Vrydag 28 Oktober 2016

Tolow Yaa Furay?! Qaybtii 16aad.

                                                                                          

W.Q. Cabdifataax Xassan Cirguje
Waa Sheeko
Ka Turjumaysa
dhacdo xaqiiqo ah
Qaybtii 16aad.....................................................
Waxay ahayd qudbad aad uqiiro badan runtii dadkii meeshii isugu yimid saamayn weyn ku reebtay, waxuu noo yimid Madaxwaynuhu anagoo sacabka, mashxaradda iyo erayada soo dhawaynta ah “Soo dhawaada Jaalayaalow” isku wadna, oo sawaxankayaga meel fog lagasoo maqlayo, waxuuna naga tagay anagoo aad moodo inaan dhagaxaan nahay sharqan la’aantayada, wax kalena maahee kalmadihiisii wadaniyada ahaa baa saamayn nooga tagay, damaashaadkii iyo qayladii aan isku wadnayna ka dhigay faynuus Qorax kuso baxday………….............................................  ………………………………………………………………………………………......
Waa anagaan wali sidii utaagan halkii nala istaajiyay saacado kahor calankiina sidii kor u babinayna, misana sii eegayna gawaaridii wafdigu lasocday oo meel fog kasii muuqda, waa nakan markay libdheen mar qura wada baraarugay, deedna qof waliba hadal yari hortiisa udhaqaqay, markaan gurigii tagay anoo kabahaygii qaba ayaan sariirta isku tuuray, waxaa hadba ihor imaanayay muuqaaladii quruxda badnaa iyo bulshadii calanka wada lulaayay, misna waxaan xasuustayda kusoo dhacayay qudbaddii qiirada lahayd iyo waliba waydiimihii madaxwaynahu shaqo gurida nooga dhigay.
Markii laga tago inaan inta kale bulshada kala sinaa hadana waxaa ii dheeraa laba arimood, waa midda koobaadoo waligay lama kulmin madaxwayne maanta ka hor ismana oran way dhicin, waxa kaliya ee sanadihii lasoo dhaafay waqtigayga ku baxshay ganacsi asagaana wax kasta ii ahaa, maantase waxaan dareemayaa lahaansho, daljacayl iyo wadaniyad, waxaan hadba ku haminayaa dalkoo hagaagay iyo inagoo jahwareerka ka baxnay, waa midda labaadee waxuu madaxwaynuhu ka dhawaajiyay baahida looqabo cudud ciidan suu qaranku mar kale cagihiisa dib isugu taago, waxaa markaas qub iyiri qorshihii Cali yare iisoo jeediyay inay wax ka jiraan, taasna waxay igalisay rajo hor leh,  Maalintaas cag umaanaan laalaadin ee waxaan is niri hayara nastaan, anana waxaan galnay diyaar garawgii ugu dambeeyay iyo qorshahaan la shirtagi lahayn.
Waxuu waqtigu isguraba waxaa lagaaray galabnimadii sabtida, goorsheegtadu waxay isdul taagtay saddexdii galabnimo oo buuxda, halsaac oo qura ayaa ka dhiman waqtigii qorshuhu ahaa inaan utagno madaxwaynaha, waxaan isugu nimid halkaan ku balanay inaan tagsiga ka raacno, waa kuwaan raggii oo aadan midna garanayn, shaw bahalkaan suutkaa baa wax kale kasoo saara dadka, soo kuwaan maahan raggii xayraamiinta ahaa wada wasiirada aad moodo yaabay anigu, waxaase iigu darnaa markaan arkay odaygii colaad ahaa ee labada farood saacadda ku cuni jiray suldaanka aad moodid oo anigiiba iqaldi gaaray, maxaa ku dhahaa dee wataa ushii xumaydee madaxa uwayneed loogu badalay Matoobo dubaay laga keenay oo dhawaan isimadu wada qaateen, surwaalkii lugta udheeraana waa kan isna lagu badalay macawis aan aad ula dhacay, saa waaba shaatiga iyo koofiyadaan aad moodo inay isleeyihiin, waxaa kaaga daran go’aan shaalkaa ee loo jeeni qaaray, waxaa la iisheegay inuu riwaayadda ku matalayo suldaanka beeshayada, sidoo kale saddex saaxiibaday kamidoo ila socda iyana inay kumatalaan odoyaashii reerka, aniguna aan ku matali doono inaan ahay qurbaawi muddo dalka ka maqnaa hadana uyimid suu uga qaybqaato dib udhiska dalka kasocda, sikale kuma garatidee waa qorshe loo qayilay. Aad baan ula cajabay runtii shaxdaan quruxda badan ee ay sii jeexeen, waxaan waydiiyay ajandaha aan madaxwaynaha kala hadlayno isna muxuu noqon, waxaa la iisheegay markaas inuu yahay laba qodob oo qura: kan koobaad waa cabasho beeshu kacabanayso xukuumadiisa maadaama aysan iska dhex arkin, qodobka labaadna waxuu noqon inay beeshu diyaar utahay ka qaybqaadasha dib udhiska ciidanka qaran ee dalka, deedna waxaan iri maxuma seen codkana ukala qaadanay marka, waxay dhaheen salaanta kadib Suldaan Coldoon baa hadalka furaya, waxuu marka hore ku bogaadinayaa madaxwaynaha sida wanaagsan ee uu noo qaabilay iyo suu markasta diyaarka ugu yahay dhagaysiga baahiyaha bulshadiisa, kadibna waxuu uraacin cabashada reerka, suldaanka hadalkiisa kadib madaxwaynahaynuhuu hadalka siin suu uga falceliyo, kadibna adigaa hadalka ubixin marka hore waxaad ku amaanin dowladda qorshaha dib udhiska ciidanka iyo sidaad hawshaas uga qaybqaada, markaad kabaxdo waxaa kugu xigsan cali iyo indhabuur oo taariikho qurux badan kuuyeelin, ugu dambayna  madaxwaynaha ayaynu ku celin suu  usoo gunaanado……………............................................................................................. ...........................................................................................................................................
Dhamaad Qaybtii  16aad Lasoco Qaybta xigta....................
W.Q. Cabdifataax Xasan Cirguje (Qarandoon)


Donderdag 20 Oktober 2016

Tolow Yaa Furay?? Qaybtii 15aad.

