Waa Sheeko
Ka turjumaysa
Qaybtii 10aad.....................................................
Waxaan iri goormaad Boosaaso kusoo noqotay marka? Waxuu
yiri Boosaaso aa! Kusoo noqosho aa! Adduunyoy hawlo badan maxaan kusoo noqdaa
sxb soo kan xaalkiiba is badalay jiheeyihiina iga lumay!, Markay nasteexo
dhooftayba waxaan Go’aansaday inaan xaalka siduu ahaa kusoo celiyo balwaddana
is ilawsiiyo hawlahaygii ganacsi iyo
Boosaasona dib ugu soo noqdo, deedna halkaas ku sugo inta laynka dhoofku ii soo
baxayo. Allow nimaan wax ogayn ha cadaabay, “fikirkaygu qurux badanaa falkayguse fool xumaa” markiiba waxaan
wacay walaalkaygii aan uga imid Bakhaarka sheekadaana baana na dhex martay.
Aniga: Hallaw Siciid iiwaran walaale? Siciid:
Walaale dadku waa fiicanyahay dalkuna sidii buu rajo dhawr uyahay. Aniga: War
heedhe waxaas la iiga roonee ka sheekee Bakhaarka waa anigii muddo iniga soo maqnaayee
maxaa xoolo kusoo kordhay? Maxaase lacag cadaan ah Bangiga inoogu jirta? Siciid:
Walaale Xoolo aad igu war dhaanto meeshay mareen maxaad iiwaydiin? Ma adaa u
ogalaadayba inay Bangiga ku daahdo, war ninyahaw bal dib isugu noqo
xoolahaagee. Aniga: War Maxaad ku hadlaysaa miyaadan nin wayn ahayn? Ma waxaan
Kunkii asbuucii lasoo dhaafay iyo Kunkii waagaan Magaalada nimid ahayn baad
iisoo dirtay? Mise waad igu ciyaaraysaa
dee walaal? Siciid: War ciyaar laynee xisaab usoo fariiso ninyahaw hab
dhaqanadaada cusub iyo dabeecadaha aad lasoo baxday waayahaan umadduba way
layaabtee? Aniga: War anagaa balaayo aragnay ma Jin baa xoolahaygii ubaxay mise
wiilkaa igu caruuroobay hayee ina xisaabi? Siciid: Jinkaaba laqaatayee buug iyo
qalin lasoo bax.
Intii cabaar ah xisaab baan madaxa iskula jirnay ugu
dambayn se garawshiiyo ayay kusoo idlaatay “ma anaan maalin hebla intaas kuu
soo dirin? Haa waad iisoo dirtay. Maalin heblana intaas maadan qaadan? haayoo
waa jirtaa. Maalintaan kulahaa war xoolaha sida udhaan xeerada salkeedu waa
muuqdaayee ee aad ilahayd ma xoolahaygaad igu haysataana ma anaan intaas kuu
soo dirin? Waa dhaboo iyana waa jirtaa!. Bishii lasoo dhaafay ma adaan labadii
kun ee ku hartay la bixin markaan kuu sheegayna oran way imaan walaale?
Wallaahay taasna waa jirtaa. Marka xoolaha aad sugaysay maxay ahaayeen walaale?
Micnaha ma dhawrka kiish ee bakhaarka ku jiraad rabtaa inaan kuu soo cadeeyo?
waxaa iga soo haray jahwareer madax haysi iyo
qamuunyo, hadda garawsaday gawsahaygu inaysan ciyaar ciyaar la daadan ee
jajabka ka muuqdaa uu yahay xoolahaygii, waxaan waxyar dib umilicsaday
waayahaygii ganacsi noloshaydii hore ee qiimaha lahayd iyo Himiladaydii quruxda
badnayd ee hadba aan ku sii siqayay, waxaa iyana docda kale ka daawanayay
xifaaltannadii cajiibka ahaa ee ganacsatada iyo sheekooyinkiisii noloshayada qaybta ka ahaa, saan misna ku soo noqday halka aan maanta
joogo ee ciirsi la’aanta ah waa cirkaa dheer dhul kaa dheer, waayo boosaaso ku
noqosho maleh oo magacaan shalay ku
haystay maanta iima yaalo, xoolahaan ku tabcaday ee aan uga imidna igama
dambayn waqti badan ee waa i dhaafeen anayna I sababsadeen, magaaladdaan aan
joogo iyana waxba kuma hayo waqtigay i koolkoolinaysay ee aan lacagta ku
haystay dadkuna iwada jeclaana waa gabaabsi, xaliya u doontayaa iyo wax kale
sameeyaaba qorshe inay ubaahantahay hadda ma shakaa kaaga jira?.
Waxaa iisoo baxday markaan inaan maanta u fariisto
xaliyena udoonto bal inuu jiho meel un iiga bixiyo, waan ogahay inuusan faa’ido
lahayn wada kalaanse markaan ii furnayn. Waxaan wacay saaxiibadaydii balwada kuna
wargaliyay inaan maanta gurigii luula wada fariisano, waxaana usheegay in arini
si iga tahay, waan ogahay inaysan saaxiibo fiican ahayn dhibtaan aan xalkeeda
doonayana iyagu sabab uyihiin hadase cataw xal ma’aha ee qorshay ubaahantahay
Xaajadaydu……..........................................
……………………………………………………………………………………….
Dhamaad
Qaybtii 10aad, Lasoco Qaybta
xigta....................
W.Q. Cabdifataax
Xasan Cirguje (Qarandoon)
Geen opmerkings nie:
Plaas 'n opmerking
Waad kumahadsantahay Inaad soo booqato Baloogayga