Waa Sheeko
ka turjumaysa
dhacdo xaqiiqo ah
Qaybtii 7aad.....................................................
Waxaan iri gartay kadib Maxaa dhacay? Waxuu yiri maxaa
kale dee saaxiib hawshiiba halkaas bay ka bilaabatay, dhalintii aan lasocday
intuu mid waliba shaarkii iyo surwaalkii la baxay buu katabaan meesha sii
qotomay surtay oo macawis boorsada ugu jirtay lasoo baxay deedna gashaday,
magaranayo micnaha looga jeedo balse shaatigii kaliya baan anna inta labaxay
surtay surwaalkiina daystay ileen macawis ma watee. Hadii aan is iri Fariisaba
waxaan arkay weelkaan dhexdayada qotoma ee dhimbiluhu ka dul qaxmayaan Maahan
geed nagu cusub ee waa tii badeecada lagu cabi jiray, mooday in inantu ilawday
oo ku dhawaaqay Aaway gabadhii meesha joogtay kaalay naga qaad waxaan deedna la
igu wada qosol. kix..kix..kix Hada waan dareemay inay qorshe meesha utaal,
ismase oran heshiiskii lagaa saxiixay bay tani qayb ka tahay, ma iyadaa wali la
isgaarayba ragga kale waa sheekeenayaan waliba rag hadal yari aan ku aqaanay
baa maanta tororogta ku haya farxad aanan ku aqoon iyo kal gacayl baana ka
muuqda, anigase waydiimaha maankayga buux dhaafiyay baa aamus iyo amakaag igu
riday, Maxaa ka socda meesha? Maxaase xigi doona? Waxa aad u socoteense maxuu
ahaa? Daqiiqado kadib waxaaba ordaya
wiil yar oo kuray ah oo bac culus sida, intuu hortayada kusoo tuuray buu Afar
bac hoosaad oo qaad ah kasoo saaray deedna mid mid noo hordhigay, runba ma
moodinee inta wiilkii yaraa gacanta qabtay baan ku iri adeer anigu ma qayilo!
Wiilkii yaraa ma fahmin hadalkayga waxaase xanaaqay dhalintii aan wada soconay,
waa kan indhabuur ku qaylinaya Cabdi yare oo ahaa ninkii arintayda asxaabta u
keenay, Imisaan kulahaa ninkaan nin reer magaal ah uma ekee hanagu ceebayn
ninkaan!? gartay hadda inay tahay waxaan usoconay iyo meeshii la iiwaday,
iskana dhigay bacdii anoo laba labeenaya, kuna qanciyay naftayda maanta
raggaaga wax laqab hadal la,aan, buuqiina ku damiyay ogolaansho, wiilkii
yaraana iska huleel. Maalintaas ayaan qaadka cunistiisa bilaabay waxii ka
dambeeyayna tartiib tartiib baan isku sii baranay oo hada waxaan gaaray heer
markii ay xaalad ila soo daristo aan ku dajiyo siduu yahay kaniin qandho jabin
ah, waayo waa cashar la ii dhigay waqti aan xifdiyi ogahay waxii la ii sheego
waxii la iwaydiistana aan deeqsi ku ahay anoo aan hubsan waxuu yahay. Taasina
waa ta keentay in maanta xaaladayda la dhaho ha loo fariisto oo xaliye haloo doono.
Waxaan iri marka ma u fariisateen arintii gabadha? Waxuu
yiri Haa waliba waxaan ufariisanay waqti aanaan fariisan jirin, waxaana la
tagnay meel aanaan la aadi jirin aawal, waxaana ka kacnay xilli aanaan ka kici
jirin, waxaana galnay waji cusub oo waaliya.