                                                   
Cabdifataax Xassan Cirguje
Waa Sheeko
Ka Turjumaysa
dhacdo xaqiiqo ah
Qaybtii 15aad.....................................................
Anoo dhanna la dhakafaarsan warkiisaan dambe ee ah in lawada qayilo xoogaana soo yara dabcay baan ugu warceliyay si halhaleel ah diyaar, haddii sidaa iisheegayso madaxwaynuhu iskadaa wax kalee xataa ogalaado inuu nala kulmo, waxkastood idhahdo sidii xadiiskii baan uqaadan, sidaas ayaan ku balanay Cali yare asxaabtii kalena uwada riyaaqeen, waxuu misna intaas ii raaciyay inaan Jimcaha kahor meelaan kakeenaba aan “Suut iyo Taygiis” raadsado sidoo kalena kabo buud ah oo kusoo baxaya iyana sooraacsho,  haye iyo hawraarsan baan maalintaas ku kala hoyanay………………………………………………………….
Maalintii xigtay waxaan baadi goob ugu dhaqaaqay halkaan ka heli lahaa labiskaan tilmaanta gaarkaa leh ee aanan waligay dushaydaba uquurin, iyo qooshaan xujada ah ee iyadana aan garanba waayay micnaha looga jeedo, in sidii waxarihii qool madaxa la surto waliba kaaga daranee xarago loola jeedo, waa waydin wax iiga jawaaba aan waayay, igumase cusba oo dhaladaan had iyo goor ka arkaa dad caynkaas ulabisan, yeelkoodee howl aan yarayn kadib hadda waa anigaan kusoo hubsaday meel xafidan, waxay maalinba maalin noo dhiibtaba saaka waa subax jimcaad, waxaana kamid ahay boqolaal Soomaali ah oo gagidda dayuuraha hortooda isugu yimid say usoo dhaweeyaan Madaxwaynaha, guddi utababaran arimaha soo dhawaynta oo safaaraddu magacawday ayaa si qurux badan noo safay, waa markii iigu horeesay oo aan soodhawayn ka qayb qaato sideedaba gaar ahaana mid madaxwayne, taasna micnaheedu maahan halkaan ka imid Madaxwayne ma yimaado, wuu yimaadaa walibana si kabalaaran sidaan baa loogu soo dhaweeyaa, balse dad kibray bay ii ahaayeen dadkaasi waligayna ma kama qaybqaadan, qofka kaliya ee xagayga qiimaha kalahaa waa qofka shaqaysta ganacsigana abuura, maantase waa maalin kale waxaana kujira safka hore ee soodhawaynt, waa maalin kamida maalmaha tirada dhaafay ee intaan Addis imid buuga noloshayda sida fudud ugusoo biiray, kaaga daranee intooda badan waa kuwaan dadka uga digi jiray ee ila foosha xumaa, silamida dadka kale waa anigaan lulaaya calankii Soomaaliya.
Laba saac oo aan halkaas taagnayn kadib diyaaraddii madaxwaynaha waday waa soo cagadhigatay, waana kuwaan garoonka kasoo baxay hada, Madaxwaynaha iyo wafdigiisii labada gole ee uu hogaaminayayna waa kuwaan mid mid noo gacan qaaday, iyagoo wajiyadooda laga dheehan karay farxad iyo kalgacayl, erayadii dhiiragalinta ahaa ee xasuustayada ka go’iwaayay oo madaxwaynuhu halkaas ka jeediyay waxaa kamid ahaa:
Waxaad tihiin ubaxii wadanka waxaadna tihiin cududdii wadanku ku faanayay had iyo goor, naftiina xasuusiya inaad tihiin cidda uu dalku sugayo inay ka samata bixiyaan abaartaan dheeraatay ee ku habsatay, intaan maqan tihiina dadaalkaan wadno qabyo ka bixi maayo ciidamo shisheeyana ka maarmi mayno, idinkuna daynmaysaan inaad warsidayaasha ku daabacdaan, gaalaa nagusoo duushay, waa nala haystaa iyo gumaysi cusub baan galnay. Maxaa idiin diiday inaad si caqliyeesan ufakartaan, caqli saafiyana adeegsataan? Sooma ogidin hadaad cududiina midaysaan inaad sharaftii dalkiina kusoo celin kartaan maalmo kooban? Sooma qurux badna intaad hadalada mooraal jabkaa qoraysaan inaad halganka ka qaybqaadataan wuu socdaayee ubadkiinana mustaqbal u abuurtaan? Runtaan idiin sheegayaa maanta ee imaqla, anaguba majeclin in ciidamo shisheeye ciideena joogaan idinkaase nabaday! Inta ka dhexgalay anoo aad uqiiraysan meelaan marayana is ogayn baan iri, Madaxwayne Maxaad ka wadaa hadalkaas, sidee baan kuu badnay?! Maxaanse awoodnaa anagu oo howshaas ka qaban karnaa, shacab masaakiinoo iyaguba dulman baa nahee?! Rag ka agdhawaa oo malaha kuwa amaanka ahaa baa igusoo qamaamay oo ihantaatureeyay, waxaase igala hadlay madaxwaynaha oo si fiican waydiimahayga udhuuxay waxuuna yiri, daaya odayga waxba muu dhiminee, suuye intuu xagayga usoo dhaqaaqay magacaa saan iri cumar, suuye cumaraw afka alle kuma gooyo waydiin muhiim ah baad nawaydiisay xaq baadna uleedahay inaan kaaga jawaabno. Wax badan baad qaban kartaan hadiinaan is yeelyeelayn, waxaan bilawnay sidaa lasocotaanq orshe dib loogu dhisayo ciidankii Xooga Dalka Soomaaliya XDS si aan uga maarano ciidamo shisheeya, waxaan ubaahanahay inaad nagala qaybqaadataan maqnaanshihiina waan tabaynaayee oo iinaan nagu dhawran, waxaan ubaahanahay dhiirigalintiina, maalkiina, cududiina iyo qalbigood naga taageertaan. Walaalayaal hadiinaan hadda diyaar u ahayn inaad halganka  uga qaybqaadtaan  muruq ahaan iyo maal ahaan, qalinkiina nagu taageer oo bulshada tusa ololaha ciidanka qaranka lagu dhisayo loogana maarmayo ciidamo shisheeye lafteedu waxtar bay nootahee, hadiinaan taasna yeeli Karin naga daaya qoraalada aan cilmiga ku dhisnayn ee halganka xagal daacinaya mooraalka ciidankana dhaawacaya. Ugu dambayn waxaan hortiina ka balanqaadayaa inaan qofkii halganka nagala qaybqaata ka abaalmarin doonto, taariikhda wadanka waxuu ka gali halkay ka galeen dhalinyartii SYL. Intaas kadib waxuu cod sare oo dhiiri gali Madaxwaynuhu kuyiri, Soomaaliya ha noolaato, Soomaaliya ha israacdo, Soomaaliya ha guulaysato, idinkana Ilaahay quluubtiina ha isku dumo dantiinana ha ini tuso, deedna wuuna dhaqaaqay isagoo gacanta noo taagaya.
Waxay ahayd qudbad aad uqiiro badan runtii dadkii meeshii isugu yimid saamayn weyn ku reebtay, waxuu noo yimid Madaxwaynuhu anagoo sacabka, mashxaradda iyo erayada soo dhawaynta ah “Soo dhawaada Jaalayaalow” isku wadna oo sawaxankayaga meel fog lagasoo maqlayo, waxuuna naga tagay anagoo aad moodo inaan dhagaxaan nahay sharqan la’aantayada, wax kalena maahee kalmadihiisii wadaniyada ahaa baa saamayn nagu wada yeeshay, damaashaadkii iyo qayladii aan isku wadnayna ka dhigay faynuus Qorax kuso baxday…………… ………………………………………………………………………………………
Dhamaad Qaybtii  15aad Lasoco Qaybta xigta....................
W.Q. Cabdifataax Xasan Cirguje (Qarandoon)


