Cabdifataax Xassan Cirguje
Waa Sheeko
Ka Turjumaysa
dhacdo
xaqiiqo ah
Qaybtii 15aad.....................................................
Anoo dhanna la dhakafaarsan warkiisaan dambe ee ah
in lawada qayilo xoogaana soo yara dabcay baan ugu warceliyay si halhaleel ah
diyaar, haddii sidaa iisheegayso madaxwaynuhu iskadaa wax kalee xataa ogalaado
inuu nala kulmo, waxkastood idhahdo sidii xadiiskii baan uqaadan, sidaas ayaan
ku balanay Cali yare asxaabtii kalena uwada riyaaqeen, waxuu misna intaas ii raaciyay
inaan Jimcaha kahor meelaan kakeenaba aan “Suut iyo Taygiis” raadsado sidoo
kalena kabo buud ah oo kusoo baxaya iyana sooraacsho, haye iyo hawraarsan baan maalintaas ku kala
hoyanay………………………………………………………….
Maalintii xigtay waxaan baadi goob ugu dhaqaaqay
halkaan ka heli lahaa labiskaan tilmaanta gaarkaa leh ee aanan waligay
dushaydaba uquurin, iyo qooshaan xujada ah ee iyadana aan garanba waayay
micnaha looga jeedo, in sidii waxarihii qool madaxa la surto waliba kaaga
daranee xarago loola jeedo, waa waydin wax iiga jawaaba aan waayay, igumase
cusba oo dhaladaan had iyo goor ka arkaa dad caynkaas ulabisan, yeelkoodee howl
aan yarayn kadib hadda waa anigaan kusoo hubsaday meel xafidan, waxay maalinba
maalin noo dhiibtaba saaka waa subax jimcaad, waxaana kamid ahay boqolaal
Soomaali ah oo gagidda dayuuraha hortooda isugu yimid say usoo dhaweeyaan
Madaxwaynaha, guddi utababaran arimaha soo dhawaynta oo safaaraddu magacawday
ayaa si qurux badan noo safay, waa markii iigu horeesay oo aan soodhawayn ka qayb
qaato sideedaba gaar ahaana mid madaxwayne, taasna micnaheedu maahan halkaan ka
imid Madaxwayne ma yimaado, wuu yimaadaa walibana si kabalaaran sidaan baa loogu
soo dhaweeyaa, balse dad kibray bay ii ahaayeen dadkaasi waligayna ma kama
qaybqaadan, qofka kaliya ee xagayga qiimaha kalahaa waa qofka shaqaysta
ganacsigana abuura, maantase waa maalin kale waxaana kujira safka hore ee
soodhawaynt, waa maalin kamida maalmaha tirada dhaafay ee intaan Addis imid buuga
noloshayda sida fudud ugusoo biiray, kaaga daranee intooda badan waa kuwaan
dadka uga digi jiray ee ila foosha xumaa, silamida dadka kale waa anigaan
lulaaya calankii Soomaaliya.
