Cabdifataax
Xasan Cirguje (Qarandoon)
Sheeko qiima leh
Shiine mudo badan ayuu shaqo doon ahaa
oo kolba meeshii shaqo lagasoo dhajiyo u jarmaadayay, waraaq qalin ku qoryaa
ama Kumbuyuutar uu mid ka baryay ku diyaarsayaaba Araajida uu shaqada ku
codsanayo buu hadba meesha lagasoo dhajiyo
isla sii taagaa, isaga markaas uu dhiibay baa ugu dambaysa maqalkoodba qof
warqadda codsigaa ka qabta mooyee cid dib ulasoo xiriirtana wali ma arag, waxuu
hadda umuuqdaa rajo gab walise isma dhiibin wuu dareemayaa in meel un wax ka
qaldanyihiin mase sixi karo halkay tahay, waa kan lugeenayaa mid kamida
wadooyinka magaalada waa la dareemayaa in buuq ku furanayahay, Maxaa wax ubaranayay
hadaanan shaqoba ku helayn? Maxaa waalidkay udhibayay hadaanan marnaba
nasinayn/ goormay xoogayga cuni doonaan? Maxayse tahay Faa’idada waxbarashada
ee tan iyo yaraantanadii nalagu dul akhrinayay/ Goormaanse miraha aqoontayda
dhadhamin doonaa? Waydiimahaas iyo kuwa kaloo badan baa maankiisa kasoo burqanayay
inta uwadadaas hayay, Jawaab ku filanna uma wada helin wuxuuse naftiisa ugu
laab qaboojiyaa in waqtigu mar un siin doono jawaab waafiya.
Isagoo xaaladdaas ku jira walina wadadii
aan ka dagan waa kan wargays dabayli la rooraysay ku istaagay, deedna iskama
dhaafinee kor intuu usoo qaaday ayuu eegay taariikhda uu soo baxay warsidahaani
mise waaba shalay, isha ayuu la raacay illaa uu kasoo gaaray bogga shaqooyinka banana,
waxuu marba mid isdul taagaba waxuu markaan isha ku dhuftay mid ay ku xasishay
aragtideedu, dhamaan aqoonta shaqadaan laga rabay shahaadooyinkoodii wuu
haystaa kaliya kuma soo shaqayn, Inuu shaqo xareeyo kama daalee markiiba waxuu
raadsaday agabkii uu araajida ku qoran lahaa, mase haysto kumbuyuutar uu
araajida ku qorto kuna qurxisto mana haysto lacag loogu qoro, saaxiibadiisii uu
kumbuyuutarka ka baryi jiray laftoodu shaqadaan bay rabaan inay soo codsadaan
oo qof la tartamaya si fudud uga heli maayo maanta maalin kale yeelkeede. Sidoo
kale mahaysto suut uu usoo xirto hadii loogu yeero waraysi shaqo (Interview),
Malahan baabuur uu goobta shaqada ku tago mana haysto shilimaad uu baska ku
raaco maadaama goobta shaqadu ka dhaganayd oo ah meesha arjiyada la geenayo
xoogaa yara durugsanayd. Laakiin baahiyahaasi maahan kuwo Shiine udiidaya inuu
shaqadaan codsado, mana jirto caqabad aan shaqo la,aan ahayn oo uu
aaminsanyahayn.
Waxuu markaan ku dhaqaaqay suu uheli
lahaa waraaq iyo qalin uu aqoontiisa iyo codsiga shaqada ku qorto, waxuu hadba
meel u ordaba waxaa maankiisa kusoo dhacay buug xilligii dugsiga sare uu
taariikhda ku dhigan jiray oo dhowr bog
ay ka banaanaayeen, markaan waxay howli ka taagantahay qalinkii uu wax ku qori
lahaa balse waxaa isna fudeeyay Axmed oo ahaa saaxiibkiis kadib markuu ka
codsaday, Markuu intaas meel ku hubsaday lama huraan waa cawska jiilaalee waa
kan intuu kacay labadii shay ee uu qabay xoogaa toos toosistay oo kuleetiga utaagay, deedna intuu biyo yar ku rusheeyay madaxa waa
kan shanlo ku rogrogay timahiisa, Intaas kadib waxuu cagta lahelay wadadii ku toosnayd
shirkadda isagoo wata warqaddii shaqada uu ku codsanayay oo uu siwacan qalinka
ugu soo xardhay. Muddo Soddon daqiiqo ah oo uu soo socday kadib waxa uu hadda hor
taaganyahay shirkaddii shaqadu ka
dhaganayd, qabashada ariijida (Aplication Request) iyo waraysiga shaqadu
(Interview) waa isku mar daqiiqado lagu qiimeenayo codsiyada shaqada un baa udhaxaysa.
