Muno waxay udhalatay Masar waxayna ku noolayd caasimada Maansuur ee
Dalkaasi, waxay kasoo jeedaa qoys danyara
oo sabool ah, ninkeeduna waa nin baagamuudo ah inta badana aan guriga imaan, waxay
tiri waxaa dhacday habeen gooray ay fiid tahay in lagu soo booday gabar yar oo aan
dhalay dhowr bilood jirna ahayd, waxaa aad u karkariyay qandho saa’id ah oo ay
laladi wayday anna walwal igu abuuray, waxba uma qaban karayn maxay yeelay
daawo iska daayee cunto aan wax ugu soo gado xataa mahayn, habaynkaas gaajaan
la hoyanay, odaygii reerkuna waa warmooge meelahaas habeenba meel ku dhaxa,
kadib markaan arkay xaalku suu yahay waan istaagay waxaana tukaday laba
rakcadood Illaahay baana Subxaanahuu Watacaal ubaryay ilmahayga inuu dhibta ka
dulqaado, waayo majirto cid ka mudan oo la baryo, dabadeed inta fariistay baan
dhabta ku qabtay oo hadba hooyo aamusta lahaa illaa ay gaartay xilli dambe oo
habeen bar ah.
Anagoo xaaladdaas ku jirna ayaan maqlay garaacidda albaabka, waa
kuma qofka albaabka garaacaya? Waa dhakhtarkii!.. Waa dhakhtarkii!.... inta
xijaabkii soo qaatay ayaan furay albaaka. Asalaamu Calaykum? Wacalaykum Salaam.
Aaway Gabadhii? Qolkay ku jirrtaa. Allahu Akbar! Waydiintuse Waxay tahay yaa
soo diray Dhakhtarka?
Waxuu galay qolkii gabadhu tiilay baaritaan gaaban kadibna waxuu
uqoray daawadii, intaas kadib dhakhtarkii banaanka ayuu usoo baxay waxuuna
iwaydiiyay lacagtii uu gabadha yar ku dabiibay, anigu uma yeeran mana garanayo
waxa dhacaya. Kadib ilmo ayaa igasoo qubatay waxaana usheegay dhakhtarkii
inaanan haynin wax lacag ah oo aan siiyo. Waxuu si carol eh uyiri maxaad ula
jeedaa? Maxaase kaa khaldan? Maadan xitaa xishoonayn? Waxaad iiyeertay
xilligaan dambe oo umaddu wada jiifto si aan inantaada xaaladdeeda u eego, waxaadna
ileedahay ma hayo waxaan bixiyo. Waxaan iri dhakhtar Wallaahay inaanan anigu
kusoo wicin. Wicid iska daayee xittaa ma haysto waxaan taleefon ku gato.
Cawaddaan xittaa waxba maanaan cunin.
Dhakhtarkii waxaa kasoo haray yaab, waxuuna si dagan uyiri maxaad
kawadaa kuma soo wicin miyuusan kani ahayn nambarka gurigaaga? Waxaan iri may
kaasi waa albaabka nagu xiga. Dhakhtarkii waxuu bilaabay inuu ooyo waayo waxuu
fahmay in Alle usoo diray qoyskaan tabaalaysan. Waxuuna si qiira leh u yiri
fadlan gudaha inagu celi, kadibna waxuu yiri bal xaaladdiina iiga sheekee
maxaad ahaydeen? Waan uga sheekeeyay xaaladayada Alif Illaa ya. Dhaktarkii wuu fahmay waxuuna usoo
gaday cunto ay habaynkaas quuteen sidoo kalena intuu baxay ayuu jeebkiisa uga
soo gaday daawadii ilma yar intaas ugama taginee waxuu siiyay lacag bil
soddonkeed ku filan.
Hadaba walaalayaal miyuusan Alle inagu filnayn, miyaynaan mudnayn
inaan Khaaliqa adduunkaan iyo waxa ku noolba abuuray inaan barino, intaan
gacmaha u hoorsanayno makhluuq daciif ah oo nala mida. Waa dawladdeenii oo
waxay oran: Beesha Caalamka waxaan ka codsanaynaa in dhibta nahaysta nalaga
samata bixiyo!. Oo waa Shacabkeenii iyana waxay oran: Beesha Caalamka waxaan ka
codsanaynaa in gaajada na haysata nalaga soo gaaro ama waxay oran Beesha
Caalamka waxaan ka codsanaynaa daadad baa naqaatee in nalagasoo gaaro!.
Dhanka kale imisaa hooyo lamida Muno garanaysaa oo ku dhibaataysan
soomaaliya kadib markii inbadan oo kamida ragoodii ku baylihiyeen ubadkii oo
maanta caawimaad ubaahan, Taasi waa tan keentay baan isleeyahay in gabdho badan
oo Soomaaliyeed ku khasabtay inay qaatka gadaan iyagoon cunin dhibtuu bulshada
leeyahayna garanaya. Sidoo kale waa tan ku khasabtay haween badan inay qabtaan
shaqooyinka ad adag sida dhisida guryaha iyo jabinta dhagxaanta iwm oo inta
badan aad ku arkayso gobolada koonfureed ee dalka, haa way ku adagtahay
inagamana mudnay hooyo inay shaqadaas qabato, Laakiin inay dawarsadaan waxay ka
doorbideen inay ubadkooda iyo ubadkooda nolol uraadshaan waayaha adduunna iska
dhacshaan.
Waxaan qalinka kusoo xirayaa Soomaalay aan dib isugu noqono
boogaheenana dhayno iskuna naxariisano markaan isu naxariisanuu Rabbi noo
naxariisanee.
W.T. Cabdifataax
Xasan Cirguje (Qarandoon)
Geen opmerkings nie:
Plaas 'n opmerking
Waad kumahadsantahay Inaad soo booqato Baloogayga