Laba saac oo aan halkaas taagnayn kadib diyaaraddii
madaxwaynaha waday waa soo cagadhigatay, waana kuwaan garoonka kasoo baxay
hada, Madaxwaynaha iyo wafdigiisii labada gole ee uu hogaaminayayna waa kuwaan
mid mid noo gacan qaaday, iyagoo wajiyadooda laga dheehan karay farxad iyo
kalgacayl, erayadii dhiiragalinta ahaa ee xasuustayada ka go’iwaayay oo
madaxwaynuhu halkaas ka jeediyay waxaa kamid ahaa:
Waxaad tihiin ubaxii
wadanka waxaadna tihiin cududdii wadanku ku faanayay had iyo goor, naftiina
xasuusiya inaad tihiin cidda uu dalku sugayo inay ka samata bixiyaan abaartaan
dheeraatay ee ku habsatay, intaan maqan tihiina dadaalkaan wadno qabyo ka bixi
maayo ciidamo shisheeyana ka maarmi mayno, idinkuna daynmaysaan inaad
warsidayaasha ku daabacdaan, gaalaa nagusoo duushay, waa nala haystaa iyo
gumaysi cusub baan galnay. Maxaa idiin diiday inaad si caqliyeesan ufakartaan,
caqli saafiyana adeegsataan? Sooma ogidin hadaad cududiina midaysaan inaad
sharaftii dalkiina kusoo celin kartaan maalmo kooban? Sooma qurux badna intaad
hadalada mooraal jabkaa qoraysaan inaad halganka ka qaybqaadataan wuu socdaayee
ubadkiinana mustaqbal u abuurtaan? Runtaan idiin sheegayaa maanta ee imaqla, anaguba
majeclin in ciidamo shisheeye ciideena joogaan idinkaase nabaday! Inta ka
dhexgalay anoo aad uqiiraysan meelaan marayana is ogayn baan iri, Madaxwayne Maxaad
ka wadaa hadalkaas, sidee baan kuu badnay?! Maxaanse awoodnaa anagu oo howshaas
ka qaban karnaa, shacab masaakiinoo iyaguba dulman baa nahee?! Rag ka agdhawaa
oo malaha kuwa amaanka ahaa baa igusoo qamaamay oo ihantaatureeyay, waxaase
igala hadlay madaxwaynaha oo si fiican waydiimahayga udhuuxay waxuuna yiri,
daaya odayga waxba muu dhiminee, suuye intuu xagayga usoo dhaqaaqay magacaa
saan iri cumar, suuye cumaraw afka alle kuma gooyo waydiin muhiim ah baad nawaydiisay
xaq baadna uleedahay inaan kaaga jawaabno. Wax badan baad qaban kartaan
hadiinaan is yeelyeelayn, waxaan bilawnay sidaa lasocotaanq orshe dib loogu
dhisayo ciidankii Xooga Dalka Soomaaliya XDS si aan uga maarano ciidamo
shisheeya, waxaan ubaahanahay inaad nagala qaybqaadataan maqnaanshihiina waan
tabaynaayee oo iinaan nagu dhawran, waxaan ubaahanahay dhiirigalintiina,
maalkiina, cududiina iyo qalbigood naga taageertaan. Walaalayaal hadiinaan hadda
diyaar u ahayn inaad halganka uga
qaybqaadtaan muruq ahaan iyo maal ahaan,
qalinkiina nagu taageer oo bulshada tusa ololaha ciidanka qaranka lagu dhisayo
loogana maarmayo ciidamo shisheeye lafteedu waxtar bay nootahee, hadiinaan
taasna yeeli Karin naga daaya qoraalada aan cilmiga ku dhisnayn ee halganka
xagal daacinaya mooraalka ciidankana dhaawacaya. Ugu dambayn waxaan hortiina ka
balanqaadayaa inaan qofkii halganka nagala qaybqaata ka abaalmarin doonto,
taariikhda wadanka waxuu ka gali halkay ka galeen dhalinyartii SYL. Intaas
kadib waxuu cod sare oo dhiiri gali Madaxwaynuhu kuyiri, Soomaaliya ha
noolaato, Soomaaliya ha israacdo, Soomaaliya ha guulaysato, idinkana Ilaahay
quluubtiina ha isku dumo dantiinana ha ini tuso, deedna wuuna dhaqaaqay isagoo
gacanta noo taagaya.
Waxay ahayd qudbad aad uqiiro badan runtii dadkii
meeshii isugu yimid saamayn weyn ku reebtay, waxuu noo yimid Madaxwaynuhu
anagoo sacabka, mashxaradda iyo erayada soo dhawaynta ah “Soo dhawaada
Jaalayaalow” isku wadna oo sawaxankayaga meel fog lagasoo maqlayo, waxuuna naga
tagay anagoo aad moodo inaan dhagaxaan nahay sharqan la’aantayada, wax kalena
maahee kalmadihiisii wadaniyada ahaa baa saamayn nagu wada yeeshay,
damaashaadkii iyo qayladii aan isku wadnayna ka dhigay faynuus Qorax kuso
baxday…………… ………………………………………………………………………………………
Dhamaad
Qaybtii 15aad Lasoco Qaybta
xigta....................
W.Q. Cabdifataax
Xasan Cirguje (Qarandoon)
Geen opmerkings nie:
Plaas 'n opmerking
Waad kumahadsantahay Inaad soo booqato Baloogayga