Maandag 17 Oktober 2016

Tolow Yaa Furay?! Qaybtii 14aad.

Cabdifataax Xassan Cirguje
                                                                                           Waa Sheeko
                                                                                      Ka Turjumaysa
                                                                                dhacdo xaqiiqo ah
Qaybtii 14aad.....................................................
Cali yare waxuu sugayaa markaan jawaabtayda, ka horse intaanan ujawaabin waxaan jaleecay raggii kalee ila dhagaysanayay, bal inay waxuun falcelis ah ka bixiyaan, iyana waa kuwaan xagayga soo wada eegaya oo sidaan wax waydiiday isku daray dhoola cadaynta iyo madaxay wada ruxaan, waa la fahmayaa inay natusayaan siday ula wada dhacsanyihiin fikradda Cali yare, markaan caad igama saarna in raggu isku wada aragti yahay, yeelkeedee waxaan anoo xiniya iska baaraya inta laan xul ah lasoo baxay iri qorsha xiga inoo raaci…………………….. ……………………………………………………………………………………....
Deedna waxuu yiri waan ogaa inaadan yeelayn, waayo nin howl iyo balaayo kala horkeed kusoo jiray yeeli maayo inuu meel iska fariisto deedna iska baashaalo, hadaba waxaan kuu hayaa qorshe howleed ku anfacaaya oo aan dhamaantayo kugu garab siin, illaa aad ka gaarto heer aragtidaadu qaali noqoto la fadhiisigaagana iskadaa warkiisa, laakiin waxaan kaa codsanaynaa inaad naga balan qaado markaas inaadan raggaaga hilmaamayn intii awoodaada ah. Markaan inkastoo wali uusan ii dhamayn qorshaha hadana waxaad moodaa inuu halkaan rabay ka hayo, aad baan ula socdaa dhagaysiga hadalkiisa iyo waliba dhaqdhaqaaqa gacmihiisa oo inta badan uu wax ku sharaxayo, waxaan waydiintiisii ugu jawaabay si farxad iyo kalsooni kujirto anoo dhoola cadeenaya “Saaxiib waa balan cidii ka shaqaysan inaan guulaysto oo heer gaaro inaan la shaqayn doono oo iyagu ay noqon doonaan cidda miraha ugu horaysa shaqadayda gurata”.
Waxuu yiri inkastoo rag kaa horeeyay sidaanoo kale maskaxda utuujinay inta ufariisanay, taladaan siinayna ku liibanay oo hadda cirkaas mariya, misna na hilmaamay oo wali aan sugayno bal inay dib naga soo xasuustaan, hadana waan soo dhaweenaynaa balan qaadkaaga. Kalmadahiisaas afeeftaa ee uu ka hormariyay qodobka labaad waxay ii ahaayeen dhiirigalin, waxayna iiga dhignaayeen sidii isagoo itusay taladay isiinayaan miraheedii oo horay loo tijaabiyay, dhanka kalena waxaan ka carooday abaal lawaayashaas raggii heerkaas inay gaaraan usababta ahaa sida fudud ku hilmaamay.
Deedna waxuu yiri  Cumaraw saaxiib waxaa socda qorshe lagu dhisayo ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed XDS, Madaxwaynaha Soomaaliyana waxuu balanqaaday cid kastoo ka qaybqaadata inuu ka abaalmarin doono sidoo kalena taariikhdu xusi doonto, hada madaxwaynuhu waxuu imaanayaa jimcaha soo socda hoteelkaa taqaanay buuna dagayaa, marka seed u aragtaa haddaan ku siiyo qorshe shaqeenaya oo magaaladii iyo deegaankii aad ka timid, ee aad natiri ku noqosho malehna aad tagto adoo wafdi wata deedna halkaas kugusoo dhaweeyaan si aan kala har lahayn, dhanka kalena aad si fudud uga mid noqoto wasiirada cusuba ee iskushaandhaynta xukuumaddu shalay ku dhawaaqday kujiri doona.
Dhagaysiga qodobkaan timihii baa iga yaaci gaaray yaab awgii, inta geesaha dhawray baan iri saaxiib dee markii horaa lagu qaatoo aad riya maalmeedka kujirtay, malaha dee saaxiib hadda waad ku dhufatayba, mise maahee “Qaadkaa ku anfacay caawo”, yaa wasiir noqda ma anigaan aan waligayba iskoolka galin? Yaase madaxwayne la kulma? madaxwaynaha ma wa xaad mooday qof cid kasta iskala kulmi karto iyadoon howlba umarin, ma asagaa waqti intaa leeg nooceenaan iska daaqaya uhaya? Waxuu yiri iska daa warkaas anaa ku tusaya madaxwaynaha oo taleefonkaaga aan ka dhamaan marwalbana kula soo hadlaya, ee adigu diyaar ma utahay mise muran cidlaa baa meesha ku haysaa hana wareerinee? Saan iri dee haayee walaal wax macquulaa dadka loo sheegaa, bal waligaa ya Allahaa ma maqashay Madaxwaynaha oo maanta la kulmay muqayiliinta? way tira dhaaftay intaan maqalnay madaxwaynaha oo lakulmay ardayda iyo aqoonyahano kalee, hadii arintaas aad sheegayso la helaayo anaa boqolaal askar soo dhoobaya maalin gudaheed, waayo reerkayagu waligii wasiir ma helin oo waa lagacab bidixeeyaa, haday ku helayaan sidaan fududna intay doonaan oo askaraa laga helayaa, intuu hadalkii igasoo dhex galay buu yiri war hoy illeen balo war dee see wax laguu fahansiiyaa, yaa dhahaya muqayiliin magacyo kalaa loo baxshaayee, dhanka kalese miyaadan ogayn hadda dadka ugu badanee qayilaa inay yihiin madaxda? oo qurba joog baa nahay, ganacsadaan ahay iyo Macalin horaan ahaan jiray meesha kuwada yimid? Yaa magacyadaas huwantaa iyo kuwo kaloo badan kaa xiga, kuwo aan wali la isticmaalin baan kuu haynaa adiga ninyahaw oo barafasooradu fadhiga kaaga kacayaan haday maqlaan, howshuba ha yaraatee diyaar ma utahay tijaabada koobaad inaan ku tuso markuu madaxwaynuhu yimaado? Anoo dhanna la dhakafaarsan warkiisaan dambe ee ah in lawada qayilo xoogaana soo yara dabcay baan ugu warceliyay si halhaleel ah diyaar, haddii sidaa iisheegayso madaxwaynuhu iskadaa wax kalee xataa ogalaado inuu nala kulmo, waxkastood idhahdo sidii xadiiskii baan uqaadan, sidaas ayaan ku balanay Cali yare asxaabtii kalena uwada riyaaqeen, waxuu misna intaas ii raaciyay inaan Jimcaha kahor meelaan kakeenaba aan “Suut iyo Taygiis” raadsado sidoo kalena kabo buud ah oo kusoo baxaya iyana sooraacsho,  haye iyo hawraarsan baan maalintaas ku kala hoyanay….........................................................
……………………………………………………………………………………….......
Dhamaad Qaybtii  14aad Lasoco Qaybta xigta....................
W.Q. Cabdifataax Xasan Cirguje (Qarandoon)


Tolow Yaa Furay?? Qaybtii 13aad.

