Cabdifataax Xassan Cirguje
Waa Sheeko
Ka Turjumaysa
Qaybtii 14aad.....................................................
Cali yare waxuu sugayaa markaan jawaabtayda, ka
horse intaanan ujawaabin waxaan jaleecay raggii kalee ila dhagaysanayay, bal
inay waxuun falcelis ah ka bixiyaan, iyana waa kuwaan xagayga soo wada eegaya
oo sidaan wax waydiiday isku daray dhoola cadaynta iyo madaxay wada ruxaan, waa
la fahmayaa inay natusayaan siday ula wada dhacsanyihiin fikradda Cali yare,
markaan caad igama saarna in raggu isku wada aragti yahay, yeelkeedee waxaan
anoo xiniya iska baaraya inta laan xul ah lasoo baxay iri qorsha xiga inoo
raaci…………………….. ……………………………………………………………………………………....
Deedna waxuu yiri waan ogaa inaadan yeelayn, waayo
nin howl iyo balaayo kala horkeed kusoo jiray yeeli maayo inuu meel iska
fariisto deedna iska baashaalo, hadaba waxaan kuu hayaa qorshe howleed ku
anfacaaya oo aan dhamaantayo kugu garab siin, illaa aad ka gaarto heer
aragtidaadu qaali noqoto la fadhiisigaagana iskadaa warkiisa, laakiin waxaan
kaa codsanaynaa inaad naga balan qaado markaas inaadan raggaaga hilmaamayn
intii awoodaada ah. Markaan inkastoo wali uusan ii dhamayn qorshaha hadana
waxaad moodaa inuu halkaan rabay ka hayo, aad baan ula socdaa dhagaysiga
hadalkiisa iyo waliba dhaqdhaqaaqa gacmihiisa oo inta badan uu wax ku sharaxayo,
waxaan waydiintiisii ugu jawaabay si farxad iyo kalsooni kujirto anoo dhoola
cadeenaya “Saaxiib waa balan cidii ka shaqaysan inaan guulaysto oo heer gaaro
inaan la shaqayn doono oo iyagu ay noqon doonaan cidda miraha ugu horaysa
shaqadayda gurata”.
Waxuu yiri inkastoo rag kaa horeeyay sidaanoo kale maskaxda
utuujinay inta ufariisanay, taladaan siinayna ku liibanay oo hadda cirkaas
mariya, misna na hilmaamay oo wali aan sugayno bal inay dib naga soo xasuustaan,
hadana waan soo dhaweenaynaa balan qaadkaaga. Kalmadahiisaas afeeftaa ee uu ka
hormariyay qodobka labaad waxay ii ahaayeen dhiirigalin, waxayna iiga dhignaayeen
sidii isagoo itusay taladay isiinayaan miraheedii oo horay loo tijaabiyay,
dhanka kalena waxaan ka carooday abaal lawaayashaas raggii heerkaas inay
gaaraan usababta ahaa sida fudud ku hilmaamay.
Deedna waxuu yiri Cumaraw saaxiib waxaa socda qorshe lagu
dhisayo ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed XDS, Madaxwaynaha Soomaaliyana waxuu
balanqaaday cid kastoo ka qaybqaadata inuu ka abaalmarin doono sidoo kalena
taariikhdu xusi doonto, hada madaxwaynuhu waxuu imaanayaa jimcaha soo socda hoteelkaa
taqaanay buuna dagayaa, marka seed u aragtaa haddaan ku siiyo qorshe shaqeenaya
oo magaaladii iyo deegaankii aad ka timid, ee aad natiri ku noqosho malehna aad
tagto adoo wafdi wata deedna halkaas kugusoo dhaweeyaan si aan kala har lahayn,
dhanka kalena aad si fudud uga mid noqoto wasiirada cusuba ee iskushaandhaynta
xukuumaddu shalay ku dhawaaqday kujiri doona.
Dhagaysiga qodobkaan timihii baa iga yaaci gaaray
yaab awgii, inta geesaha dhawray baan iri saaxiib dee markii horaa lagu qaatoo
aad riya maalmeedka kujirtay, malaha dee saaxiib hadda waad ku dhufatayba, mise
maahee “Qaadkaa ku anfacay caawo”, yaa wasiir noqda ma anigaan aan waligayba
iskoolka galin? Yaase madaxwayne la kulma? madaxwaynaha ma wa xaad mooday qof
cid kasta iskala kulmi karto iyadoon howlba umarin, ma asagaa waqti intaa leeg
nooceenaan iska daaqaya uhaya? Waxuu yiri iska daa warkaas anaa ku tusaya
madaxwaynaha oo taleefonkaaga aan ka dhamaan marwalbana kula soo hadlaya, ee
adigu diyaar ma utahay mise muran cidlaa baa meesha ku haysaa hana wareerinee?
Saan iri dee haayee walaal wax macquulaa dadka loo sheegaa, bal waligaa ya
Allahaa ma maqashay Madaxwaynaha oo maanta la kulmay muqayiliinta? way tira
dhaaftay intaan maqalnay madaxwaynaha oo lakulmay ardayda iyo aqoonyahano
kalee, hadii arintaas aad sheegayso la helaayo anaa boqolaal askar soo dhoobaya
maalin gudaheed, waayo reerkayagu waligii wasiir ma helin oo waa lagacab
bidixeeyaa, haday ku helayaan sidaan fududna intay doonaan oo askaraa laga
helayaa, intuu hadalkii igasoo dhex galay buu yiri war hoy illeen balo war dee
see wax laguu fahansiiyaa, yaa dhahaya muqayiliin magacyo kalaa loo baxshaayee,
dhanka kalese miyaadan ogayn hadda dadka ugu badanee qayilaa inay yihiin
madaxda? oo qurba joog baa nahay, ganacsadaan ahay iyo Macalin horaan ahaan
jiray meesha kuwada yimid? Yaa magacyadaas huwantaa iyo kuwo kaloo badan kaa
xiga, kuwo aan wali la isticmaalin baan kuu haynaa adiga ninyahaw oo
barafasooradu fadhiga kaaga kacayaan haday maqlaan, howshuba ha yaraatee diyaar
ma utahay tijaabada koobaad inaan ku tuso markuu madaxwaynuhu yimaado? Anoo dhanna
la dhakafaarsan warkiisaan dambe ee ah in lawada qayilo xoogaana soo yara
dabcay baan ugu warceliyay si halhaleel ah diyaar, haddii sidaa iisheegayso
madaxwaynuhu iskadaa wax kalee xataa ogalaado inuu nala kulmo, waxkastood
idhahdo sidii xadiiskii baan uqaadan, sidaas ayaan ku balanay Cali yare
asxaabtii kalena uwada riyaaqeen, waxuu misna intaas ii raaciyay inaan Jimcaha
kahor meelaan kakeenaba aan “Suut iyo Taygiis” raadsado sidoo kalena kabo buud
ah oo kusoo baxaya iyana sooraacsho,
haye iyo hawraarsan baan maalintaas ku kala hoyanay….........................................................
……………………………………………………………………………………….......
Dhamaad
Qaybtii 14aad Lasoco Qaybta
xigta....................
W.Q. Cabdifataax
Xasan Cirguje (Qarandoon)
Geen opmerkings nie:
Plaas 'n opmerking
Waad kumahadsantahay Inaad soo booqato Baloogayga