Sadex ruux baa uga soo horeeyay goobta
shaqada waxayna sugayaan hadda inya looga yeerayo waraysiga shaqada, waxay
xiranyihiin suudad iyo kabo aad qaali u ah oo ay ugu talo galeen inay ku indho
sarcaadiyaan maareeyaha Shirkada, Si kale kuma garatidee waa rag soo diyaar
garoobay mana aaminsana inay jirto sabab ay ku waayi karaan shaqada, markay
shiine arkeenba waa aamini waayeen aragooda, waxayna isku mar ku dhaheen,
Maxaad meeshaan kasoo doontay miyaadan arkayn waxaad xirantahay ee uraya? Shiine
si dagan ayuu ugu jawaabay waxuuna yiri halkaan waxaan u imid codsi shaqo.
Iskumar ayay si jeesjees ah ugu qosleen. Waxaase qosolkii ka dhex galay
maareeyihii oo bilaabay inuu mid mid ugu yeero waraysigii shaqada (Interview), waa kan sida loosoo kala horeeyay
ugu yeeraya. Maareeyihii Shirkadda Hadii aad shaqadaan ku guulaysato
mushaarkaaga ugu horeeya maxaad ku samayn lahayd? Kii kooba marka hore waan ku
dalxiisi lahaa marka xigana wadama horumaray baan kasoo adeegan lahaa.
Maareeyihii waa tahay. Waxuu isla su’aashii waydiiyay kii labaad waxuuna ku
jawaabay. Waxaan dalxiis gayn lahaa xaaskayga. Kii saddexaad gaari cusub baan
kusoo gadan lahaa. Markaan Maareeyuhu waxuu uyeeray ninkii faqiirka ahaa, ma
waydiin isaga su’aalihii dadka ka horeeyay uu waydiiyay balse taa badalkeed
waxuu waydiiyay su’aalo dadka goobta ku sugnaa intooda badan is waydiinayeen markay
arkeen ninkaan warqadaha rafkaa wata.
Maareeyuhu waxuu isku raaciyay dhowr
su’aalood oo wada socda Maxaad codsiga Kumbuyuutar ugu soo qori wayday? Suutse
maxaad usoo xiran wayday? Shiine si dagan ayuu uga jawaabay waydiimihii
maareeyaha waxuuna yiri Maxaa yeelay lacag mahaysto mana jirto hoy (Guri) aan
daganahay, shirkadana hadda lug baan ku imid. Maareeyihii markuu arkay aqoonta
uu u leeyahay shaqadaan, markuu qiimeeyay baahida uu qabo shaqo, sidoo kalena
is barbar dhigay isaga iyo asxaabtaan kale jawaabahoodii baashaalka iyo dalxiis
doonka ahaa, waxuu yiri Shiine tani waa shaqadaadii, kaasna waa baabuur kaagii
shaqada furihii siina waa kanee hoo, sidoo kale kanna waa furihii hoyga aad
dagi lahayd.
Hadaba su’aashu waxay tahay marka laga
tago baahida ninkaan haysatay maxay tahay waxa maareeyuhu ku doortay? Jawaabtu
waa Shaqo ninkii baahideed qabaa qabta.
Maanta waxaa dalkeena ku arkaysa intiina
ku sugana aragteena umaddeenii oo burburku dhan walba ka saameeyay, aqoon
laguma helo shaqo haddaan kuu sii bayaansho dalkeena maanta shaqo laguma helo
“Maxaa taqaanaa” Balse taa badalkeed waxaa lagu helaa shaqada “Yaa taqaan ama
yaa ku yaqaan” Tusaale hadaad shaqo xareeso kan kuugu horeeya ee aad usheegto
waxuu ku oronayaa , Ma codsigii oo qalalan baad dirtay mise cid baad ka daba
dirtay! Waxaan ugu baaqayaa bulshawaynta Soomaaliyeed xalku waxuu inoo jiraa
inta cadaaladu inoo jirto, markaynu isu cadaalad samayno baynu xal helin Inshaa
Allah ee qof walbow gurigaaga iyo xafiiskaaga ka bilow.
W.T.
Cabdifataax Xasan Cirguje (Qarandoon)
Cirguje1986@gmail.com
Geen opmerkings nie:
Plaas 'n opmerking
Waad kumahadsantahay Inaad soo booqato Baloogayga