Cabdifataax Xassan Cirguje
Waa Sheeko Ka turjumaysa dhacdo xaqiiqo ah
Qaybtii 13aad.....................................................
Deedna waa kan Cali yare guda galay sharaxaadda qorshihii lawada sugayay ee uusoo bandhigay waxuuna ku bilaabay hadalkii…………………………….............
Cumaraw waa laba qorshee middaad adigu xal u aragto ka dooro, aanse kuu maah maaho rag waa kii murti wax isku fahanshee, dhurwaa baa laga hayaa “hilbo waa nin waayiyo nin dabada ku wartay” haatan saaxiib waxaan ula jeedaa weedhaas, nin Nasteexo ilwaaddii ragoo dhan utartamay nasiibsaday oo guursaday, misna layn dhoof oo uu Ingiriiska ku tago uxaraysay waxuu ka walwalaa aniga iima muuqato, dabcan akhyaarta kalena waa ilamid, waayo fursaddaan aad maalmaha kooban ku heshay rag baa Labaatameeyo sano usoo fadhiyay say ubaadi goobayeen, xilo iyo xoolo kalena aan ku xisaabtamin, balse ku ducaysta inay mar un helaan gashaanti ka timid wadamada horumaray oo guurdoon ah deedna ay saa ku calfadaan, walina aan is dhiibin ee nasiibkooda sugaya.
Waxaan ku oran lahaa marka waa midda horee Cumaraw haddii mar xoolahaad Soomaaliya ujoogtay iskood kugu dhaafeen, marwadaada Nasteexo biil ii qor dheh way yeeliyee, oo magaaladaada dhan ha uga bixin ee iska baashaal raggaagana laqayil, deedna laynkaaga ilaalso oo hadba markii safaaradda lagaaga yeero ku kalah aroor hore siduu ardayga wanaagsan ugu kalaho dugsiga, dhanka kalena inta laynku kuu soo baxayo dhaqanka wadanka aad usocoto labiskiisa iyo luuqaddiisa iskasii barro, yaysan kugu dhicin oraahdii soomaaliyeed ee lahayd “Dhal magaalo si loo noqdo way fududahay dhar magaalose si loo xirtaa waa adagtahay” miyaysan talo wanaagsan ahayn asxaabey, maxaa Afrika iyo rabshadeeda kugu wareershay adoo dhawaan dhalasho Ingiriis helaya?!
Waxaan maqli jiray nin walba qumanihiisaa qoorta ugu jira, bal daya waxa ninkaasi ku hadaaqay, marka laga tago marwadayda Nasteexa ee uu soo hadal qaaday inaan jeclahay waxaan aad iiga yaabiyay waxa uu Cali ka sheekeenayay, waayo aniga waxay ila ahayd sidii inaan riyo kujiro oo kale, marka la eego aragtidiisa uu cabiray ee khiyaaliga ku dhisan iyo sidoo kale akhyaarta uu hiigsagooga ka sheekeeyay, ee aysan uba muuqan tobaanaanka sanoo soo noqodka lahayn ee bilaa micnaha ku dhaafay, waxaan arkaa xaalkoodu halkuu ku dambayn, dhanka kale laftayda igama qarsoonayn talada la isiinayo miraheedu noocuu yahay, mana inkirsani in tani dhaanto saan ahay maanta, balse haddana rajadaydu ma dhiman ee waxaan naawilayaa dhagaysiga qorshaha xiga waa intaasoo uu tan dhaamaayee. Cali yare waxuu sugayaa markaan jawaabtayda, ka horse intaanan ujawaabin waa anigaan jaleecay raggii kalee ila dhagaysanayay bal inay waxuun falcelis ah ka bixiyaan, iyana waa kuwaan xagayga soo wada eegaya oo sidaan wax waydiiday isku daray dhoola cadaynta iyo madaxay wada ruxaan, waa la fahmayaa inay natusayaan siday ula wada dhacsanyihiin fikradda Cali yare, markaan caad igama saarna in raggu isku wada aragti yahay, yeelkeedee  inta laan xul ah lasoo baxay baa anoo xiniyo iska baaraya iri, qorsha xiga inoo raaci....
Deedna waxuu yiri…………………………………………………………………........
Dhamaad Qaybtii  13aad Lasoco Qaybta xigta....................
W.Q. Cabdifataax Xasan Cirguje (Qarandoon)


Saterdag 24 September 2016

Tolow Yaa Furay?! Qaybtii 12aad.

                                                                                        