Waxaan iri maxaad ula jeedaa? Waxuu yiri: Caawa
waxaan qaadka u fariisanay salaadii maqrib kadib halka aan aawal bacdal qado
ufariisan jirnay maqribkana ka kici jirnay, waxaana caawa la tagnay hotel aan
qol ka kiraysanay halka aan aawal ku qayili jirnay meelaha la isku arko oo sida
caamka ah loogu wada qayilo “Marfishka”, gabdho yaryar oo firfircoon baa
shaahii noo soo kariyay wax kastoo aan u baahnayna durba noo keenay, halkii
saac oo hore cidna juuq ma oran ee heesaha qaaraamiga baa lala suul
dhabaaleenayay, maanta ma ihi cumar-kii ganacsadaha ka ahaa Boosaaso ee qaadka
iyo inta cunta caayi jiray balse waxaan ahay nin halhayskiisu yahay Qaadka Dibina laguma noqdo iska daaqa,
Dumarna lagama Noqdo xaalad kastoo igu timaadana aaminsan inay ubaahan
tahay in loo qayilo. Saacad kadib xilli aan jawi kale galnay waa kan cabdi yare
damiyaha utaabtay heesihii noo baxaayay, waa tan sheekadu bilaabatay oo sidii
subicii safka soo raacday, waa kuwaan ragii qorsha miiran wada keenay ilaa
buqcadihii cirka ku yiilay isqab-qabsi dheer kadib ninba meelkasta la ootay, “Qorshe badanaa Qaadku marka la Qayilaayo,
oo Qamuunyo badanaa marka laga kaco” goor la isku daalay waa tan aniga la
igu soo wada jeestay oo wax Allaale iyo waxaan dadka uga wada digi jiray la i
ogolaysiiyay say xadiis iimariyeen! Waa doonistii inanta oo yeelay, waa buufis
dalabkii dibada oo aqbalay iyo qorshayaal kaloo ciidaan ah, habeenkaas waagaa
noogu baryay subaxdii ayuu nin walba waxuu afka la heli karay inta cantuugay
meel isku tuuray, goor ay tahay casar gaaban ayaan baraarugay oo inta qubaystay
salaadihii tagayna tukaday magaalada soo aaday, anoo maqaayad ka dalbaday
waxaan cuno baan mobeelka eegay mise toban jeer baa la isoo wacay hadaan sii
eegayba Sideed kamida waa Nasteexo! Dhanka fariimahaan iyana eegay mise waxaaba
taal fariin ay Nasteexo ii soo dirtay waxayna u qornayd sidatan:
“Cumar Walaale
marka hore iga hano salaam qaali ah, marka xiga aboowe miyaad ilawday inaad ii
ahayd saaxiibka kaliya ee magaalada ii joogay, mase hilmaantay inaad ahayd
walaalka aan magaalada ka weheshado, mase ogtahay boowe adoo hal saac ka badan
aan iga maqnaan jirin aawal inaan ku
daahsan jiray oon ka jeclaa markasta inaad garabkayga joogto, intaasoo jirta
ayaadan tan xalay isoo wicin, tan iyo maantana iga qaban taleefonka! Ma garan
karo xaaladaadu waxay ku sugantahay, balse waxaan jeclaan lahaa haday
fariintaydu ku soo gaarto oo aad bad qabto fadlan aan Xogtaada helo”
Mar waxaan dareemay dambi maadaama aan cidleeyay
nasteexo oo saacadihii lasoo dhaafay qaadka iyo balwadiisu i ilawsiisay, marna
waxaan aad ula dhacay ereyadaan kalgacaylka leh ee kasoo burqaday qalbiga
wanaagsan ee Nasteexa anigana si gaar ah ii taabtay, markalena waxaan ogaaday
in jacaylkii baryahaanba aan laluudayay ee aan is diidsiinayay balse xalay la isoo
ogalaysiisay inaan ka salgaaro uusan kali igu ahayn howshuna ka fududahay saan
moodayay.
Waxaan iri gartay maxaad sameesay marka?
Dhamaad
Qaybtii 7aad, Lasoco Qaybta
xigta....................
W.Q. Cabdifataax
Xasan Cirguje (Qarandoon)
Geen opmerkings nie:
Plaas 'n opmerking
Waad kumahadsantahay Inaad soo booqato Baloogayga