa uga soo gaday daawadii ilma yar intaas ugama taginee waxuu siiyay lacag bil soddonkeed ku filan.
Hadaba walaalayaal miyuusan Alle inagu filnayn, miyaynaan mudnayn inaan Khaaliqa adduunkaan iyo waxa ku noolba abuuray inaan barino, intaan gacmaha u hoorsanayno makhluuq daciif ah oo nala mida. Waa dawladdeenii oo waxay oran: Beesha Caalamka waxaan ka codsanaynaa in dhibta nahaysta nalaga samata bixiyo!. Oo waa Shacabkeenii iyana waxay oran: Beesha Caalamka waxaan ka codsanaynaa in gaajada na haysata nalaga soo gaaro ama waxay oran Beesha Caalamka waxaan ka codsanaynaa daadad baa naqaatee in nalagasoo gaaro!.
Dhanka kale imisaa hooyo lamida Muno garanaysaa oo ku dhibaataysan soomaaliya kadib markii inbadan oo kamida ragoodii ku baylihiyeen ubadkii oo maanta caawimaad ubaahan, Taasi waa tan keentay baan isleeyahay in gabdho badan oo Soomaaliyeed ku khasabtay inay qaatka gadaan iyagoon cunin dhibtuu bulshada leeyahayna garanaya. Sidoo kale waa tan ku khasabtay haween badan inay qabtaan shaqooyinka ad adag sida dhisida guryaha iyo jabinta dhagxaanta iwm oo inta badan aad ku arkayso gobolada koonfureed ee dalka, haa way ku adagtahay inagamana mudnay hooyo inay shaqadaas qabato, Laakiin inay dawarsadaan waxay ka doorbideen inay ubadkooda iyo ubadkooda nolol uraadshaan waayaha adduunna iska dhacshaan.
Waxaan qalinka kusoo xirayaa Soomaalay aan dib isugu noqono boogaheenana dhayno iskuna naxariisano markaan isu naxariisanuu Rabbi noo naxariisanee.


W.T. Cabdifataax Xasan Cirguje (Qarandoon)


Tolow Yaa Furay?! Qaybtii 16aad.

                                                                                            W.Q. Cabdifataax Xassan Cirguje Waa She...