Waa Sheeko
Ka Turjumaysa
dhacdo xaqiiqo ah
Qaybtii 12aad.....................................................
kadib waxaa hadalkii qaatay indhabuur deedna intuu xagayga soo jaleecay buu yiri Cumaraw adaa maanta ragga isugu yeeray maxaad noo haysaa mudane……………
Waan arkaa markaan inuu hadalku igusoo dhamaaday, waana ujeedaa sida diyaarka loogu wada yahay maqalka arintaan ilasoo daristay ee aan akhyaarta isugu yeeray, soo inaan akhyaarta lawadaago waxa i gubayay markaan dantuba ma oran, waa anigaan hadda ubaxay hadalkii deedna ukala dhigdhigay xaaladayda cakiran ee jahwareerka igu ridday, si fiican ayaana ugu jeex jeexay hadalkii bilaw illaa dhamaad, qofkaan ahaan jiray iyo halka aan maanto joogo ayaa muuqaal ahaan udaawadsiiyay, warkiiyoo aan hal ka maqnayn waa anigaan hordhigay bal inay waxuun ka dhahaan ama ka talo bixiyaan, saaxiibaday waxaa kasoo haray aamus iyo indha taag intii cabaar ahayd oo wakaas raamsigiina iskiis uyaraaday, waxay aad ulasocdaan dhagaysiga sheekadayda iyo dhuuxidd nuxurkeeda, waa kuwaan ii dhagaysanaya sidaan ahay kheekh caalim ah oo siduu xaal noqon qiyaamaha uga waramaya, may jeclaysan waxa igu dhacay kamana xumaan, waayo maahan wax ku cusub iyaga oo kan ugu yar baa jabkaanoo kale laba jeer soomaray, mid walboo halkaan fadhiya maalintay noloshiisu wajiga cusub yeelatay sidaan ayuu akhyaarta ugu soo celiyay, deedna inta laga dhagaystay baa loo tacsiyeeyay hadal haadaan ka tuurisna ah loogu soo gabagabeeyay, waxaana loo sheegayay inay tahay wado ay lagama maarmaan tahay in nin kastaa mar un soo marayo, isna dib uma eego aduunyadaan jabta ee soo kabata ee hadalkoodaas buu ku qancaa oo waano iyo caqli celin uqaatay, sidaas ayuuna ku noqdaa maxbuus aan qori lala hortaagnayn.
Waxaan iri gartay adiga maxay kugula taliyeen, taladay kusiiyeense maku anfacday? Waxuu yiri haa waa ila taliyeen oo wadadii lagu jabay ee dadka ay tusi jireen unbay anna ii farfiiqeen, waayo taas unbay khibrad u leeyihiin, aniguse waxaan ka dayrinaayo markaan ma jirto, taladay isiiyeenna waxay noqotay mid aan aad usoo dhaweeyay caloolyawgii ihaystayna iga fujisay iyagana aan ku bogaadiyay, meeshay igula taliyeena waa halka aan maanta joogo waana qorigaan garabka iisaaran, waxba igama dhimeen haddaan qaran isla socda ku difaaci lahaa oo cadaw layaqaan ku ridi lahaa, balse har iyo habayn waxa hurdadii noo diiday oo aan la dirirayno waa dadkaygii oo laqalday wali cid aan Soomaali ahaynna dagaal iskaga maanan hor imaan.
Waxaan iri gartay kadib maxaa xigay? Waxuu yiri waxay igu bilaabeen hadalo samir siin ah oo la igu ilawsiinayo xoolihii idhaafay la iguna dhiiri galinayo inaan bilaabo nolol cusub, waxaa hadalkii ugu hor qaatay Geesawayne, waa nin muddo toban sanaa layn ku sugayay meeshaan, xaaskiisii oo saddex caruur ah uhaysayna iska fasaqday kadib markii lagu kari waayay inuu usoo noqdo oo iska ilaawo laynkaas madhamaadahaa reerkiisana dhaqdo, kumase farxin in haweenaydiisii aadka uu ujeclaa kala tagaan ubadkiisiina baylah noqdaan, balse waxuu ku hanwaynaa inuu mar un dhoofi doono kadibna uu iyada iyo caruurtiisa nolol cusub ubilaabi