Donderdag 08 September 2016

Tolow Yaa Furay?! Qaybtii 9aad.



                                                                                         Waa Sheeko
                                                                                        Ka Turjumays
                                                                                dhacdo xaqiiqo ah
Qaybtii 9aad.....................................................
Say tiri 202 aa! Ma qolkayga? Hadda garatay qofka aan ujeedo inay iyada tahay filanwaa ayayse ku noqotay mar way kacdaa marna way fariisataa mar way qososhaa marna dhabarkay ii jeedisaa, aniga qudhayda xaaladaydu ma dagana waxaa iga soo haray amakaag waxaan hadba dhowrayaa dibnaheeda waxaana si toos ah ula socdaa dhaqdhaqaaqa jirkeeda waxaana isleeyahay talaw maxay oran? Allow mar un may hadasho!
Si kale kuma garatidee foorjaa ihaysa mar waxaan isleeyahay howl ba waa tan caawa taaganee armaa qofta lagaaga hormaray intaad kasii jeeday oo jawaabteedu caloolyaw kugu beertaa, saan misna leeyahay may caawa sidii hore maahan, maadan arkayn sida laguu qaabilay sharafteeda iyo xishoodka dheerigaa ee wajigeeda ka muuqda, cabaar kadib iyadoon wali jawaab celin samayn baa anoo yool baaraya ku iri baayo iga raali ahaw waayo ma doonayn inaan ku dhibo ama kugu furo mashquul iyo walwal, laga yaabo inaad daashay iska naso waan sii soconee, say tiri maya Cumar saa ha dhihin waxba iimaadan dhibin waxaanse ku waydiinayaa maxaad mar hore iigu sheegi wayday oo aad intaas oo dhan iiga qarinaysay? Su,aashaasi waxay igu noqotay laf dhuunta mari wayday, waayo waxaan uqaatay inay ula jeedo “Cumar Waan ka xumahay walaale waayo waad lasoo daahday” anoo hadalka shidshidaya quusna ku dhaw hase yeeshee xaqiiq raadis ah baan iri max.. maxa… maxaad ula jeedaa waydiintaadaas Nasteexo micnaha mala iiga kaa hormaray? Waxay tiri maya balse waad igala hormartay mooyee muddaan laftaydu ku taamayay inaan kula wadaago hase yeeshee dumarnimaa i ciishay.
Waxaan iri waayahay kadib maxaa dhacay Cumar? Waxuu yiri ma hadal kalaa yaal habeenkaas farxad iyo is marxabayn baan ku kala seexanay maalmo kadibna waan is guursanay, toban habayn iyo maalmahood  markaan wada joognay waqti fiicana wada qaadanay baa fasixii ka dhamaaday waxayna ku noqotay carigay ka timid iyo Ingiriiska, anana waxaana ku balanay Sanad kadib inay ii timaado dacwadna ii xareeso saan nolosheena ugu wada qaadano dhulkaas ay ku nooshahay. Dhanka kalese Cirgujow waxaa ii baryay waa cusub waxaana cagta la helay wadadaan tobonaanka sano dadka uga digayay ee ahayd qalbi ka dhoofnimo oo waa anigaan maanta daneenaya inaan dhulkayga ka dhoofo waxaan si fudud uga tagay waayo taariikhdayda qiimo ku lahaa oo maalinba maalinta ka dambaysa farxad igu soo kordhin jiray, waxaa iyana howl yari uweecday hiigsagaygii ahaa hogaan uqabashada iyo heer ka gaarida ganacsiga xilli goolka dhalintiisu dhawayd. hadda waxaan yeeshay himilo cusub oo aanan garanayn halkay igayn waxaana isku sheeko noqonay odayaashaan canaanan jiray ee mudada deegaanka kasoo maqnaa reerahoodiina hilmaameen, waxaana shaaha ka cabaa oo kaliya goobaha lagu hayo doodaha dhoofka iyo tahriiibka, Alla Maxaan waayo kala duwan usoo joogay.




Dhamaad Qaybtii  9aad, Lasoco Qaybta xigta....................
W.Q. Cabdifataax Xasan Cirguje (Qarandoon)

Geen opmerkings nie:

Plaas 'n opmerking

Waad kumahadsantahay Inaad soo booqato Baloogayga

Tolow Yaa Furay?! Qaybtii 16aad.

                                                                                            W.Q. Cabdifataax Xassan Cirguje Waa She...