Waa Sheeko
Qaybtii 8aad.....................................................
Waxaan iri gartay maxaad sameesay marka? Waxuu yiri
ma war kalaa yaal inta wacay baan u cudur daartay been iyo run waxaan sheegayba
kadib waxaan ugu laab qaboojiyay inaan usoo socda iyana waa iga ajiibtay,
waxayna igu wargalisay inaan ugu imaado qolkeeda iyadoo aan ka dareemay farxad
gooniya oo ay uhayso kulankeena.
Inta guriga ku laabtay baan kasoo xirtay labiskaan
ugu jeclaa dharkayga carfiso iyo barfuuna isku soo jabiyay deedna soo abaaray
halkay iga jirtay Albeergadii ay Nasteexo daganayd, caawa way ka duwantahay
habeenadii tirada beelay ee aan utagi jiray waxa kaliya ee caawa igu dheerigaana
waa anigoo raba inaan is baraxo, isbarax maxay ah? Waxaan doonayaa inaan
nasteexo lawadaago jacaylkaan mudaba is diidsiinayay ee la isoo ogolaysiiyay
sidoo kalena aan la socodsiisyo damacayga guur, caawa dareenkaygu aad buu u
kacsanyahay meelaan marayana garan maayo, waa anigaan anoo laafyoonaya soo
gaaray hoteelkii aan dajiyay bilo kahor daqiiqado kadibna isa soo hor mutuxay
qolkay sida gaarka ah uga daganayd ee lambarkiisu ahaa 202, laba jeer ayaan si dagan dhag dhag uga siiyay albaabka deedna
waxaan maqlay boowe ma Cumar baa?! Halmar ayay cajaladii xasuustaydu wareegtay
waxaana is arkay anigoo taagan habeenkii arageena isugu kaaya horeesay mar ay
sidaanoo kale cod dabacsan igu tiri Boowe Cumar Qofkaan isoo eegaya ma Adigaa? Waa
habeenkii la idaarayee.
Waxaan saacada ku soo celiyay barteedii mise waxaaba
mar hore albaabkii furtay nasteexo, waa tan I hortaagan iyadoo labis isu eg oo
midabkeedii soo saaray xiran qofkii arkaana dawakhayo, waa sad lagasoo bilaabo
kabaha ilaa gambada wada cas waxaa intaas u dheer mobelkaan isu laabma, dhaga dhagaha
ay xirantahay, siliska qoorta usuran, kuwa gacmaha iyo faraantiyada oo iyaguna
dhamaantood wada cas, war ileen dumar baa labis loo daayaa dib ayaan isu eegay
mise waxaan soo xirtay ee aan isla xoodayay midba waa midab gooniya, anoo la
cajabsan daawashadeeda waa tan i tiri Ma waxaagii baa bilawday cumar? War dee
horay usoo dhaaf .
Waxaan iri gartay kadib maxaa dhacay? Waxuu yiri
waxaan ugudbnay qolka, waxaana fariisanay laba kursi iyo miis sariirta
barbarkeeda yiilay, deedna intay kacday bay cabitaan iyo doolshe ay sii
diyaarisay noo keentay, intii cabaar ah alaabtaas baa isla dhacaynay sheeko
kaftan iyo dulmar ah baa iyana barbar socday, kadib waxaa hadalkii dooxay
nasteexa oo tiri Cumar isbadal baa caawa iiga kaa muuqdee ma ii sheegi kartaa waxa
kaa cusub mise tan iyo xalayba jawi kalaad kujirtoo warbaad ii haysaa? igu dhur
dee. Ma iyaduusan hadaa isbadal ka muuqan waa tan caawa caruusadda la moodee
yaase ku dhaca oo waydiin kara, intaan qoslay baan ku iri baayo qiyaastaadu ma
xuma waxaa idaaray kii isaga ahaa oo baryahaanba aan qarsanayay, dhibtuna waxay
tahay la iima oga anna ku dhici waayay inaan sheegto. Say tiri Allah! Maantaa
la ba’ay war maxaa tiri ku dhici waayay aa? ma qoftaad xalay oo dhan lasoo
joogtay baadan waxba usheegan? Aboowe laga yaabo inaan garab kugu siiyo ka
waran ma garanayaa qoftaas mise? Waan arkaa halkay la kortay hadalkii iyo halkay
wax ka xulayso, hinaase inuu jirana waa ii muuqataa, kumase sii mashquulinee
Hadalka toobiyihiisii baan udaayay, waxaana iri haa si fiican baad utaqaan
qoftaas garabna waad igu siin kartaa laakiin ma hubo inaad yeelin iyo in kale,
hal mar ayuu wajigeedii is badalay oo yara aamustay, malaha waxay is tustay
“Geelay horaysay oo cirka looga heesay” mase oga qofta laga hadlaayo inay iyada
tahay, cabaar haday aamusnayd bay hadalkii kusoo noqotay kadibna iyadoo is
adkeenaysa tiri boowe yaan kaloo caawin lahaa hadaanan adiga ku caawin? qoftaas
hanatay qalbigaaga waa qof iga nasiib badanee iisheeg meel kastoo ay joogto
anaa dhambaaladaada jacayl gaarsiinee ma Ingiriiskay jirtaa qoftaasi Cumar? Hadalkeedaan
dambe waxuu ii noqday dhiiri galin waxaana dareemay in lagaaray waqtigaan
banooniga shabaqa ku hubsan lahaa, waxaan iri maya ingiriis iyo caradaa fog ma
jirtee magaaladay joogtaa, ee ma iga hubtaa Nasteexo wax kastoo ay ahaataba inaad
garab igu siin qoftaas calmatay qalbigayga? waxay tiri wax kastoo ay igu
qaadato diyaar baan u ahay inaan kugu caawiyo, waayo waxaad tahay walaalkay oo
kale ee taa haka walwalin boowe, maxaa loogu yeeraa inantaas? Nasteexo hadhaw saan
ma moodayn iyo wax lamida armaa la timaadaa walaaley? Say tiri seed uhadlaysaa
Cumar maadan igu kalsoonayn inanta magaceeda un iisheeg? Saan iri waxaa la
dhahaa Nasteexo. Say tiri Nasteexo aa! isu magac baaba nahee xaafadee bay
dagantahay? Saan iri waxay dagan tahay Hoteelkaan aynu caawa joogno. Say tiri oo
xalay adoo halkaan jooga baadan xataa isoo salaamin miyaa? ka gudub qolkee bay
ka dagantahay talaw ma hablihii saddexda ahaa ee habeen hore Maraykanka ka
yimid bay kamid ahayd? Saan iri may kuwaas kuma jirto maraykana kamay imaan
nasteexo ee waxay dagantahay qolka nambarkiisu yahay 202.
Say tiri 202
aa! Ma qolkayga? Hadda garatay qofka aan ujeedo inay iyada tahay filanwaa
ayayse ku noqotay mar way kacdaa marna way fariisataa mar way qososhaa marna
dhabarkay ii jeedisaa, aniga qudhayda xaaladaydu ma dagana waxaa iga soo haray
amakaag waxaan hadba dhowrayaa afkeedaa waxaana si toos ah ula socdaa
dhaqdhaqaaqa jirkeeda waxaana isleeyahay talaw maxay oran?......
Dhamaad
Qaybtii 8aad, Lasoco Qaybta
xigta....................
W.Q. Cabdifataax
Xasan Cirguje (Qarandoon)
Geen opmerkings nie:
Plaas 'n opmerking
Waad kumahadsantahay Inaad soo booqato Baloogayga