doono, adigu waa nin soo maray waayo aad u kakan ninkaan hadalka ubaxay, waxuu yiri Cumaraw rag waa jabi jiray waligiis waana caadadiis ee tani yaysan wax wayn kula noqon, dibna ha ujaleecin waxii dhacay oo ha xisaabin xoolihii tagay saa soo noqonba maayaanee, waayo raggii sidaa sameeyay ee ma dhici karto lahaa wa kuwaa magaalada yaacaya oo kabaha madaxa kuwata, iyagoo hadal uga haray bari baan madaxwayne noqon gaaray iyo bari baan ganacsade ahaa, waxay iila ekaayeen saaxibaday markaas kuwo dantayda ka talinaayay iigana digayay inaan isla hadlo oo waali ku dhufto, waxay ii tilmaamayeen wado ay iigu sheegeen inay tahay wadadii badabaada iyo guusha, waqtiguna waxuu ahaa xilli aan unuglaa qaadashada wax walboo la iisheego waxsan iyo waxaan samaynba, waxaase xaqiiqaa inaan u imid anoo caafimaad qaba xalkayguna dhawaa haddaan raggeeda utagi lahaa, waxaana ka tagay anigoo maryo un wata islana quman balse qof kale ah, mid walboo hadalkii ubaxayba waxuu iigu soo koobay Cumaraw saaxiib soo dhawee nolosha cusub lana jaanqaad aduunyada horumartay iyo hadba heerka la maraayo, haddaad diyaar utahayna isla iminka ayaanu kula qorsheeyn halkaad ka bilaabi lahayd wajiga cusub ee noloshaada ee xiniyahaaga cusko, hadayse hawshaadu tahay waabaan ganacsade ahaa iyo rag aan la tartamayay baa idhaafaya isku baab minihin ee nagu kala wad meesha ina adeerow hana daalinee, dee inaan yeelo dantuba itiri, gudoon wacan ayaan hadalkii ugu soo gaabshay waxaana uraaciyay inaan diyaar u ahay tala walboo shaqaynaysa oo maanta la isiiyo, waayo xaalkaygu waa nin buka boqol utalisay, waxay iga maraysaa Allow ur ii bixi.
kadib waxaa la is waydiiyay hadii ay jirto cid haysa qorshe shaqeenaya oo arinta Cumar xal u ah waa aniga ninka laga hadlayee, waxaa markaas hadalkiiyoo aan dhamaan dhexda ka laacay Xasan yare oo yiri anaa haya qorshe shaqeenaya, balse shardi madoonayo in qorshahaygu noqdo hal bacaad lagu lisay ayuu sii raaciyay, Cali yare maahan nin layn uxaraysan yahay waxna kama barto magaalada qorshe cad oo uu ujoogana lama maqal, sidoo kalena naftiisana uquuri waa safarka silicaa ee tahriibka, balse waxuu aaminsan yahay inuu mar un heli doono fursad uu ku dhoofo, si kale hadaan u dhigo Cali yare waa “Qalbi ka dhoof” raggiisa lanool, Cali markuu ku dhawaaqay qorshahaas uu shardiga ku xiray waxaa bilaabatay in la is wada eego, deedna waa kuwaan akhyaartii dhamaantood mar qura xaggayga soo wada jaleecay, gartay in jawaab la iga sugayo anna si hal haleel waa anigaan ugu balan qaaday inaan yeeli doono wax kastoo ii dhaama halka aan ku sugnahay maanta, markaan waxaa raadinayaa badbaado iyo siba sibay dhaantaayee inaanan ku hafan noloshaan qalafsan oo saxansaxadeedu ii soo kamkamayso. Deedna waa kan Cali yare guda galay sharaxaada qorshihiisii waxuuna yiri…………….............................................................
...........................................................................................................................................
Dhamaad Qaybtii  12aad Lasoco Qaybta xigta....................
W.Q. Cabdifataax Xasan Cirguje (Qarandoon)

Donderdag 15 September 2016

Tolow Yaa Furay?! Qaybtii 11aad

                                                                         Waa sheeko
Ka Turjumaysa
 dhacdo xaqiiqo ah
Qaybtii 11aad.....................................................
waan ogahay inaysan saaxiibo fiican ahayn dhibtaan aan xalkeeda doonayana iyagu sabab uyihiin hadase cataw xal ma’aha ee qorshay ubaahantahay Xaajadaydu……. ……………………………………………………………………………………….
Waxaa iri haye kadib Maxaa sameesay? Waxuu yiri wax kale ma samaynee waa anigaan markaan soo qadeeyay anoo laafyoonaya u imid Jamaal, haa Jamaal baan u imid waa ninkii qaadka nalooga soo qaadi jiray, inta badan wiil yaroo baalashlaa baa inta noo qaado na daba wadi jiray oo aan dhihi jirnay shan tilaabo naga dambee, waayo maanan jeclayn in nalagu arko maantase cidna dan kama lihi waa anigaan inta gacanta hoosteeda soo gashaday la dhex mushaaxaya magaaladiiyoo is daawanaysa, qofkasta oo igaranayay markuu i arkay waa kan afka gacanta saaray waxayna ku noqotay qaadan waa, oday baase iigu darnaa aan kaftami jirnay dhalintana wada waanin jirnay intuu saa’id iigu dhaygagay buu yiri “War dee Cumar haduu qayilo magaaladuba waa wada qayishaa ee yaysan awliyo isaga kaaya dhigin”.
waan dareemayaa inaysan wax fiican ahayn waxa aan sameenayo mawjad ka wayn baase iwadata oo dadkaan iimaba muuqdaan, balse waxaan aad ula fajacsanahay sida fudud ee noloshaydii isku badashay, adoo hawada sare maraya hal mar dhulka gal waa musiibo waana waxa dalkayga maanta haysta, waxaan sidii filimkii u daawanayaa waayahaygii nololeed ee qiimaha lahaa iyo siduu maalmaha kooban ugu qiima dhacay!
Waxaan iri gartay? Waxuu misna yiri isma oran aduunku waa harka labadiisa galinee usamir oo intaan hartay ka shaqaysii bariba markale way soo noqonee, ismana oran tani waa cashar ku waano qaadasho mudan  ee godkii shalay lagaa qaniinay mar kale yaan lagaa qaniinin, balse waxa kaliyoo aan aaminsanahay ayaa ah kulayl baa kulay lagu jabiyaa, taasoo macnaheedu noqonayo marfishkii noloshayda mugdiga galiyay inuu iftiinkiisii markale usoo celin karo hadii loo fariisto.
Hadda waxaan soo gaaray marfishkii luula qolkii ay noo qorsheesay baana ugudbay, dad badan wali ma iman ee aniga iyo dhawr qof oo kale oo malaha sidayda oo kale mawjad ku furantahay baa si teel teel ah qolol u fadhina oo mid walba asxaabu balwihiisii halkaas ku sugayo, xilli aan udhar dhigtay macawistii yaraydna dhexda ku xirtay qaadkiina bacdiisa ku kala baxshay oo aan fandhicil yar ilkaha kaga qod qodayo hilibkaan soo cunay waa kuwaan saaxiibadaydii waalidu iisoo galay, Indhabuur oo usoo horeeyay waa kan ku dhawaaqay hayaay war Cumar daya waa dhaarsanyahee maanta wuu nagasoo hormarayba, saaxiib ma howl baa noo wadaa aan meesha ku kala dhig dhigno ee maanta mise waa baashaal dee, waxaan ugu warceliyay markaas soo fariista dib baynu iska waraysan markuu na gaaro ee.
Ruugaa lawada dhigtay raamiskaana xigay oo rugta muusiga madaxa lalawada lulay, heesta dhawaaqeedu baxayaan dhagta u raaracshay mise waa fanaaniintii dambe saan iri may ku badal qaaraami, saa waaba Samatar
                                                     Markaan dabi jiray shan iyo toban                                                                                     Markaan damac guur lasoo baxay                                                       dookhayga Markaan u sahan tagat
Saan misna iri may may war ku badal gabdhaha, saa waaba khadro daahir
                                                Ma ogtahay in badan baan                                                 
                                                    Kaa aamusnaayoo                                                      
Afka kaala baqayee
markale ayaan iri may taas waan kasoo gudubnay, xilli horaan usheegatay adeer, ku badal Saynab Cige. Indhabuur baa naga dhex galoo yiri war hoy ileen balo dee cumar xagee noo wadaa soo adigaan naga jiirayba? Cali war dee Indhabuur maanta dabayl baa nawadatee sideeda ku raac anagaa usaaraynee iska eeg saa waaba heesteedii lahayd
Qabrigii Jacalykow
Quraankaan ku mariyee
Qiima badan firdawsiyo
Janadii qurquriyaw
Saan hadan iri may qabri magaarin sheekadu ee mid kale ku badal oo heesaheedaa saa waaba heesteedii lahayd
Waligeed Aduunyadaa
Waqtigaa nin saacida
Nina waayahaa xira
Saan iri haa! Haa! hadaad haysaa halkaa udaa hees aan taas ahayn maanta ii biximayso, saaxiibaday yaab baa ka soo haray dareeme markaan in hawli igu furantahay, la igamase dhexli galinee intii cabaar ah waa la ii aamusay waxaana la ila sugay saacadda farxaanka lawada noqo ee qof walba waxa kashiisa ku jira ka sheekeeyo.
Saacad iyo bar aan madaxa kor loo qaadin kadib waa kuwaan raggii wada xaraarooday, deedna waxaa bilawday sheekooyin goos goos ah oo asxaabta qaarkood ku falanqeenayee heesahaan kala duwan ee noo baxaya iyo waxa looga gol lahaa, jacayl baa looga jeeday iyo mayee waa anti oo dowlad hebla baa lagu maagayay baa cabaar lagu dooday, halka qaar kamida akhyaartana naawilayeen inaan uga waramo waxaan  ugu yeeray maanta, kadib waxaa hadalkii qaatay indhabuur deedna intuu xagayga soo jaleecay buu yiri Cumaraw adaa maanta ragga isugu yeeray maxaad noo haysaa mudane…………….
Deedna…………………………………………….
Dhamaad Qaybtii  11aad Lasoco Qaybta xigta....................
W.Q. Cabdifataax Xasan Cirguje (Qarandoon)

Cirguje1986@gmail.com                                                                                                                

Donderdag 08 September 2016

Tolow Yaa Furay?? Qaybtii 10aad.

                                       
             
                                                                                          Waa Sheeko
                                                                                       Ka turjumaysa
                                                                                dhacdo xaqiiqo ah
Qaybtii 10aad.....................................................
Waxaan iri goormaad Boosaaso kusoo noqotay marka? Waxuu yiri Boosaaso aa! Kusoo noqosho aa! Adduunyoy hawlo badan maxaan kusoo noqdaa sxb soo kan xaalkiiba is badalay jiheeyihiina iga lumay!, Markay nasteexo dhooftayba waxaan Go’aansaday inaan xaalka siduu ahaa kusoo celiyo balwaddana is ilawsiiyo  hawlahaygii ganacsi iyo Boosaasona dib ugu soo noqdo, deedna halkaas ku sugo inta laynka dhoofku ii soo baxayo. Allow nimaan wax ogayn ha cadaabay, “fikirkaygu qurux badanaa falkayguse fool xumaa” markiiba waxaan wacay walaalkaygii aan uga imid Bakhaarka sheekadaana baana na dhex martay.
Aniga: Hallaw Siciid iiwaran walaale? Siciid: Walaale dadku waa fiicanyahay dalkuna sidii buu rajo dhawr uyahay. Aniga: War heedhe waxaas la iiga roonee ka sheekee Bakhaarka waa anigii muddo iniga soo maqnaayee maxaa xoolo kusoo kordhay? Maxaase lacag cadaan ah Bangiga inoogu jirta? Siciid: Walaale Xoolo aad igu war dhaanto meeshay mareen maxaad iiwaydiin? Ma adaa u ogalaadayba inay Bangiga ku daahdo, war ninyahaw bal dib isugu noqo xoolahaagee. Aniga: War Maxaad ku hadlaysaa miyaadan nin wayn ahayn? Ma waxaan Kunkii asbuucii lasoo dhaafay iyo Kunkii waagaan Magaalada nimid ahayn baad iisoo dirtay? Mise waad igu ciyaaraysaa  dee walaal? Siciid: War ciyaar laynee xisaab usoo fariiso ninyahaw hab dhaqanadaada cusub iyo dabeecadaha aad lasoo baxday waayahaan umadduba way layaabtee? Aniga: War anagaa balaayo aragnay ma Jin baa xoolahaygii ubaxay mise wiilkaa igu caruuroobay hayee ina xisaabi? Siciid: Jinkaaba laqaatayee buug iyo qalin lasoo bax.
Intii cabaar ah xisaab baan madaxa iskula jirnay ugu dambayn se garawshiiyo ayay kusoo idlaatay “ma anaan maalin hebla intaas kuu soo dirin? Haa waad iisoo dirtay. Maalin heblana intaas maadan qaadan? haayoo waa jirtaa. Maalintaan kulahaa war xoolaha sida udhaan xeerada salkeedu waa muuqdaayee ee aad ilahayd ma xoolahaygaad igu haysataana ma anaan intaas kuu soo dirin? Waa dhaboo iyana waa jirtaa!. Bishii lasoo dhaafay ma adaan labadii kun ee ku hartay la bixin markaan kuu sheegayna oran way imaan walaale? Wallaahay taasna waa jirtaa. Marka xoolaha aad sugaysay maxay ahaayeen walaale? Micnaha ma dhawrka kiish ee bakhaarka ku jiraad rabtaa inaan kuu soo cadeeyo?
waxaa iga soo haray jahwareer madax haysi iyo qamuunyo, hadda garawsaday gawsahaygu inaysan ciyaar ciyaar la daadan ee jajabka ka muuqdaa uu yahay xoolahaygii, waxaan waxyar dib umilicsaday waayahaygii ganacsi noloshaydii hore ee qiimaha lahayd iyo Himiladaydii quruxda badnayd ee hadba aan ku sii siqayay, waxaa iyana docda kale ka daawanayay xifaaltannadii cajiibka ahaa ee ganacsatada iyo sheekooyinkiisii  noloshayada qaybta ka ahaa,  saan misna ku soo noqday halka aan maanta joogo ee ciirsi la’aanta ah waa cirkaa dheer dhul kaa dheer, waayo boosaaso ku noqosho maleh  oo magacaan shalay ku haystay maanta iima yaalo, xoolahaan ku tabcaday ee aan uga imidna igama dambayn waqti badan ee waa i dhaafeen anayna I sababsadeen, magaaladdaan aan joogo iyana waxba kuma hayo waqtigay i koolkoolinaysay ee aan lacagta ku haystay dadkuna iwada jeclaana waa gabaabsi, xaliya u doontayaa iyo wax kale sameeyaaba qorshe inay ubaahantahay hadda ma shakaa kaaga jira?.
Waxaa iisoo baxday markaan inaan maanta u fariisto xaliyena udoonto bal inuu jiho meel un iiga bixiyo, waan ogahay inuusan faa’ido lahayn wada kalaanse markaan ii furnayn. Waxaan wacay saaxiibadaydii balwada kuna wargaliyay inaan maanta gurigii luula wada fariisano, waxaana usheegay in arini si iga tahay, waan ogahay inaysan saaxiibo fiican ahayn dhibtaan aan xalkeeda doonayana iyagu sabab uyihiin hadase cataw xal ma’aha ee qorshay ubaahantahay Xaajadaydu……..........................................
……………………………………………………………………………………….
Dhamaad Qaybtii  10aad, Lasoco Qaybta xigta....................
W.Q. Cabdifataax Xasan Cirguje (Qarandoon)


Tolow Yaa Furay?! Qaybtii 16aad.

                                                                                            W.Q. Cabdifataax Xassan Cirguje Waa She...